Author: radiohalgan.com

Saraakiil ka socota ciidamada badda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Jimcihii billaabay sahminta saldhigyo ciidan oo laga sameynayo gudaha badda, gaar ahaan xeebaha gobollada waqooyi ee Somaliland, si Itoobiya looga difaaco badda Soomaaliya. Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, saldhigyada ugu muhiimsan waxaa lagu abaarayaa magaalooyinka Baki iyo Seylac oo ku yaalla goobo istaraatiiji ah, ilaa xeebaha ku dhow Jabuuti ayaa lagu sameynayaa sahankaan. Saraakiisha sameyneysa sahanka waxay isugu jiraan Soomaali iyo Turki, waxayna wataan diyaarado militeri, waxaana lagu wadaa in sahankaan ay ku jirayaan maalmahaan, maadaama la dejinayo qorshihii ciidamada Turkigu ay ku soo degi lahaayeen badda Soomaaliya Xeebaha…

Read More

Kenny Dalglish ayaa magacaabay waxa uu aaminsan yahay in ay noqon karto halista ugu weyn ee Liverpool ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan – mana aha Manchester City ama Arsenal. Liverpool ayaa raadinaysa horyaalkeedii ugu horeeyay ee horyaalka premier League muddo afar sano ah, iyagoo qaaday koobka xilli ciyaareedkii 2019/20. Xilli ciyaareedkaas, kooxda Jurgen Klopp ayaa jabisay rikoorka maxaliga ah iyagoo ku guuleystay horyaalka iyadoo todobo kulan ay harsan yihiin. Xilli ciyaareedkan horyaalka ayaa aad u adag iyada oo Liverpool 60 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka premier League isla markaas hal dhibic ka horaysa Man City halka ay 2…

Read More

Rio Ferdinand ayaa magacaabay shaxda isku dhafka kooxaha Manchester United iyo Manchester City ka hor kulankooda weyn ee axada, waxaana uu ka tagay magacyo waa weyn. Man City ayaa marti galin doonta Man United Axada kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkan. Blues ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka halka Red Devils ay fadhiso kaalinta lixaad. Kahor kulanka Etihad, Ferdinand ayaa doortay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ee Man United iyo Man City. Marka uu sidaas sameeyo, waxa uu ka tagay xiddigo ay ka mid yihiin Paul Scholes iyo Ryan Giggs, oo ay ku jiraan halyeeyo…

Read More

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka iyada oo hal dhibic ka hoosaysa kooxda Man City oo ku jirta kaalinta 2-aad waxana ay laba dhibcood ka hoosaysaa kooxda hogaanka haysa ee Liverpool. Arteta ayaa tilmaamay horyaalka premier League lagu kala bixi karo farqiga goolasha xilli ciyaareedkan. Markii la waydiiyay in goolashu muhiim u yihiin kooxdiisa xilli ciyaareedkan Arteta ayaa yidhi”Haa, Xaqiiqdii”. “Ugu horayn waxa aan doonaynaa in aan badino kulamada kadib aanu dhalin goolal badan”ayuu sii raaciyay. “Tartanka Horyaalka Premier…

Read More

Manchester United ayaa aheyd kooxda ugu awooda badan kubada cagta Ingariiska tan iyo markii la aasaasay horyaalka Premier League, iyadoo ku guuleysatay 13 koob waana rikoodh ayna cidna u dhawayn. Xilligii Sir Alex Ferguson, Red Devils ayaa soo jiidatay xiddigo badan oo heer caalami ah oo ay ku samaysay taariikh cajiib ah. Guushan laga gaaray suuqa kala iibsiga ayaa keentay in ay ku guulaysato 13 horyaal oo kala duwan taariikhda kooxda. Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa 10-kii saxiix ee ugu fiicnaa taariikhda Man United: 1) Wayne Rooney – £33.5m  -> Everton, 2004 Rooney ayaa ah halyeey Man United…

