Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo mar kale xalay ka dhacday gudaha degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Duqeyntan cusub ayaa lasoo wariyay in lala eegtay xarun iyo guri ay ku sugnaayeen dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan kooxda oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in guriga la duqeeyay oo ku yaallo halka duqeyn tan ka horeysay todobaadkan ay ku garaceen diyaaradaha Mareykanka. Khasaare kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay weerarkan cirka ah, balse ma jiro wax hadal…
Markab ayaa lagu soo waramayaa in labo gantaal lagu dhuftay xeebaha dalka Yemen. Ururka ganacsiga badaha ee UK ayaa sheegay in uu dab ka kacay markabka. Waxaa la sheegay in markabkaasi laga leeyahay dalka Britain. Ciidamada isbahaysiga ee uu Maraykanku hogaaminayo ayaa ka jawaabaya dhacdadan. Dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta Yemen ayaa dhowr bilood ka waday weeraro ay ku qaadayaan maraakiibta mareysa badda cas, si ay u taageeraan sida Ay sheegeen – Falastiiniyiinta ku sugan Qaza. Xuutiyiinta ayaa mamnuucday’ maraakiibta Israa’iil, Mareykanka iyo Ingiriiska ee ka imaanaya Badda Cas Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay in maraakiibta gebi ahaan ama qayb ahaan ay leeyihiin…
Tababaraha da’da yar ee reer Spain Xabi Alonso ayaa qaab ciyaareed fiican la qaadanaya kooxda uu haatan hogaamiyo ee Bayer Leverkusen ee horyaalka Germany xilli ciyaareedkan waxana uu soo jiitay xiisaha kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool. Bayern Munich iyo Liverpool ayaa u baahan doona tababare cusub dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu dhamaaday xiriirkii ay la lahaayeen tababarayaasha Thomas Tuchel iyo Jurgen Klopp. Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Daily Mail oo soo xiganaya Sky Germany, Alonso waxa uu door bidayaa in uu tababare u noqdo Bayern Munich halkii uu tababare u noqon lahaa…
Dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya, xilli saameynta Turkiga ku yeelanayo qaarada Afrika sii kordhayo. Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yasar Guler iyo dhiggiisa Jabuuti Xasan Cumar Maxamed ayaa wadahadal dheer ku yeeshay magaalada Ankara , waxa ayna labada dhinac kawada hadleen iskaashi dhinaca difaaca ah iyo arrimo kale. Labada wasiir ayaana kala saxiixday heshiisyo iyo hab-maamuusyo dhowr ah , kuwaas oo ay ka mid yihiin heshiis iskaashi oo dhanka tababarka ciidamada ah iyo heshiis iskaashi oo dhanka maaliyadda ah. Wasiirrada Gaasgaandhigga dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa heshiiska…
Turkiga heshiis difaac iyo Iskaashi dhaqaale ayey la wada galeen Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti. Dawladaha danahooda istiraajiga ah ayaa haga, halka ay ugu badiso ayeyna ka dheefsadaan. Caadifad, qiiro iyo niyad wanaag wax badan kuma dhisaan. Waxaan xusuustaa iyadoo madaxdii talada dalka iskaga danbaysay na leeyihiin Itoobiya tii hore ee aad taqaaneen maaha. Xilli aan fogayna dawlad kale ayaa na loo sheegay in ay tahay saaxibka keli ah ee ay Soomaaliya leedahay. “Sideebay dawlad u fekertaa (How State Think). Waa buug ay qoreen John Mearsheimer iyo Sebastian Rosato oo maalmahaan ugu aqriska badan yihiin dadka daneeya arrimaha dawladnimada, gaar ahaan…
ERS-2 wuxuu ahaa qalab aad casri u ah markii la bilaabay 1995, kaasoo tiknoloojiyada uu isticmaalo ay ahayd mid hadda si joogto ah loo isticmaalo si loola socdo meeraha. Si tartiib ah ayuu dayax gacmeedkaas hoos ugu soo dhacayay tan iyo markii la soo afjaray shaqadiisa 2011, waxaana la filayaa in maanta uu soo galo koonka. Wakaaladda hawada sare ee Yurub (Esa) ayaa sheegtay in inta badan dayax gacmeedka labada tan ah uu ku guban doono hawada inta uusan dhulka ku dhicin. Waa suurtogal in qaybo kale oo adag ay u adkeysan karaan kulaylka xooggan ee ka dhasha xawaaraha sare,…
Tan iyo markii madaxweynaha Kenya iyo kan Nigeria Bola Tinuba ay noqdeen xilka qabteen, waxay la kulmayaan dhaleecayn oo ku saabsan safarada joogtada ah ee ay dibadda ugu baxaan. Labadaan nin waxay noqdeen kuwo laga bixiyo qeexitaanno aan qurux badnayn – eedaymaha la xidhiidha jeclaysigooda safarka hawada ah waxay ka badan yihiin kuwa xaaladdaha cakiran ee dhaqaale ee dalka gudahiisa ka jira. Warsidaha kasoo baxa dalka Kenya ee Standard ayaa madaxweyne Ruto ku naanaysay ‘Madaxweynaha duulaya’ waxuuna qoray wargeysku “Jacaylku uu u qabo safarka cirka ah waxuu u muuqdaa xitaa in uusan lumin karin fursad kasta oo uu heli karo”…
Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay burburka kadib dalka dibaddiisa uga qayb-galeyso carbis milatari oo weyn, sida uu shaaciyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka. Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo xalay kulan la qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska Danab ayaa sheegay inay Soomaaliya ku metali doonaan dhoolatus ka dhacaya dalka dibaddiisa, wallow uusan shaacin magaca waddanka uu ka dhacayo. “Waa markii ugu horreysay ee aan ka qayb-galeyno carbis milatari oo ka dhacaya dalka dibbaddiisa, waxaad ogtihiin mar haddii aysan horay u jirin waqtiyadan ay dhisneyd dowladdu ama ciidamadanka ay ku jireen dib u dhiska waxa nalagala filan karo inaan isku sheegno…
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa shalay ka bilaabatay maxkamadeynta Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto in xaaskiisii oo uur lahayd uu gubay, marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed. Eedeysanaha ayaa waxaa u doodaya qareen lagu magacaabo Abuukaate Cali Xalane, kaas oo dhaleeceyn xoogan kala kulmay bulshada, maadaama ay dood ka dhalatay kiiskan. Dad badan ayaa kasoo horjeestay in Cali Xalane uu u doodo qof dambigaas oo kale gaystay, halka kuwa kalena ay taageereen, maadaama ay tahay arrin sharci ah. Idiris Alteeso oo caan ka ah baraha bulshada ayaa kamid ah dadka ka falcilyay wuxuuna yiri “Dabcan harciga haduu qabo xitaa…
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale heshiis cusub oo dhanka milatariga ah la gashay dowladda Qatar, ayada oo shalay golaha wasiirad aiyo baarlamaanka ay ansixiyeen heshiis difaac oo lala soo galay dowladda dalka Turkiga. Heshiiskan waxaa Soomaaliya usoo saxiixay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyidiin oo dhiggiisa Qatar, Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, kula kulmay magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi. Labada dhinac ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashigooda dhanka ciidamada iyo sidoo kale sare u qaadida xiriirka laba geesoodka ah ee waxtarka u leh labada dal. Sidoo kale labada taliye ayaa heshiiska kadib kulan ay yeesheen…