Author: radiohalgan.com

Dhammaantood iyaga oo leh calaamado muujinaya dhaawacyo ku yaalla ayay ka soo hor muuqdeen maxkamad ku taala caasimadda ruushka, waa afarta nin ee ku eedaysan in ay gaysteen weerarkii lagu dilay ugu yaraan 139-ka qof ee dhacay Moscow. Waxay afartuba ku eedaysanyahiin in ay gaysteen fal argagaxisonimo Jimcihii tagay, ayay rag hubaysan gudaha u galeen masrax ku yaala magaalada Krasnogorsk ee oo dhacda waqooyiga magaalada Moscow, waxayna rasaas ku fureen dadweynihii masraxa daawanayay, ilaa 6,000 qof ayaana kasoo qayb galay bandhig faneed halkaa ka socday. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale waxa ay sababeen dab xoogan oo ku fiday…

Read More

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo ‘AS’ ayaa ku dagaalamay deegaanka Daaru-Nicma Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo Mustaqbal la hadlay. Dagaalkaan ayaa yimid kaddib markii Rag hubaysan oo katirsan ‘AS’ ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamadaan ay ku leeyihiin Deegaanka Daaru-Nicma Aroornimadii hore ee Maanta oo Talaado ah waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaad xooggan. Inkasta oo aanay la ogayn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaan balse waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in la maqlay qaraxyo loo badinayo in loo adeegsaday Gawaari lagu soo raray…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feseraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing. Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda iyo Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika ayaa diiradda lagu saaray, “xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireen ka ah ee u dhaxeeya labada dal,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay guulaha waawayn ee ay Soomaaliya xaqiijisay muddaddi la soo dhaafay, haddana loo diyaar garoobayo isbeddel mug leh…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 16-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka. Ajandaha kulanka ayaa ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Qaraarka Buuxinta Kuraasta ka Bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii ay geeriyoodeyn xubnihii ku fadhiyey. Guddooomiye Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ka siiyay Xubnaha Guddiga Joogta ayaa la wadaagay xaalada guud ee dalka gaar ahaan shuruucda hortebinta u leh guud ahaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee horyaala Golaha. Sidoo kale xubnaha Guddiga ayaa ka dooday isla-markaana ansixiyay Qaraarka Kuraasta ka Banaan Golaha Shacabka in la soo buuxiyo,…

Read More

Dalka Koonfur Afrika, waxaa ka dhacday doorasho lagu soo doornayey hoggaanka cusub ee uu yeelan doono baarlamaanka guud ee Afrika, ee loo yaqaan Africa Pan African Parliement. Golahan ayaa ka kooban xubno kala duwan oo ka kala yimaadda baarlaamaannada ay leeyihiin dalalka qaaaraddu, iyada oo waddan kastaa ku yeelanayo shan xubnood Soomaaliya waxaa ku metelayey xubno kala duwan oo uu ka mid yahay Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo BBC-da u sheegay. “Walaal madaxtooyadu waa wareegto, hadda waxaa ku fadhiya waddammada Koonfurta, hadhawna waxaa xigaya waooyiga, bariga iyo galbeedka’ ayuu Cabdi Ismaaciil u sheegay BBC. Afar ku xigeen ayaana la doortaa…

Read More

Bassirou Diomaye Faye waxa uu ku guuleystay madaxnimada dalka kadib Ousmane Sonko, oo u ayiday inuu beddelo. Bassirou oo 44 sano jir ah ayaa lagu wadaa in uu noqdo madaxweynaha ugu da’da yar ee Senegal ka taliya ka dib markii ninkii la tartamayay ee doorashada madaxtinnimada uu aqoonsaday guushiisa Isniintii. Waxaa xabsiga laga sii daayay 14-kii Maarso, isla markiiba isaga iyo xulafadiisu waxay bilaabeen olole dabeylo wata oo ay ku farxeen dadweynaha Senegal, kuwaasoo ku dhawaaqayay “Sonko mooy Diomaye, Diomaye mooy Sonko”, ama “Sonko waa Diomaye, Diomaye waa Sonko”. Faye – oo aan waligiis qaban xafiis la doortay – ayaa…

Read More

Ruushka ayaa Maxkamad soo taagay afar ruux oo ku eedaysan in ay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Galbeedka Magaalada Moscow ee caasimadda Dalkaas isla markaana sababay dhimashada ku dhowaad 140 ruux halka ay ku dhaawacmeen 180 kale. Muuqaal ku faafay Warbaahinta iyo Baraha Bulshada waxaa ka dhex muuqday Ciidamo gaar ah oo garbaduub usoo xiray 4ta eedaysane oo sii gelinaya Maxkamadda si loogu xukumo xukunka u qalmo falka ay gaysteen. Dhammaan afarta eedaysane waxa ay ka midaysan yihiin in wajiyadooda iyo qaybaha sare ee jirkooda ay ka muuqdaan jirdil xooggan oo loo badinayo in ay u gaysteen ciidamada soo qabtay…

Read More

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanta iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ka hadlay Dibadbax lagu taageerayay dhammaystirka Dastuurka ayaa weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah shakhsiyaadka diidan howsha dastuurka ka socota. Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in Dad halis geliyay Dalka isla markaana sabab u noqday in Madaxtooyada dhexdeeda xabbad ka dhacdo ay maanta ku doodaan in khatar la gelinayo qaranka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Shacabka ayuu ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dadka uu ku sifeeyay in ay lugaha uga dhegayaan Qaranka Soomaaliyeed maadaama ay…

Read More

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Taalada Daljirka Daahsoon waxaa maanta ka dhacay bannaanbax lagu taageerayo dhammaystirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah oo cutubyada 1aad ilaa 4aad maray Baarlamaanka Federaalka. Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno, Senatarro iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgashay isusoobaxaan iyaga oo garab istaag u muujiyay dhammaystirka Dastuurka. Waxa ay dalbadeen in la helo maqaamka (Metaaladda Siyaasadeed) ee Gobolka Banaadir maadaama ay ku nool yihiin dhowr milyan oo ruux oo indhaha ku haya xuquuqda gaarka ah ay ku helayaan qabyo-tirka Dastuurka KMG ah ee Dalka. Xubnihii madasha ka hadlay waxa ay soo jeediyeen in la garab…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa kulan la qaatay danjiraha Norway ee Soomaaliya Carsten Carlsen iyo la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Norway Mudane  Geir Arne Schei. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo kamid tahay xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga ku saabsan horumarinta Kalluumeysiga, sugidda amniga badaha, la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo ka hortagga dambiyada ka dhaca badaha. Danjiraha dowladda Nowray ee Soomaaliya mudane Carsten Carlsen ayaa bogaadiyey talaabooyinka ku saabsan iskaashiga sugidda amniga badaha…

Read More