Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Duqeymo ay bilaabeen militariga Israa’iil ayaa lagu dilay shaqaale caafimaad, bukaanno iyo dad gabaad ka dhiganayay Isbitaalka go’doonsan ee Al-Shifa, ee waqooyiga Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin. Duqeynta Israa’iil ayaa sidoo kale waxyeeleysay dhismaha qalliinka ee Al-Shifa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Dadka deegaanka ayaa CNN u sheegay Khamiistii in dab xooggan uu ka kacay agagaarka isbitaalka. Mid ka mid ah qoysaska ayaa sheegay in agagaarka Al-Shifa, boqolaal meyd ah ay daadsan yihiin. “Waxa jira inta u dhaxaysa 150 ilaa 200 oo shahiido ah oo ku sugan waddada. Waxaan ugu baaqaynaa dalalka Carabta inay hurdada ka…
Markabka laga leeyahay dalka Bangladesh ee u afduuban burcad-badeedda Soomaalida ayaa la filayaa inuu dhowaan ka go’o saadka. MV Abdullah ayaa weli u afduubay burcad-badeedda, inkastoo ay jireen warar sheegaya in wada-hadallo ay usoo bandhigeen milkiilayaasha. Ururka saraakiisha badaha, milkiilayaasha markabka iyo ururka kalluumeysatada ayaa warkan u xaqiijiyay warbaahinta dalkaas. Markabka ayaa heystay cunno ku filan muddo 25 maalmood ah markii la afduubanayay 12-kii March, balse burcad-badeedda ayaa cunnada isticmaalayay 16-kii maalmood ee xigay. Markabkan oo kasoo shiraacday Musambiig kuna wajahnaa Imaaraatka Carabta ayaa safarkiisu wuxuu qaadan lahaa muddo 15 maalmood ah.
Maxkamadda ugu sarraysa Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku amartay Israa’iil inay furto qaybo badan oo ka mida xuduudda laga galo Qaza, si loo ogolaado inay halkaas ka gudbaan gargaar dheeri ah oo la gaadhsiiyo dadka baahan ee Falastiiniyiinta ah. Amarkan oo ay soo saartay maxkamadda caddaaladda dunida ee Qaramada Midoob ay ee fadhigeedu yahay Hague, ayaa fartay Israa’iil “inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lama huraanka ah, iyaga oo aan dib u dhigaynin, si ay u hubiyaan, ” in gargaarka degdegga ah si dhakhso ah gudaha loo gaadhsiiyo, gaar ahaan, waxyaabaha daruuriyaadka ah ee ay ku jiraan, cuntada, biyaha, shidaalka iyo daawooyinku.…
Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay in uu is hor istaagay weerarkii Israaiil ay la damacsanayd Rafax
Aqalka Cad ee Dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu hakiyay qorshaha duullaanka Israaiil ay la damacsanayd Magaalada Rafax ee Farastiin kaddib markii Washington ay ku adkaatay in ay dhinac iska dhigto qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Saraakiil ka socota Yuhuudda oo kulan wadatashi ah looga yeeray Aqalka Cad ayaa dhegaha loogu dhibciyay in aanay Washington suuragal ka dhigi Karin damaca Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ee la xiriira in uu duullaan ku qaado Rafax. Maraykanka oo dhaqaalihiisa iyo hubkiisa ugu badan u gacangeliyay Israaiil kuna fashilmeen hadafkoodii ahaa soo furashada Maxaabiista gacanta Xamaas ku jira tan iyo 7dii…
Manchester United ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay u adeegsato weeraryahankeeda Mason Greenwood si uu qayb uga noqdo heshiiska ay ku doonayaan daafaca dhexe ee Juventus Gleison Bremer, kaasoo lagu qiimeeyo 51 milyan (Gazzetta dello Sport). Laakiin xasilooni darada iyo dammaanad la’aanta Champions League ee Man Utd ayaa ka dhigtay Bremer inuusan hubin inuu u dhaqaaqayo, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil uu doorbidayo inuu u wareego Liverpool (Alfredo Pedulla). Man Utd ayaa aad u dooneysa inay lasoo saxiixato daafaca dhexe ee Tottenham Hotspur Micky van de Ven hadii fursada ay soo baxdo xagaagan (Tottenham News). Ciyaaryahanka khadka…
