Author: radiohalgan.com

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Hirshabelle Zakariye Khalid ayaa Beledweyne kulan kula qaatay Rugta Ganacsiga gobolka Hiiraan. https://youtu.be/lE9Tg6N_mZg?si=M3gpL7mN3h7U-J4X Kulan waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Hirshabelle Cabdullaahi Cabdiwaaxid Tabaax iyo ururada bulshada sida Haweenka iyo Dhallinyarada. Wasiirka ayaa warbixinno ka dhageestay madaxda Rugta ganacsiga gobolka iyo qeybaha bulshada. Ganacsatada madaxda Rugta Ganacsiga iyo qeybaha bulshada ayaa si weyn u soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Hirshabelle Sakariye Khaalid Cabdi Jimcaale waxa aayne carabka ku dhufteen sida aay ula dhacsanyihiin dar darta shaqo ee wasiirka cusub. https://youtu.be/lE9Tg6N_mZg?si=M3gpL7mN3h7U-J4X Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Hirshabelle Sakariye Khaalid Cabdi Jimcaale ballan qaaday in…

Read More

Beledweyne(Radiohalgan.com Wararka aan ka heleeno magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Garaab istaag u muujisay Beeshu Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane muuse salaad waheliye. Wasiir hore Cabdi shakuur cismaan maxamed  wasiir isloow ayaa yiri Sida wanaagsan ee aad garab istaaga iyo so dhaweeynta ugu muujiseen gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane muuse salaad waheliye Sidokale waxaan leeyahay gudoomiyaha Gobolka hiiraan Mudane muuse salaad waheliye Waa ku mahadsantahay inaad dhageeysato Talooyinka dadka gobolka hiiraan Tariikhada wey is qortaa gobolka hiiraan Iyo dhamaan bulshada ku nool waxaan leeyahay Maantay ayaa haysataan gudoomiye dhalinyaro ah aqoon ciidan leh aqoon maamul leh qibrad iyo…

Read More

Getachew Reda, Madaxweynaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee Tigrayga (TIRA), ayaa u sheegay xubnaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senate-ka Mareykanka oo ku sugan gobolka Tigray in Heshiiskii colaad joojinta ee Pretoria loo baahan yahay in dadaal weyn ay geliyaan dhammaan saamileyda siyaasadda si loogu hirgeliyo si buuxda. Warbaahinta gobolka ayaa ku warantay in Getachew uu u sheegay xubnaha senate-ka ee booqashada ku yimid in dadka Tigray-ga aysan awoodin in ay nabad buuxda ku naaloodaan sababo la xiriira dhaqan gelinta buuxda ee heshiiskii Pretoria. In beesha caalamka oo ay ku jirto dawladda Maraykanku ay gacan ka gaystaan sidii loo joojin lahaa…

Read More

Mareykanka ayaa sheegay inuu u dirayo Israa’iil shixnado hub ah oo ku kacaya 2.5 bilyan oo dollar, inkastoo Washington ay shaacisay cabsida ay ka qabto weerar la filayo inay Israa’iil ku qaado Rafah. Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya laba ilood oo rasmi ah oo ka tirsan Wasaaradaha Difaaca iyo Dawladda ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Joe Biden uu oggolaaday in Israa’iil laga iibiyo 25 diyaaradood oo F-35 ah iyo kumannaan bambaanooyin aan tooska ahayn. Wararku waxa ay sheegayaanin ilaahaasi ay soo xigatay Washington Post ay xaqiijinayaan in xirmooyinka cusub ee hubka ay kamid yihiin in ka badan 1,800 MK84…

Read More

Tababaraha Kooxda chelsea ee Pochettino ayaa ka hadlay in ay kooxda chelsea ku guulaysan doonto horyaalka premier League wakhti uun. Sido kale waxa uu sheegay in ay u baahantahay in aanay isaga ka caydhin shaqada tababaranimo ee kooxda hadii ay doonayaan in ay ku guulaystaan horyaalka. “Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano Premier League. Haa, maalin waan ku guuleysan doonaa”. “Laakiin hadii la badalo shaqaalaha tababarka uma suurtagalayso ku guulaysiga horyaalka sababta oo ah wakhti ayay wax walba u baahan yihiin”. “Taageerayaasheena waxay u baahan yihiin inay fahmaan inuu yahay mashruuc cusub oo leh fikrado kala duwan”. Share this:

Read More

Milkiilaha kooxda Chelsea Todd Boehly ayaa lagu eedeeyay inuu qabo fikradda ah in Blues ay dhawaan la kulmi doonto ganaax dhanka suuqa ah. Boehly iyo Clearlake Capital waxay hormuud ka ahaayeen kharashaad badan tan iyo markii ay beddeleen Roman Abramovich bishii May 2022. Si kastaba ha ahaatee, bixinta lacag ka badan 1 bilyan oo ciyaartoyda cusub ayaa keentay dhibaatooyin ka badan sidii la filayay, gaar ahaan garoonak dhexdiisa iyada oo kooxdu ku jirto kaainta 11 ee premier League. Chelsea ayaa durba cadaadis ba’an lagu saaray si ay u gudbiso shuruucda Faa’iidada iyo Joogteynta Premier League, waxaa lagu soo waramayaa inay…

Read More

Kooxda Arsenal ayaa u hanqal taagaysa in ay ku guulaysato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan. Arsenal ayaa doonaysa ku guulaysiga horyaalka premier League markii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2004. Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 5 kulan oo ay Arsenal tahay in ay badiso si ay ugu guulaysato horyaalka premier League. 1.Man City Vs Arsenal: Waa kulan si weyn loo sugayo waxana la filayaa in uu dhoco kadib fasax kulamada caalamiga ah. Inkasta oo uu kulanku markii horeba Arsenal ku adkaa oo ay booqanayso Man City hadana waxa sii adkaynaya in ay xiddigo badan uga maqnaan doonaan fasaxa…

Read More

Weeraryahanka Arsenal Kai Havertz ayaa laga yaabaa inuu barbareeyo rikoorka gooldhalinta kooxda ee uu dhigay Thierry Henry marka ay Gunners la ciyaareyso Manchester City axada kulanka xiisaha badan ee Etihad. Dad badan ayaa su’aal ka keenay saxiixa Havertz markii ay Gunners kala soo wareegtay chelsea oo uu ku fashilmay in uu ku muujiyo tayadiisa. Arteta ayaa markii hore khadka dhexe ku tijaabiyay Havertz halkaas oo uu si weyn ugu fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo. Si kasta ha ahaatee Arteta ayaa weerarka ku celiyay xiddiga Havertz taas oo uu haatan ku muujinayo tayadiisa isla markaas qaab ciyaareed…

Read More

Tababaraha caanka ah ee Arsenal Arsene Wenger ayaa kalsooni ku qaba in kooxdu ay wax ka baratay casharadii xilli ciyaareedkii hore ayna diyaar u yihiin inay soo afjaraan 20-kii sano ee ay sugayeen horyaalka Premier League. Kooxda Mikel Arteta ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ku hogaamineysa kala sareynta, iyadoo Manchester City ay hal dhibic ka hooseyso. Arsenal ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo dhowr ah oo isa soo taraya, maadaama ay barbaro galeen seddex kulan oo xiriir ah ka hor inta aysan guuldaro xun kala kulmin afar gool iyo hal kulan oo ka dhacay Etihad Stadium xilli ciyaareedkii hore. Wenger…

Read More