Author: radiohalgan.com

Warbixin kooban oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay Maalinta loo gaarka yeelay ee Biyaha Adduunka oo sanad weliba la maamuuso 22ka Maarso waxaana ay sanadkaan kusoo beegantay iyada oo biyo la’aan ka jirto Dalal badan oo Caalamka. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Biyaha ay la heer yihiin Amniga iyo kala dambaynta loona baahan yahay in ahmiyad wayn la siiyo sidii Dadka dhibaatada xooggan u maraya helitaanka Biyo Nadiif ah ay si fudud u heli lahaayeen biyaha. Waxaa hoos u sii dhacaya heerka helitaanka Biyaha guud ahaan Caalamka waxaana si gaar ah looga digayaa Dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ee aanay…

Read More

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa General Muhozi Kainrugaba u magacaabay taliyaha ciidamada difaaca dalkaas, sida ay sheegtay dowladda Uganda. Ku dhawaaqista wasaaradda gaashaandhigga ayaa daba socotay hadal heyn sanado badan socotay oo ku saabsan in Kainerugaba loo diyaarinayo xilka ugu sarreeya ee Uganda. Inkastoo 49-jirkan uu horay u beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo inuu xilka kala wareego aabihiis- oo ah hoggaamiye muddo dheer soo xukumayay dalka Uganda, haddana wuxuu ku dakeynayaa dallacsiin degdeg ah oo uu ka gaaray darajada ciidamada Uganda. Hadal laga tiray sannadkii hore barta X, oo hore u aheyd Twitter, Kainerugaba wuxuu sheegay inuu damacsan yahay…

Read More

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa shalay isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee caasimadda Masar sheegay inuu aaminsan yahay in wada hadallada ay Mareykanka, Qadar iyo Masar garwadeenka ka yihiin ay weli suurtogelin karaan heshiis xabbad-joojin ah oo u dhaxeeya dagaa-yahannada Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Israa’iil. Wadahadallada Qadar ayaa waxaa udub dhexaad u ah xabbad-joojin lix toddobaad socota taasoo oggolaan doonta sii deynta 40 Israa’iiliyiin ah oo la haysto iyadoo lagu beddelanayo boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil, tanoo sidoo kale waddada u xaareysa in gargaar badan la geeyo Qasa oo macluul qarka u saaran. Blinken…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno la socday ayaa goordhaw ka degay magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay madax kala duwan. Garoonka diyaaradaha magaalada Garawe waxaa madaxweyne hore Farmaajo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, wasiirro iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Puntland. Madaxweyne hore Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in kulamo kala duwan qaataan ayna kawada hadlaan xaalada siyaasadeed ee dalka ,gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha Dastuurka . Radio halgan

Read More

Madaxweynaha dalka Nageria Bola Tinubu ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo safarada dibadda ah ee u baxaan wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee dalkaasi, kaddib markii ay korortay lacagta ku baxeysa safaradaasi. Bola Tinubu ayaa walaac ka muujiyay dhaqaalaha tirada badan ee ku baxaya safarada dibadda ah, waxa uuna sheegay in dhaqaalaha ku baxaya safarada yihiin kuwa laga maarmi karo oon muhiim aheyn. Mamnuucida safarada dibadda ee wasiirrada iyo madaxda kale ee dowladda Nageria ayaa bilaabaneysa 1-da bishan soo socota ee April, waxaana dowladda Nageria lagu dhaliilay dhaqaalaha badan ee safarada ku bixiyaan. Madaxweynaha dalka Nigeria ayaa la sheegay in…

Read More

Xiddig ka tirsan kooxda Coventry City ayaa ku digtay kooxda Man United kadib isku aadki Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka. Coventry ayaa si cajiib ah isaga xaadirisay wareega Semi-Final-ka kadib markii ay garaaceen kooxda Wolves. Abaalmarintooda waa kulanka Wembley ee ay la leeyihiin Man United, oo 4-3 ku garaacday Liverpool ciyaar aan caadi ahayn oo siddeed dhammaadka ah oo Axaddii ka dhacday Old Trafford. Coventry ma aysan gaarin heerkan FA Cup-ka tan iyo markii ay ku guuleysatay tartanka 1987, markaasoo ay 3-2 ku garaacday Tottenham Hotspur ka dib waqtigii dheeriga ahaa. Daafaca midig ee reer Holland ayaa ku digtay Man United …

Read More

Xulka Qaranka Somalia ayaa guuldaro kala kulmay xulka Qaranka Eswatini kulan ka tirsanaa is Reeb-Reebka Koobka Africa. Xulka Somalia Oo Marti loo ahaa ayaa ciyaarta si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta. Xulka Qaranka Eswatini ayaa qaybta hore ee ciyaarta ku hogaaminayay 2/0. Qaybta dambe ayuu xulka Somalia si fiican u ciyaarayay laakiin waxa ka dhimanayd dhamaystirka fursadaha Xulka Qaranka Eswatini ayaa qaybtii dambe dhaliyay goolka 3-aad iyaga Oo ciyaarta ka dhigay 3/0. Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo xulka Somaliya lagu garaacay 3/0

Read More

Ku Guulaysiga premier League wax ka badan hal mar ayaa ah arin cajiib u ah xiddig kasta. Kooxaha Man United, chelsea iyo Arsenal ayaa ku guulaystay horyaalka sanadihii ugu horeeyay ee tartanka halka ay Man City sanadihii ugu dambeeyay soo dab qaadatay. Si kasta ha ahaatee in ay Liverpool sugtay ilaa 2020 si ay ugu guulaysato horyaalka premier league ayaa ah mid aan la isku halayn karin. Waxa jira xiddigo yar oo nasiib u yeeshay in ay horyaalka premier League ku guulaystaan wax ka badan hal mar isla markaas kula guulaystay laba kooxood oo kala duwan. Warbixintan waxa aan ku…

Read More

Xilli ciyaareedka La Liga ayaa ahaa mid xiiso leh xilli ciyaareedkan iyada oo ay ka soo bexeen kulamo aad u fiican. Kooxo badan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu bilowday tartanka xilli ciyaareedkan. Xiddigaha ayaa is muujiyay ilaa haatan iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah ilaa haata xilli ciyaareedkan. Kadib markii la galay fasaxa xulalka waxa fursad loo helay in la qiimeeyo xilli ciyaareedka Horyaalka La Liga. Shabakada Whoscored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee ilaa haatan horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan. Kooxaha Barcelona, Granada, Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa shaxda…

Read More

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh. Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan. Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga. Darwin Nunez, Dominik Szoboszlai iyo Ryan Gravenberch ayaa ka mid ah xiddigaha Liverpool ee ka cadhooday ka tagistii Jurgen Klopp ee kooxda iyaga oo aaminsan in la marin habaabiyay markii ay u saxiixeen Reds (FootballTransfers). Saraakiisha Manchester United ayaa todobaadyadii la soo dhaafay sare u qaadayay…

Read More