Author: radiohalgan.com

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa tegay xerada Xalane, oo ay degan yihiin wakiiladda caalamka u fadhiya Soomaaliya. Farmaajo ayaa booqday xarunta safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku taalla gudaha Xalane, halkaasi oo kula kulmay Sii-hayaha safiirka Mareykanka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mr. Farmaajo ayaa Mareykanka kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadda dastuurka iyo doodda mucaaradka uu ka qabo qorshaha ay dowladda Xasan Sheekh rabto in ay ku meel-mariso wax ka beddelka ay dooneyso. Xogaha kasoo baxaya kulanka madaxweynihii hore iyo sii-hayaha safiirka Mareykanka ayaa…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo war cusub kasoo saartay xasaradaha haatan ka jira badda cas ayaa dalab culus u dirtay dalalka reer galbeedka, kaas oo la xiriira wax ka qabashada xaaladaha adag ee ka jira Badda Cas iyo sidoo kale Gacanka Cadmeed. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa ugu baaqay dowladaha reer galbeedka in xal u helida xiisadda ka taagan Badda Cas ay kala tashadaan Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda taagan aan lagu xallin karin gantaallo iyo duqeymo, balse…

Read More

Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed lagu hoobtay oo maanta ka dhacay bariga gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi. Dagaalka oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Afbarwaaqo ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay laba qof oo xoolo dhaqato ahaa ku dileen halkaasi. Dilka labada qof ayaa salka ku hayay aano qabiil oo ka taagan deegaanada dhaca bariga gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug. Intaas kadib waxaa dagaal toos ah uu ka qarxay goobta, kaas oo u dhexeeyay labada dhinac, waxaana uu qaatay saddex saacadood oo xiriir…

Read More

Kulan u dhexeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wakiilada beesha caalamka ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Xubnaha beesha caalamka oo la shiray Axmed Madoobe ayaa waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayada oo labada dhinac ay isla soo hadal qaadeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka. Inta uu socday shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray wax-ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG ah oo haatan uu ku howlan yahay baarlamaanka Soomaaliya, xilli ay diidan yihiin xubnaha mucaaradka oo saluug ka…

Read More

Xiddiga kooxda chelsea ee Wataru Endo ayaa sii wada qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee xilli ciyaareedkan. Wataru Endo ayaa ilaa haatan sameeyay rikoodh cajiib ah xilli ciyaareedkan kaas oo muujinaysa sida uu muhiim ugu yahay kooxda Liverpool. Xiddiga reer Japan ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay hesho natiijooyin fiican tan ilaa markii uu yimid kooxda. Kooxda Liverpool ayaan wax guuldaro ah la kulmin marka uu xiddiga Wataru Endo ku bilowdo shaxda kooxda Liverpool. Wataru Endo ayaa ilaa haatan kooxdiisa u ciyaaray kulamo badan waxa guuldaro ahna lama kulmin. Xiddiga Wataru Endo ayaa kooxdiisa u ciyaaray 12 Kulan tartamada oo dhan…

Read More

heekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa caawa ku dhawaaqay inay berri soomayaan oo maalinta koowaad ee Ramadaan ay u tahay, xilli maanta laga soomanaa inta badan Soomaaliya. Qeybo ka mid ah dalka, sida Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb, Guriceel, Gaalkacyo iyo inta badan degmooyinka gobolka Gedo ayaan maanta laga soomin, waxayna dadkaasi ku doodeen inay aragti ku soomayaan, kuna afurayaan. Sheekh Shaakir ayaa u hambalyeeyey dhamaan dadka Soomaaliyeed, isagoo dadka ku baraarujiyey inay Alle uga mahad-naqaan abaalmarintiisa bishaan qiimaha badan ee uu soo gaarsiiyey, kana faa’iideystaan fadliga bishaan Ramadaan. “Waxaan hambalyada bisha ramaddaan u diraayaa ummadda muslimiinta ah gaar ahaan shacbiga…

Read More

Waxaa caasimadda Muqdisho lagu soo gabogabeeyay “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir”, taasi oo socotay saddex cisho, ayna soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS. Madashan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Agaasimeyaasha guud ee Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo, gobolka Banaadir, khubarro ka socda Dowlad Goboleedyada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS. Arrimaha kasoo baxay waxaa ka mid ah; in la isku afgartay ni la sameeyo Sanduuga…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shirguddoomiyay kulanka 24-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad JFS. Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ayaa guda galay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya matalaadda shacabka. Cutubkan oo ka kooban  afar qeyb ayaa maanta waxaa ka doodistooda la furay qeybta koowaad ee mabaadii’da guud ee mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo Xildhibaannada Labada Aqal ay soo jeediyeen aragtidooda ku aaddan…

Read More