Kooxda chelsea waxa ku sii socda dhaawacyada is daba jooga. Blues ayay haatan 9 xiddig dhaawac uga maqan yihiin ka hor kulanka sabtida ee ay la ciyaari doonaan Burnley. Xiddigaha Reece James & Wesley Fofana ayaa ku maqan dhaawac wakhti fog ah. Laakiin xiddiga Christopher Nkunku ayaa ku biiray Liiska xiddigaha dhaawacan Halka xiddiga Romeo Lavia la xaqiijiyay in uu seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka. Blues ayaa ka wal-walsan dhaawaca iyada oo xiddiga Trevoh Chalobah ku biiray xiddigaha ka dhaawacan kooxda. Goolhaye Robert Sanchez & Carney Chukwuemeka ayaa sidoo kale dhaawamay kadib markii ay dhawaan ka soo laabteen…
Michael Edwards ayaa lagu qasbay inuu meel kale ka raadiyo bedelka Jurgen Klopp ee Liverpool ka dib markii ay waayeen Alonso. Alonso ayaa wacdaro ka dhigay Leverkusen waxana uu kooxda ku hogaamiyay in ay hogaanka u hayso horyaalka Bundesliga. Shaqada fiican ee Alonso ayaa Soo jiidatay Liverpool Oo u doonaysa badalka Klopp. Si kasta ha ahaatee waxa la Xaqiijiyay in uu Alonso sii Joogayo kooxda Leverkusen si uu u Sii wado shaqada fiican ee uu hayo. Taas ayaa keentay in ay Liverpool raadiso badalkiisa si ay ugu badasho Klopp Dhamaadka xilli ciyaareedka. Tababaraha kooxda Brighton eeRoberto De Zerbi & tababaraha…
Bukayo Saka ayaa ka mid ah ciyaartoy badan oo Arsenal ah oo wajaheysa tartan waqti ka hor si ay taam ugu noqdaan kulanka adag ee dhexmari doona kooxaha Man City iyo Arsenal. Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa weli ah awooda kooxda, waxaana uu noqon doonaa mid muhim ah haddii ay doonayaan inay ka gudbaan kooxda heysata horyaalka, taasoo sii xoojin doonta iyaga maadaama ay Gunners kula tartamayso horyaalka. Saka ayaa laga saaray xulka England ka hor inta aysan ciyaarin mid ka mid ah kulamadii saaxiibtinimo ee ay dhawaan wada ciyaareen. Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa u tartamaya inuu ciyaaro usbuucan…
Giggs waxa uu waayihiisa ciyaareed ee Premier League ku soo qaatay Man United. Wuxuu u saftay 672 kulan oo heer sare ah Red Devils, isagoo kula guuleystay 13 horyaal oo cajiib ah. Xiddiga reer Wales ayaa dhaliyay 114 gool oo horyaalka ah, xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee gool dhalinta xilli ciyaareedkii 1993/94. Waxa uu dhaliyay 13 gool waxana loo diwaan galiyay todobo caawin xilli ciyaareedkii ay Man United ku guulaysatay horyaalka. iyada oo 10 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka Saka ayaa haatanba dhaafay Rikoodhkii uu Giggs dhigay. Xiddiga Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 21 gool isaga oo dhaliyay 13 gool…
Beledweyne(Radiohalgan.com)wararka ayaa sheegaya in,Korontadda Shirkadda Dayax ayaa la damiyay Beledweyne waa mugdi gaar ahaan aagga u dhaw Xerada Lammagallaay ee Xarunta gobolka Hiiraan. Dhanka kale qar ka mid ah shacabka Magaalada Beledweyne oo radio Halgan u sheegay in ka cabsi qaban in uu dagaal ka qarxo,mar kasto madamo ciidamada kala aragti duwan is hor fadhiyaan . Waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com
