Author: radiohalgan.com

Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka socda Degmada Diinsoor Gobolka Baay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo la hadlay Mustaqbal, dagaalkaan waxa uu u dhaxeeya maleeshiyaad maalmihii u dambeeyay is hor fadhiyay. Goobjoogayaal ayaa kusoo warramay in dagaalkaan u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed in uu yimid kaddib markii waan-waan lagu xalinayo dagaalkooda ay ka billaabatay Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay. Odoyaasha dhaqanka labada beel ee Maleeshiyaadkoodu dagaalamayo ayaa ku ballamay in ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan si marka hore loo dhaliyo xabbad-joojin isla markaana la kala hor qaado maleeshiyaadkaas hubaysan. Ciidamo katirsan Howlgalka…

Read More

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranke ee (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta qoraal kasoo saaray qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee Villa Somalia ay wado. Fahad ayaa marka hore sheegay in dastuurka uusan ka baxeyn kumeel-gaar illaa laga helo afti dadweyne oo uu ku noqdo mid rasmi ah, sidaas darteed aysan waxba soo kordhineyn wax ka beddel lagu sameeyo, si loo dhameystiro. “Maxay tahay xikmadda ka dambeysa in mid heshiis lagu yahay oo qabyo ahaa lagu baddalo mid kaloo cusub oo aan heshiis lagu ahayn oo misana qabyo kale ah!,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu…

Read More

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal xasaasi ah oo ku saabsan qorshaha berri lagu meel-marinayo wax ka beddelka dastuurka ee uu gadaal ka joogo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraalka wada-jirka ah ee labada madaxweyne ayaa lagu sheegay in waxa berri ka dhici doona baarlamaanka ay muujineyso sida madaxweyne Xasan Sheekh uusan u danaynaynin wada-jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, oo uu ka shaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah. Waxay nasiib darro ku tilmaameen in madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaysto tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka loo marayo dib u…

Read More

Bangiga Adduunka ayaa markii ugu horreysay luuqad adag kula hadlay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo farriin qoraal ah usoo diray dowladda, gaar ahaan xubnaha dhinaca dhaqaalaha. Qoraalka Bankiga Adduunka oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxa uu xubnaha dowladda ku wargeliyay in xisaab-xirkii dhaqaalihii Bangiga ka baxay aan lasoo gudbin, kaasi oo ahaa in loo soo gudbiyo 31-ka December 2022-kii. Xisaab-xirkan muddo dhaafay ayaa illaa hadda la haynin, waana midda ka careysiisay Bangiga Adduunka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatay in loogu daro 9 bilood, welina lama keenin xisaab-xirka. Bangiga Adduunka oo u muuqda mid aan qaadan karin dib u…

Read More

Booqasho aan caadi ahayn, markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ruushka ayaa gaaray dekedda weyn ee badda cas ee Massawa ee dalka Eritrea, iyadoo ay gobolka ka taagan tahay xiisad ka dhalatay maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan. Markii uu markabka dagaalka ee Shaposhinkov Khamiistii uu yimid Massawa, madaxda ciidamada Eritrea iyo saraakiisha ayaa qaabilay. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Ruushka ee Eritrea. Sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, markabkan ayaa ka mid ah maraakiibta Ruushka ee mara badweynta Pacific-ga “Wuxuu ku sugnaan doonaa dekeddaas muddo shan maalmood ah si loogu dabaaldego 30 sano…

Read More

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland ayaa weerar afka ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u jeediyay eedeyn culus. Faroole ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan inuu beddelay gebi ahaanba dastuurkii Soomaalida ay heshiiska ku aheyd, uuna mid kale kala soo baxay jeebkiisa, sida uu hadalka u dhigay. Senator-ka oo la hadlay BBC-da ayaa wuxuu uga digay madaxweynaha inuu kusii socdo qorshaha dastuurka oo ugu yeeray “tallaabooyinka uu majaraha ugu siibayo qaab dhismeedka dowladnimada Soomaaliya.” Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in qorshahaan iyo rabitaanka Villa Somalia ay la riixayaan xubno ka trisan baarlamaanka oo…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Golaha Wakiilada Somaliland ku eedeeyay inay maroorsadeen awooddii xukuumadda uu hoggaamiyo. Eedeynta Biixi ayaa imaneysa xilli uu weli Golaha Wakiilada horyaallo miisaaniyadda qaranka oo ay ahayd in ay shaqayso bishii koowaad ee sannadkanba, taasi oo dib u dhac bilooyin ah ku yimid. Golaha oo horey u ansixiyay miisaaniyadda horraantii bishan ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dib ugu soo celiyay golaha, kadib markii uu diiday wax ka beddel uu goluhu ku sameeyay miisaaniyadda Madaxweyne Biixi ayaa tilmaamay in golaha uusan awood u lahayn wax ka beddelka miisaaniyadii dowladdu soo diyaarisay, islamarkaana ay tahay…

Read More

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa booqan doona Mareykanka 9-ka May, waxaa sidaas maanta sheegay sarkaal Turkish ah, taasi oo dhabbaha u xaareysa kulankii ugu horreeyey ee uu ku yeesho Aqalka Cad ee xilliga maamulka Biden. Booqashada Washington ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee Erdogan tan iyo sannadkii 2019-kii markaasi oo uu la kulmay madaxweynihii xilligaas ee Donald Trump, oo ay lahaayeen xiriir wanaagsan. Tan iyo doorashadii madaxweyne Joe Biden ee 2020, Ankara waxay raadineysay kulan kale oo fool ka fool ah. Xiriirka labadan dal ee ka wada tirsan xulafada NATO, oo in muddo ah isku khilaafsanaa arrimo kala duwan,…

Read More

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in Russia aysan qorsheyneyn inay weerarto dal ka mid ah NATO, ama Poland, amd dalalka Baltic ama Jamhuuriyadda Czech, balse haddii Reer Galbeedka ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay ciidamada Ruushka soo ridi doonaan. Duullaankii Ruushka ee Ukraine ee bishii Febraayo 2022 ayaa kiciyay xasaraddii ugu xumeyd ee xiriirka Ruushka iyo Reer Galbeedka tan xasaraddii gantaalaha Cuba ee 1962-kii. Isagoo la hadlayay duuliyayaasha ciidamada cirka ee Ruushka, Putin waxa uu sheegay in isbahaysiga milatari ee Maraykanka uu hogaaminayo ay usoo ballaaranayeen dhanka bari ee Ruushka tan iyo dhicistii Midowgii Sofiyeeti ee 1991-kii balse Moscow aanay…

Read More

Shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airlines ayaa been abuur ku tilmaantay in mid ka mid ah diyaaradooda ay shil ku sigatay iney hawada Soomaaliya shil ku gasho Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland ayaa laba maalin ka hor sheegtay in qalad ay galeen hagayaasha diyaaradaha ee garoonka Muqdisho ay sababi gaartay in ay isku dhacaan laba diyaaradood, oo ay leeyihiin Emirates Airlines iyo Ethiopian Airlines. Afhayeen u hadlay Emirates Airlines oo la hadlay wargeyska Gulfnews ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warka la xiriira sigashada isku dhaca labada diyaaradood. Wuxuu tilmaamay in diyaaradaha Emirates…

Read More