Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Maraykanka aya diyaarado u kiraysay in ay kusoo daadgurayso muwaadiniinteeda ku dhibaataysan dalka Haiti si ay uga hortagto halis weliba oo ay la kulmi karaan Muwaadiniintaasi sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Washington. Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in dad ka badan 30 ruux oo dhalashadoodu tahay Ameerika lasoo saaray diyaarad u kireysan Dowladda waxaana ay caga-dhigatay Magaalada Miami ee Gobolka Florida. Washington ayaa digniin ka heshay dhiggeeda Haiti kaddib markii ay kordheen rabshadaha ay ku lugta leeyihiin kooxaha hubaysan ee ka awood badiyay ciidamada dalkaas, waxaana ugu dambayn Maraykanka uu qaaday tallaabadaas uu muwaadiniintiisa uu ula…
Cismaan Sheekh Nuur Rooble oo ah sharci yaqaan Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday hoteelka SYL oo uu kamid ahaa dadkii deganaa, xilliga Shabaab weerarka ku qaadayeen todobaadkan, kaas oo qarax ku bilowday. Aqoonyahanka ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa oo aroos ah ay daganayeen qol kamid ah hoteelka, islamarkaana laga badbaadiyay inta uu socday weerarka. “Waxaan ahayn aroos hoteelka daganaa abaare 10:00 habeenimo ayaa qarax iyo weerar toos ah lagu soo qaaday hoteelka, qolkiibaa ku xanibneyn daqiiqado ka bacdi ciidamo ayaa imaaday dariishadaa ka boodnay bannaanka ayaa naloo saaray,” ayuu yiri Cismaan Sheekh Nuur Rooble. Sidoo kale waxa…
Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Illey) ayaa dhawaan laga sii daayay xabsi ku yaalla magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib muddo lix sano ku dhow oo halkaas uu ku xirnaa. Sii deynta Illey ayaa waxaa ku timid amar uu bixiyay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, ayada oo si weyn loogu dhaliilay go’aanka uu xabsiga uga sii daayay ninkaan. Cabdi Illey ayaa xabsiga loo taxaabay shan sano iyo shan bilood ka hor, kadib markii xukunka dalkaas uu la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo hadda la daalaa dhacaya fashil ka heysta gudaha dalka iyo siyaasadda…
Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) Axmed Macallin Xasan ayaa maanta qaabbilay wafdi ka socda hay’adda duulista rayidka dalka Masar iyo shirkadda diyaaradaha ee Egypt Air. Socdaalka wafdiga iyo ujeeddada kullamadan ayaa bilow u ah qorshaha lagu diyaarinayo duulimaadyo ay ka bilowdo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho shirkadda duulimaadyada Egypt Air. “Waxaan isla bilownay qiimeynta la xiriirta suurta-galnimada ay duulimaad toos ah uga billaabayso Muqdisho shirkadda diyaaradaha Egypt Air, kaasi oo noqonaya Muqdisho iyo Qaahira ,” ayuu yiri Maareeyaha guud, Axmed Macallin. Waxa uu intaas kusii daray “Hadda waxaa socda qorshihii aan ugu…
Doodda wax ka beddelka dastuurka ayaa weli ka socoto baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo mareysa meel xasaasi ah, xilli ay si adag uga biyo diideen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Kulanka maanta oo ahaa midkii 26-aad ee labada gole ee baarlamaanka, ayaa waxaa shir-guddoomiyay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayada oo ay ku wehliyay ku-xigeenka labaad Aqalka Sare ee baarlamaanka Cabdullaahi Timacadde. Ajandaha kulanka ayaa ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee dastuurka KMG ah madaxa koowaad mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka dalka. Xildhibaannada iyo Sanatarrada waxa ay doodo adag iyo su’aalo…
Qodobo xasaasi ah ayaa kasoo baxay shirka amniga Somaliland oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka Somaliland ee magaalada Hargeysa. Shirkaan oo uu guddoomiyey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay wasiirka gaashaandhiga iyo taliyeyaasha guud ee ciidamada kala duwan ee Somaliland. Kulanka oo qaatay saacado ayaa waxaa looga hadlay amniga caasimada iyo guud ahaan kan deegaanada maamulka, ayada oo laga soo saaray lix qodob oo xasaasi ah, oo qaarkoodna farriin toos ah loogu diray shacabka. Hoos ka aqriso qodobada kasoo baxay shirka, oo u dhigna sidan; In la adkeeyo amniga Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba amniga…
Muqdisho(Radiohalgan.com)- Wararka aan ka heleeno magaalada Muqdisho ayaa tibaaxayo in Gudoomiyihii Xisbiga Daldhis Abdirahman Adow iyo Cabdalle Cabdalle ayaa hadda Xabsiga laga sii deyay Dadal dheer kadib. Kadib markii la xiray Maanta Guddoomiyaha Xisbiga Daldhis Mudane Abdirahman Hussein Adow. Warar hoos eey heshay Radiohalgan.com ayaa shagay in uu ka Damiintay Hotel Cabdalle Cabdalle oo NISA ku raad joogeen, hase ahaatee waxaa hadda Xuriyadii dub u helay Dr Adow iyo Cabdalle Cabdalle. Ugu Danbeentii Gudoomiye Adow ayaa ahay Sxb u dhow Bahada radio Halgan Waa ilaah mahadii in dib u helo Xuriyadiis. Waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco…
BELEDWEYNE(Radiohalgan.com)- Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow Halka uu joogo iyo xaalka Beledweyne. Gudoomiye Sufuroow ayaa yiri Hadda waxa ku suganahay Xafiiska Maamulka Gobolka Hiiraan,shaqsiyaad Aan shacabka iyo Gobolka u naxeynin kana turjumaan oo sharaci daro ah ayaa na soo weraraay. Xildhibaan qar ka mid ah ayoow Guddoomiyaha ku edayay Maamulka dumiis sharciga ayaan la tiigsandoona. Hase ahaate Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadalay https://youtu.be/gt45yHIGcCs?si=WcX5Wgc7Hwv5o4Hj
Kooxda Man United ayaa FA Cup-ka ka cidhib-tirtay Liverpool kulan ka dhacay Old Trafford. Man United ayaa 4/3 kaga badisay kooxda Liverpool kulan waali ahaa oo ay labada kooxood si waali ah u ciyaareen. Hadaba halkan kaga bogo xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka: 1.Manchester United ayaa markii 11-aad ka reebtay Liverpool tartanka FA Cup-ka; Kaliya Liverpool ayaa koox kale ka reebtay tartan in ka badan waana Everton oo ay tartanka ka reebtay 12 jeer. 2.Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan dhalisay 23 gool oo ay dhaliyeen xiddigaha badalka ku soo galay tartamada oo dhan (marka laga reebo gool ay iska dhaliyeen), waana…
Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Man United. Liverpool ayaa guuldaro 4/3 ah kala kulantay Man United kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier Legaue. “Kulan xamaasad leh, si fiican ayay ciyaartu ku bilaabatay laakiin anagu si fiican kumaan bilaaban, waxa ay wakhti nagu qaadatay si aan ula qabsano ciyaarta, waxa aan ahayn kuwo cajiib ah laakiin maanu dilin ciyaarta, hadii aad kaliya hal gool ku hogaaminayso waxa iska cad in kooxda kaa soo hor jeeda ay ciyaarta ku jirto, ugu dambayntii waa nalaga badiyay”. “Wiilasha wax walba way bixiyeen,…
