Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarkii dhimashada iyo dhaawaca aadka u badan sababay ee ka dhacay Galbeedka Magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka ee xalay dhacay. Qoraal lasoo dhigay barta Madaxtooyada Soomaaliya ee Mareegta X ee horay loo oran jiray Twitter waxaa lagu cambaareeyay weerarkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 60ka ruux kuna dhaawacmeen in ka badan 150 kale. Weerarkaan ayaa ka dhacay goob shineemo ah oo lagu daawanayay Ruwaayad sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magaalada Moscow oo goobtaas gaaray kaddib markii weerarkaas uu dhacay. https://x.com/TheVillaSomalia/status/1771369846875570325?s=20 Xukuumadda Moscow ayaa lagu wadaa in ay war kasoo saarto…
Ciidanka Yuhuudda oo muddooyinkii u dambeeyay samaynayay tallaabooyin foolxumo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa markale laga soo calaamadeeyay in ay taangiyadooda dul-mariyeen Dad Shacab ah oo qaarkood dhaawacyo ah. Askarta Yuhuudda ah ee ku go’doonsan Isbitaalka Al-Shifa ayaa si qasab ah dadka bukaannada ah iyo kuwa la jooga dibadda ugu soosaaray si ay gabbed uga dhigtaan maadaama ay awoodi waayeen in ay bannaanka usoo baxaan. Balse dhinacyada wax iska caabbinta Falastiin oo gubay qaar kamid ah Taangiyada Israaiil waxa ay ciidamada Yuhuudda markale ay sameeyeen in ay Taangiyada dulmariyaan qaar kamid ah Dadkii ay sida awoodda ah…
Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad Gobaleedka Puntland waxaa maanta shir uga furmay qaar ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul Gobaleedka Puntland. Shirka oo uu ka socda madaxtooyada Puntland waxaa qeyb ka ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas. Qaban qaabada shirka oo muddooyinkii dambe ay socotay waxaa looga hadlayaa marxaladda guud ee dalka uu marayo, xoojinta dadaallada dowlad-dhiska Soomaaliyeed, adkaynta wadajirka iyo…
Dabley hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday hoolka bandhig faneedka oo ku yaalla magaalada Moscow, halkaasoo ay ku dileen ugu yaraan lixdan qof in ka badan boqol qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee Ruushka. Ugu yaraan afar weeraryahan oo ku labisan qalabka wajiga lagu duubto ayaa ka qayb qaatay weerarka, oo ka dhacay xaafadda waqooyi-galbeed ee Krasnogorsk, sida ay BBC-du xaqiijisay muuqaallada ay heshay Masraxa hoolka Crocus ee magaalada waxaa ka socotay riwaayad markii dableyda ay gudaha u galeen hoolka. Inta badan dhismaha ayaa waxaa qabsaday dab, waxaana soo dumay qeyb ka mid ah…
Nin 62 jir ah ayaa la sheegay in uu si degdeg ah u soo kabanayo ka dib markii loo galiyey kelyaha doofaarka, waxaana dhawaan laga saari doonaa isbitaalka. Kelyaha doofaarka ee lagu beeray jidhka bini’aadamka ayaa isbaddel lagu sameeyay hidde sidahooda sababtoo ah haddii kale jidhka bini’aadamku wuu diidi lahaa in uu aqbalo. Dhakhaatiirta Mareykanka ayaa sheegay in Rick Slimane uu yahay geesi dhab ah oo qaliinkan ku guuleystay. Ugu dambeyntii, waxaa la sheegay in xubnaha xayawaanka la isticmaali karo ka dib isbeddel yar oo hidde-side ah si loogu tallaalo ruux bini-aadmi ah. Kelyaha Doofaarka ayaa si tijaabo ah loogu…
Dowladda Hindiya ayaa magaalada Mumbai gaysay 35 ruux oo burcad baddeed Soomaali ah, maalmo ka dib markii ciidamadeeda baddu ay howlgal ay ku furteen shaqaalihii iyo markabkii MV Ruen ka fuliyeen biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya. Afduubkii bishii December ee sanadkii hore lagu qaaday markabka MV Ruen ee uu ka dul babbanayay calanka Malta ayaa ahayd markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2017-kii oo lagu guulaysto in markab nooca xamuulka ah kooxaha burcad badeedda Soomaalida laga soo furto. Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in howlgalku “uu taageeray mabaadii’da sharciga caalamiga ah iyo sida ay uga go’an tahay xaqiijinta bad-qabka…
Nin xaaskiisa ku gubay aashato laba bilood ka hor degmada Kombolcha ee Bariga Gobolka itoobiya ee Harar ayaan illaa hadda wax tilaabo ah laga qaadin sida ay BBC-da u sheegeen qoyskeedu. Haweenayda oo lagu magacaabo, Ayyaantuu Musxafaa Taayyee, ayey dhibaatadu kusoo gaadhay guriga ninkeeda Carifee Cali Xuseen. Aabaha gabadha la gubay, Musxafaa Taayyee ayaa sheegay in dambigu uu yahay mid culus balse dacwadda lagu soo oogay dambiilayaasha ay aad u liidato. “In la toogto ayaa dhaanta in qofka aashato lagu shubo. Tani waa dambi culus. Marka loo eego fal-dembiyeedka, waxay ahayd in si adag loola xisaabtamo,” ayuu yiri, isagoo intaas…
Sanadkii 2022 kii oo ay dhacday doorashada Soomaaliya iyo bilihii ugu dambeeyayay ee sanadkii 2021 kii, ayaa is fahmiwaa siyaasadeed oo dhexmaray madaxweynahii Soomaaliya ee xilligaas, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada waxa uu sababay xasillooni darro siyaasadeed oo aad u xoogaysatay. Taas ayaa waxay sababtay in xilligaas ay siyaasiyiinta iyo madaxdu is dhaafsadaan hadalo xanaf leh oo aad hadalhayn uga dhexdhaliyay shacabka Soomaalida. Madaxdii Waqtigaas hadalada adag hawada isku mariyay ayaa waxaa ka mid ah madaxweyinihii xilligaas Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Amxed iyo madaxwynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni. Hadaba, saddexdooduba…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay affur wadareedka sannadlaha ah ee is aragga xukuumadda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Affurkan waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiirro katirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, masuuliyiin heer goboleed, saraakiil iyo masuuliyiin kale oo dowladda katirsan. Xafiiska Xamse Barre ayaa sheegtay in affurka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda iyo masuuliyiinta kale la qaateen shacabka uu yahay mid lagu xoojinayo isu soo dhaweynta Xukuumadda iyo shacabka Muqdisho. Xukuumadda Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa dooneysa in ay kasbadaan quluubta bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho…
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Khamiistii sheegay in waddada ku wajahan xiriir dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, oo uu dib u dhigay dagaalka Gaza, ay hadda aragto horumar wanaagsan.” Blinken ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Qaahira ku sheegay in booqashadii uu Sacuudiga ku tegay Arbacadii ay dhashay “wadahadal aad u wanaagsan,” oo uu la yeeshay dhaxal-suge Maxamed bin Salamaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Faisal bin Farhan. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray dagaalka Gaza iyo xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga, halkaasi oo Blinken uu booqday saddex jeer tan iyo 7-dii October. Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa sheegay inuusan…
