Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
WAR SAXAAFADEED DEG DEG AH Xisbiga Daldhis waxa uu si weyn u Cambaareynayaa dagaalka xalay iyo maanta ka socda magaalada Beledweyne. Waa nasiib darro in dano siyaasadeed shacabka lagu dilo, lagubarakiciyo hantidoodana lagu baabiyo. Shacabka taabaaleysan oo ku jira cibaadada bisha barakeysan waa in laga daayo barakicinta ayidoo lahubo in aadan ku gaari doonin dano shaqsi ah. BAAQ KU SOCDA SHACABKA Xisbiga Dladhis waxa uu ugu baaqayaa in shacabku isdejiyaan oo aysan ku milmin dano siyasadeed oo la ogyahay halka ay ku dhamaanayaan. Waa in shacabku ilaashado nabadgelyadiisa kana diktoonaadaan dhagarqabayaasha marba shaati usoo gashanaya. BAAQ KU SOCDA…
Cisman geedi cilmi gudomiyaha shabelada sare ayaa si kulul uga hadlay Maamulka Degmada Buulo-Burte Mamulka hirshabele ushaqeyo ee jogo buulo-burte sida ugu dhaqsiyaha badan haisaga tagan dagmada garonka diyaradahana kama soo dagi karan. Cisman geedi cilmi gudomiyaha shabelada sare ayaa sidasi dhahay https://youtu.be/UhHGvW5opyI?si=7AgYk5ugWhdhfTTb
Lataliyaha madaxweynaha JFS Mudane Qoono waxaan aad uga xumahay wixii maanta ka dhacay magalada Beledweyne Waxaan aad uga xumahay wixii maanta ka dhacay magalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan inta ku dhimatayna Alle ha u naxariisto inta ku dhaawacantayna Alle ha caafiyo wixii halkaa ka dhacayna masuuliyadeeda waxa qadaa maamulka Hirshabelle. Magaalo soo kabsasho ku jirta kana so kabaneysay fatahaadihii dhawaan ku dhuftay in loogu si daro duulaan iyo dagaal waa wax aad looga xumaado runtii waxa masuuliyadda qadanaya dadka halkaas jooga. Waxaan ku baqayaa in laga wada shaqeyo nabada iyo horumarka guud ahaan gobalka Hiraan si loo helo…
Alle ha u naxariistee Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan oo ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka ayaa ku geeriyooday magaalada Caabudwaaq, kaas oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas uu ku dhuftay shalay mid kamid ah ilaalada xarun agoon oo ku taala magaalada Caabudwaaq. Qoraal kooban oo ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri, “Madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska iyo Ehelkii Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan, iyagoo Alle uga baryey inuu siiyo naxariis iyo Jannatul Fardowsa.” Sidoo kale warkale oo ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay,…
Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa xalay si aqlabiyad ugu codeeyay in la meel mariyo sharci horseedi kara in dalka oo dhan laga mamnuuco barta caanka ah ee TikTok, hadii shirkad iska leh maamulkeeda aysan ku wareejin shirkad Mareykanka laga leeyahay. Xeerkan ayaa Tiktok loogu qabtay muddo lix bilood ah inay kaga hoos baxdo shirkadda la sheegay inay geed fadhiga u tahay ee laga leeyahay Shiinaha, islamarkaana ay isu dhiibto shirkad maxalli oo Mareykan ah si dowladda hantiwadaagga ee Shiinaha galaaliyo xogta muwaadiniinta mareykanka ee isticmaala Tktok. 352 mudane oo aqalka wakiilada ayaa haa ugu codeeyay sharcigan oo ka dhigan halistii ugu…
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale guul wayn ka gaartay barnaamijka dayn cafinta, kadib markii Naadiga Paris uu cafiyay 99% daynmihii uu ku lahaa Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo laga gaaray dadaallada ay dowladda federaalka ku dooneyso inay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamka. Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska,ayaa waxaa ku sugan wafti uu horkacyo wasiirka maaliyada Soomaaliya iyadoo halkaas lagu soo gebagebayay wada xaajood wakhti dheer qaatay oo ay la yeelanay waddamada ku middoobay naadiga Paris ( Paris club) oo ku lahaa Soomaaliya lacag ka badan 3.1 billion oo doolar, iyada oo laga duulayo isafgaradka…
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno adag ku ridday mas’uuliyiin lagu helay musuq-maasuq, kuwaas oo ay horay usoo xukuntay Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Banaadir. Mas’uuliyiinta la xukumay ayaa ka kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhaxe, iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxayna dacwaddooda soo socotay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Maxkamadda Racfaanka ayaa kiisaskan ka yeelatay laba dacwadood, waxayna maanta kasoo saartay xukuno kala duwan oo xabsi ah, Dacwqadda 1-aad oo ka yeelatay 8-fadhi ayaa ugu dambeyn ay maanta ku dhawaaqday xukunka oo noqday sida tan: Makamadda ayaa ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah Cumar Macallin Nuur iyo Cabdullaahi Maxmuud…
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana go’aan looga gaaray heshiis ay Soomaaliya la gashay Imaaraadka Carabta. Xubnaha Golaha wasiirada ayaa shirkooda sidoo kale ku meel-mariyay Golaha Warbaahinta Qaranka, waxayna joojiyeen in shirarka khuseeya hay’adaha dowladda lagu qabto dibadda. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ugu horreyntii lagu ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood. Golaha ayaa waxaa magacaabistooda soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxayna kala yihiin:- 1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto) 2. Maxamed Shiil Xasan Shiil 3. Muna Cumar Xasan 4. Yuusuf Xasan Mursal. 5.…
Dagaalka ka dhanka ah argagixisada joogta Soomaaliya ayaa hakad ku jiray dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, wallow ay dhowr jeer ay duqeymo fuliyeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, haddana ma jirin dagaal qorsheyn oo ciidanka xoogga dalka qaadeen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kasoo laabtay furimaha dagaalka waxaana uu si weyn ugu mashquulay dastuurka iyo xiisadda Itoobiya ee la xiriirta badda. Inkasta oo madaxweynaha loogu garaabi karo arrinta Itoobiya oo shaqo bogaadin leh ka qabtay haddana wararka maalmihii tegay ka yimid deegaanada Caad, Camaara iyo Bacaadweyn ma ahan kuwa farxad galinaya shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa soo hadal qaaday Chapter 7, kaasi oo ka dhigan in Soomaaliya aysan weli madax-banaanideeda dhameystirneyn. Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu weli ku jiro Cutubka 7-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isagoo tilmaamay awoodda uu caalamka u leeyahay inuu soo faro-gelin karo xiisadda dastuurka ee u dhaxeysa dowladda Xasan iyo madaxdii hore ee uu kamid yahay. “Dalkaan wuxuu ku jira Chapter 7, weli kama uu bixin, haddii aan is qaban weyno waxaa qasab ah in beesha caalamka ay garbo duub noo qabato,” ayuu yiri, isagoo sii raaciyay “Haddii…