Author: radiohalgan.com

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku dhawaaqay in Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe uu u magacaabay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM). Magacaabista Zenenga ayaa ku soo beegantay iyadoo uu xilka kala wareegay Anita Kiki Gbeho oo u dhalatay Ghana, taasoo heshay abaal-marin ku aadan wax qabadkeeda Soomaaliya. Zenenga ayaa soo noqday ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Liibiya, isagoo sidoo kale soo qabtay xilka Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Xiriiriyaha Howlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Liibiya (UNSMIL) tan iyo…

Read More

Waxaa maanta markale dagaal culus uu ka qarxay deegaanka Iji oo ku yaala xadka ay wadagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo salka ku haayo muran la xariira dhul beereed halkaas ku yaala. Dagaalka maanta dhacay deegaanka Iji ayaa lasoo sheegaya inuu socday ku dhawaad sadax saacadood oo xiriir ayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka maanta ay ku dhinteen ilaa afar ruux oo isugu labada dhinac ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan, isla markaana argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu guri ku yaalla degmadaas uu ku gubay xaaskiisa iyo caruurtiisa, kadibna uu baxsaday. Wararka ayaa sheegaya in ninka uu maseeray, kadibna uu sidaas dab ku qabadsiiyay guriga oo ay ku sugnaayeen xaaskiisa iyo carruurtiisa. “Caag shidaal ku jiro ayuu watay guriga ayuu bilbilay, kadib jante ayuu soo qaatay, wuuna gubay” ayuu yiri⁹ qof kamid ah dadka deegaanka…

Read More

Madaxweynaha maamulka Puntland oo qoraal soo saaray ayaa dalab culus diray Golaha Wakiilada, taas oo la xiriirta dhimsha xukuumadda. Saciid Deni ayaa ka codsaday Baarlamaanka inay muddo 45 cisho ah ugu daraan wakhtiga uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirada cusub. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynuhu dalabkaas gaarsiiyay guddoonka Golaha, si loo siiyo waqti dheeraad ah. Sababta waxaa lagu sheegay inuu Deni weli ku mashquulsan yahay dhismaha xukuumadda cusun, isla-markaana uu wado watashiyo guud ee ku aadan golaha wasiirada. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha uu qorsheynayo inuu u baxo safar dibadeed, taas oo kamid ah waxyaabaha…

Read More

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya. Wasiirka difaaca ee dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo soo farogeliyay arrintan ayaa caleema saarkii madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ka sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro dastuurka, si looga gudbo caqabada haatan ka jira gudaha dalka. Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in xilligii ololaha doorashada uu si dhow ula socday khudbadaha ay jeediyeen musharrixiinta, ayna dhamaantood ballan qaadeen dhameystirka dastuurka, isaga oo haatan su’aal ka keenay sababaha ku diidan yihiin in wax laga beddelo. Arrimihii la sheegay xilligii…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa aanu dagaal marnaba la gali doonin Soomaaliya, iyagoo doonaya galangal ay u helaan bad iyo deked. Abiy ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa aan looga shakin karin inay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya iyo in kale, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu yiri, “Sida Ethiopia ay uga go’antahay midnimada iyo nabadda Soomaaliya waxaanu ku muujinay dhiigga, iyo dhididka wiilasha iyo gabdhaheenna qalabka sida.” Waxa uu sheegay Abiy Axmed in tobanaankii sanadood ee u dambeeyay ay Ethiopia baadi doonka nabadda Soomaaliya ku weysay kumanaan ciidan ah – oo aanu jirin- dal kale…

Read More

Ciidamada Jabhadda Amxaarada ayaa isku gadaamay xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiyaha ee deegaanka Ensaro Shewa oo qiyaastii 93km u jirta magaalada Addis Ababa, ee Caasimadda Itoobiya, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Jabhadda. Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaara ayaa hadda Kaabiga ku haysa magaaladda Addis Ababa ee uu ku shaqeeyo R/wasaare Abiy Axmed. Gobalka Maamulka Axmaarada ayaa waxaa ka socda kacdoonkii ugu xooganaa, waxaana maanta laga maqlay rasaas dabaal deg u muuqatay markii uu is casilay R/wasaare ku xigeenkii Itoobiya ahaana wasiirkii Arrimaha Dibadda. Source: Amhara News Service

Read More

Maxaa cusub maanta: Madaxwaynaha JFS Mudane Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdisho isagoo shalay kaga qeybgalay Garoowe caleemasaarka Hogaanka Cusub Puntland iyo Madaxweyne Deni oo dib loo doortay. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu u safri doono Dubai- UAE 🇦🇪. Ka dibna wuxuu u socdaali doonaa Talyaaniga oo uu shir uga qeyb gali doono, shirkaas waxaa ku casuuman madaxda geeska qaar ka mid ah sida RW Ethiopia 🇪🇹 Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea 🇪🇷 Isais Afweerki. Madaxwayne Xasan Sheekh oo aqbalay inuu ka qeyb galo shirkaas waxaa macquul ah in Haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ah ay dhexdhexaadiso Somalia…

Read More

Dawladda Talyaaniga ayey wararku sheegayaan inay marti galin doonto shir madaxeed ay isugu keenayso madaxda dalalka Afrika. In ka badan kala bar dalalka qaaradda ayaa la filayaa inay ka qayb galaan shir madaxeedkaas oo maalmaha soo socda lagu wado inuu ka billowdo magaalada Roma, waxaana la filayaa inay ka qayb galaan oo ilaa hadda casumaadda aqbalay 15 madaxweyne iyo 8 ra’iisul wasaare. Waxaa kaloo jira wakiillo ayagana ka socda dalal kale oo Afrikaan ah, iyo wufuud guud ahaan tiradooda lagu sheegay 57 wafdi. Ilaa hadda waxaa la ogyahay in madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedkaas ay ka mid yihiin madaxweynaha…

Read More