Read More

Kooxda Liverpool ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsanaa horyaalka premier League. Kulanka ayaa ahaa mid ku adag Liverpool iyada Nottingham Forest iska caabin samaysay kala hor timid Liverpool. Dhinaca kale Nottingham Forest Ayaa samaysay fursado cajiib ah iyaga oo ka dhalin gaadheen goolal. Laakiin Liverpool ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo si joogto ah fursadaha u samaynaysay. Labada kooxood ayaa is dhaafsaday fursadaha iyaga oo aan ka daalin in ay fursado sameeyaan. Iyada oo ay wax walba u muuqato in ay ciyaartu ku dhamaanayso bar-baro ayay Liverpool wax badashay. Daqiiqadii 100+9-aad ayay Liverpool dhalisay goolka…

Read More

Ciyaartii dhexmartay labada kooxood ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska. Blues ayaa booqatay Brentford kulan ka tirsanaa todobaadkii 27-aad ee horyaalka Ingiriiska. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Senegal Nicholas Jackson ayaa daqiiqadii 35-aad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda Blues,waxana caawin ka helay Malo Gusteau. Kooxda martida loo ahaa ayaa daqiiqadii 50-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mads Rörslev Rasmussen. Kooxda Brentford ayaa waxaa u suuragashay inay la timaado goolka labaad,waxana u dhaliyay ciyaaryahan Yoan Wesa kaas oo dhaliyay daqiiqadii 69-aad. Kooxda martida aheyd ayaa waxaa u suuragashay inay la yimaadaan goolka barbaraha, waxaana u dhaliyay…

Read More

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay guushii dirqiga ahayd ee ay kooxdiisu ka gaadhay kooxda Nottigham Forest kulan ka tirsanaa horyaalka. Liverpool ayaa guul wakhti dambe ah ka gaadhay kulanka iyaga oo ka badbaaday bar-baro ay kala kulmaan kooxda Nottigham Forest. Gool uu dhaliyay Darwin Nunez ayaa Liverpool ka caawiyay in ay garaacdo Kooxda Nottigham Forest Kulan muhiim u ahaa tartanka horyaalka. “Kulanku waxa uu ahaa midkii ugu adkaa ee aan ciyaarno, marka la eego duruufaha aan ku jirno oo ah in aan ciyaaray 4 kulan 11 maalin gudohood”. “Waxa ay ahayd ciyaar gaar ah maalinta, way…

Read More

Shirkadda diyaaradda ee Ethiopian Airlines ayaa waxay beenisay warar baraha bulshada ee internet-ka lagu faafiyay, kuwaas oo sheegayay in shirkaddu ay joojisay isticmaalka hawada Soomaaliya. Shirkadda Ethiopian Airlines waxay caddaysay in aysan joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, iyadoo madaxa shirkadda Ethiopian Airlines uusan sheegin in aysan ammaan ahayn duullimaadyada hawada Soomaaliya. “Waxaanu idiin xaqiijinaynaa in warqadda lagu faafinayo baraha bulshada ee lagu sheegay in ay kasoo baxday Ethiopian Airlines, oo loo soo diray IATA, ay tahay mid been abuur ah. Ethiopian Airlines weligeed warqad noocaas ah uma qorin IATA.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirkadda. Shirkadda ayaa ka codsatay BBC-da…

Read More

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa markii sedexaad muddeysay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu gubau xaaskiisii oo uur lahayd Luul Cabdicasiis Maxamed. Maxkamadda ayaa sheegtay in fadhigan uu noqon doono kii ugu dambeeyay, isla- markaana lagu shaacin doono xukunka eedeysanaha, waxayna fadhigan muddeysay maalinta arbacad ah oo ay ku beegan tahay 06/02/2024. “Maxkamadda iyada oo gudaneyso waajibaadka saaran ee ku xusan qodobada 75, 89 XHCS, waxa ay muddaysay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee summaddiisu tahay MGB/DCL/147/2024 maalinta arbacada ah ee taariikhud tahay 06/02/2024, saacadduna ay tahay 12:00 duhurnimo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay…

Read More