Author: radiohalgan.com

Dhacdo argagax leh ayaa xalay ka dhacaday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ka dib markii nin uu xaaskiisa nolosha ku gubay. Ninka oo lagu magacaabo Siid Cali Macallin Daa’uud ayay dadka deegaanka sheegeen inuu jirdilay xaaskiisa ka dibna uu qol ku soo soo xiray ka hor inta uusan dab qabadsiin guriga. Gabadha la gubay oo lagu magacaabo Luul Sheekh Cabdicasiis ayaa hadda waxaa lagula tacaalayaa qeybta xaaladaha culus ee isbitaalka Digfeer, sida uu BBC-da u sheegay Camaadi Sheekh Cabdiziiz oo ah walaalkeed. “Walaashay Luul xaladdeedu waa mid culus. Hadda waxaa ay ku jirtaa koomo qeybta xaaladaha culus ee (ICU) isbitaalka…

Read More

Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu si hordhac ah ugu shaaciyey in dowladaha Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta ay wax ka ogyihiin heshiiska badda ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen 1-dii bishaan. Fahad Yaasiin ayaa sheegay in arrintaan uu dhowr dhinac ka fiiriyey, kadibna ay u soo baxday in Soomaaliya ay heysato “Col ku dhac oo cadow kuu ciidami.” Wuxuu sheegay in arrintaan uu ka soo saarayo dhowr qormo oo labo ka mid ah uu ciwaan uga dhigi doono “COL KU DHAC OO CADAW KUU CIIDAMI.” Fahad ayaa horay qormooyin uga soo…

Read More

Halgan(Radiohalgan.com)- Bulshada qeybaheda Kala duwan Dalka iyo Dibada ee ka soo jeeda Degmadda Halgan ee Gobalka Hiiraan -Somalia.Waxeey ku tilaabsaneeysa hormar la taaban Karo. Markii iska dulqaaday heeryadda khawaarijta Dhalinyarada Dagmada halgan waxey Sameyeen Guulo waweyn. Isku tashiga shacabka oo helay kalsooni amni oo Aay hogaaminayaan shacabka Dib’uxoreeynta ayaa Sugay in degmooyin badan oo gobalka hiiraan aay Ka hana qaado iftiinka Shacabka iyo qanaacada shacabiga. Waxa halkan ku Bogaadinayaa Dhalinyarada Halgan ee isku Xilqantay kana dhabeysay in Halgan yeelato Astaan amo Aargo.

Read More

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed Gen Mahad Cabdiraxmaan Adam. Guddoomiyaha iyo Taliyaha Asluubta ayaa kawada hadlay in gargaarka SoDMA bixiso la soo gaarsiiyo Maxaabiista ku xeran Xabsiyada dalka oo ay ugu horeyaan kuwa ku jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka. Sidoo kale Taliyaha iyo guddoomiyaha ayaa kawada hadlay sidii ay wada yeelan lahaayeen wada shaqeen dhaw, iyada uu Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxa uu kormeray xafiisyada kala duwan ee xarunta SoDMA. Kulankaan waxaa qayb ka…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad gobaleedka Jubaland ahna ku simaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada ciidanka ee Madhamaato oo ay dhawaan ka guureen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka ATMIS. Xeradan oo ay la wareegeen Ciidamada Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka maamulka Jubaland ayuu Madaxweynahu warbixin la xiriirta ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada ee la wareegay xeradan oo ay in mudo ah daganayeen Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa kasocday dalka Itoobiya. Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubaland Gen Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta 43-aad Gen Cali Maxamed Maxamuud Bagmadoow ayaa Ciidanka…

Read More

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa bogaadiyey tartanka ciyaaraha maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir kaas oo ka socda magaalada Muqdisho, xilli uu ku dhawyahay tartan dhammaadka, iyada oo la filayo in la soo gabagabeeya maalinta Isniinta ee inna soo aaddan. Gianni Madaxweynaha FIFA ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ku baahiyay oo uu ku boggaadinaayo horumarka dhanka ciyaaraha iyo is dhexgalka bulshada ee ka socda Soomaaliya. Madadweynaha FIFA ayaa soo qaatay qaar ka mid ah sawirro oo laga qaaday ciyaartooyda iyo taageerayaasha ciyaartii Galmudug iyo Banaadir oo Galmudug ay guusha ku raacday xilli ay u soo gudubtay kama dambeysta…

Read More