Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkiisa, Recep Tayyip Erdoğan, kulankaas oo kusoo aaday kadib heshiiskii difaaca ee labada dal. Kulankan ayaa yimid markii uu madaxweyne Xasan dalka Turkiga uga qeyb galay shirka 3-aad ee Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, halkaas oo uu ka jeediyay khudbad xasaasi ah. Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo ku aadan iskaashiga labada dal iyo dhaqaajinta heshiiska cusub ee ay wada gaareen Muqdisho iyo Ankara. Madaxweynaha khudbaddii uu ka jeediyay shirka Antalya wuxuu kaga hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo…
Ehellada Marxuum Sheekh Xasan Diirshe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa afar bilood kadib ka hadlay dilka marxuumka ee isaga iyo Saciid Tahliil Maxamed loogu gaystay magaalada Dhuusamareeb. Dilka loo gaystay labada marxuum ayaa salka ku hayay aano qabiil, waxaana si weyn uga xumaaday reer Dhuusamareeb, maadaama lagu dhex dilay caasimada Galmudug. Xuseen Diirshe Cadde oo la dhashay marxuumka ayaa sheegay in aan weli lasoo qaban eedeysanaha, isaga oo arrintaas ku tilmaamay xadgudub wayn, maadaama laga gaabiyay. “Afar bilood ka bacdi in xaaladdeena wax laga qaban waayo dhacdadii ka horreysay ama ka dambeysay la xalliyay waxay nagu…
Wasiiru dawlaha arimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa wareysi uu siiyay wakalaada wararka Turkiga ee Anadolu waxa uu ku sheegay in heshiiskii dhawaan ay wada sixiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ee difaaca iyo dhaqaalaha uusan shuqul ku lahayn xiisadda kala dhaxaysan Itoobiya. Balse waxaa uu sheegayba in Ankara ay sameyn karto dhexdhexaadin labada dhinac ah maadaamada sida uu sheegay ay xiriir wanaagsan la leedahay Addis Ababa. “Si loo dhiso ciidanka amniga badda, waxaad u baahanaysaa kharash, dhaqaale badan ayey u baahan tahay, taasi waa waxa aan ugu yeerno iskaashiga gaashaandhigga iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray…
Turkigu waa mid ka mida dalalka ay Soomaali badan ku nool yihiin, kuwaas oo isugu jira kuwa degaan ahaan u doortay, kuwa ganacsi u jooga iyo arday waxbarasho kaga jira jaamacada dalkaasi. Tan iyo 2010-kii Soomaali badan ayuu sidoo kale Turkigu u noqday marin muhiima oo ay ugu gudbaan dalalka qaarada Yurub. Sidaas oo kale ganacsato Soomali ahaa maalgalin ganacsi ka samaystay dalka Turkiga. Waxaase suura gal ah in wali Soomaali badan maanka ku hayaan inay tagaan Turkiga balse ka waran haddii ay soo kordhayaan tirade muwaadiniinta u dhashay dalkaas ee magan galyada waydiisanaya dalalka Midowga Yurub. Warbixin cusub oo…
Malaayiin Muslimiin ah oo ku nool daafaha caalamka ayaa ku dhow inay billaabaan bisha Ramadaan oo si weyn loo sugayo, Ramadaan waxa ay tahay bilaha ugu barakeysan taariikhda Islaamka. Waxay astaan u tahay markii Quraanka, maadaama ay tahay bishii uu soo degay Qur’aanka kariimka ah. Muddada soonka oo ah bisha oo dhan ayaa waxa ay tahay mid kamid ah shanta tiir ee Islaamka, waxa ay waajib ku gatan dhamaan muslimiinta kuwooda qaangaarka ah in ay gutaan acmaasha Bishan barakeysan. Inta lagu jiro Ramadaanka, sida caadiga ah waxaa Meesha ka baxaya jadwalka maalinlaha ah iyo cunnooyinka la cuno ee quraacda, qadada…
Askar katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa nin dhallinyaro ah ku dilay isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho , xilli halkaasi dad shacab ah ka dhigayeen bannaan-bax cabasho ah . Sida aan wararka ku helnay askartan katirsan ciidanka ayaa xabbad madaxa kaga dhuftay Cali daahir dheere( Cali Wasiir) oo ahaa nin dhallinyaro ah, waxa uuna xilliga la dilayay ku sugnaa isgooska Siinay oo bannaan0bax ka socday. Dadka deegaanka oo ka bannaan-baxayay cabasho ay ka qabaan maamulka Wardhiigley iyo kan dgobolka Banaadir ayaa la kulmay rasaas uga timid ciidamo la sheegay in ay ka socdeen saldhigga iyo maamulka degmada Wardhiigley. Ciidanka dowladda ayaa…
Guddoomiye Ku-xigeenka golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 20-aad Kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Ajandaha kulanka maanta oo ahaa sii wadida ka doodista soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, cutubka 2-aad xaquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Soomaaliyeed, qodobka 31-aad-41-aad. Xildhibaannada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka, waxaa looga dooday, xaqa helidda xogta , xaqa ilaalinta xogta shaqsiga, go’aano maamul oo caddaalad ah, xaqa Dacwadda iyo isdifaaca,xuquuqda eedaysanaha iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen isu-celinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha isla markaaba waxay si gaar ah xildhibaannada…
Diblumaasi hore oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa qirtay dambi ah in uu basaas u ahaa muddo 40-sanno ka badan dalka Cuba, oo cadaawad xooggan ay kala dhaxeysay dowladda Mareykanka. Victor Manuel Rocha oo 73 jir ah muddana kusoo dhax jiray diblumaasiyada Mareykanka ayaa qirtay dambi ah in uu basaas xogaha u gudbiya dowladda Cuba ahaa muddo ka badan 40-sanno. Diblumaasigan ayaa lagu eedeeyay in uu si qarsoodi ah xogta ugu gudbin jiray dowladda Cuba oo ay maamulayeen shuuciyada, tan iyo 1981-kii, xilligaasoo uu ka shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Maxkamadda kiiska diblumaasigan qaadeysa ayaa lagu wadaa in ay soo…
Xog lagga hellay Vila Somalia ayaa shegeysa In magaalo ka mid ah Hiiraan iyo Sh.dhxe balse si sax ah loo shegin maaceeda laga dhisi rabo 4 Teendho Q/W Iiban Qoono Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Radio Halgan Ugaas Yousuf Ugaas Hassan Ugaas Qaliif Ugaas Rooble oo Hirshabelle wax ka dhisi rabba, Xog lagga hellay Vila Somalia ayaa shegeysa In magaalo ka mid ah Hiiraan iyo Sh.dhxe balse si sax ah loo shegin maaceeda laga dhisi rabo 4 Teendho Teendhadda 1-aad Ugaas Yousuf (Xawaadle)…
Waa dhif iyo mar la arag inuu ey culeyskiisu gaaro 100 kilogaram – iskaba daa mid beylah jooga e, laakiin Krugets oo ah ey keli-jooge ah oo ku nool Nizhny Novgorod, dalka Ruushka wuxuu cayilkiisu gaaray heer aanuba fadhiga ka kici karin! Dane oo ah eyga ugu culeyska badan caalamka wuxuu weyn yahay inta u dhaxaysa (136 kg) ilaa (181 kg). Novgorodna wuxuu ku taagan yahay jidkaas! Dhawaan ayaa la helay isaga oo cidlo joog ah. Eygan Wejigiisa ayaa laga fahmi karaa sida cayilku uu ugu hayo dhibaato muuqata. Kooxaha daryeelka xayawaannada waxay sheegayaan inuu habeen walba la taaho xanuun…