Author: radiohalgan.com

Dowladda Maraykanka ayaa kordhinaysa taageerada dhinaca Militariga ah ee ay siinayso Xukuumadda Israaiil waxaana ay Washington ay qorshaysay in ay dhiggeeda Tel Aviv u gacangeliyo hub cusub oo casri ah. Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in qiimaha hubkaas uu ku kacayo lagu qaddaray $2.5 Bilyan oo doollar waxaana suuragal ah in kharashka uu intaas kasii bato maadaama taageerrada ay tahay mid had iyo jeer u furan Israaiil. Washington ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay garab istaagga Tel Aviv sabab la xiriirta in taangiyadii casriga ahaa ee lacagta badan ay kasoo bixisay in lagu gubay dagaalladii ka dhacay Magaalada Gaza sidaas…

Read More

markaana dhaqaalaha ugu badan ka hesha dalka Imaaraadka Carabta ayaa muddo bilo ah ka hawlgalaysay marinka Qaza. Masuuliyiinta Qubrus ayaa iskaashi kala sameeyey Israa’iil, sidii loo yagleeli lahaa, marin badeed ammaan ah oo la soo mariyo cuntooyin iyo agab kale oo la sii hubiyey ka hor inta aan loo dirin Qaza. Maraykanka ayaa dhinaciisa ka fekeraya inay hirgeliyaan, deked sabbaysa oo ku meel gaadh ah oo loogu talo galay in laga dejin karo gargaarka loo wado qaza. Dekeddan ayaa la filayaa inay dhamaato ka hor bilawga bisha May ee soo socota. Hay’adaha samafalka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in gargaar…

Read More

Kulanka ayaa daarnaa sidii ayada oo mid layahay loola shaqeyn lahaa maamulka uu horkacayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee Hirshabelle Muuse Salaad Wehliye. Odayaasha Dhaqanka ayaa soo dhaweeyay magacaabista guddoomiye Muuse waxa aayna ballan qaadeen in aay naf iyo maal la garab taaganyihiin guddoomiyaha cusub. Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa dhankiisa Odayaasha dhaqanka uga mahadceliyay Taageerada iyo garab istaaga u muujiyeen, waxuuna u ballan qaaday in uu la imaan doono wax qabad muuqda.

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabadii shalay ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, isaga oo sidoo kale si cajiib ah ugu jawaabay madaxweynayaashii hore ee dalka Farmaajo iyo Sharfiif. Ugu horeyn Odowaa ayaa boggaadiyay wax ka beddelka dastuurka oo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, dhanka dowladnimada. Intaas kadib xildhibaanka ayaa u jawaabay Maxamed Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo labaduba ka biyo diidan talllaabadan oo ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya. Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in labada madaxweyne hore ay hadda…

Read More

Shir deg deg ah oo xalay ay yeesheen Golaha Wasiirrada Puntland ayaa soo idlaaday, kaasi oo looga arrinsanayay tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya. Shirkan deg deg ah oo uu guddoominayay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa tashi dheer kadib lagu gaaray mowqifka maamulka ee ku aadan meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ee ay gadaal ka riixaysay Villa Somalia. Golaha Wasiirrada Puntland ayaa aqoonsiga kala laabtay dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan xogaha kasoo baxaya shirka deg-dega ee usoo idlaaday golaha. Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu maamulka ku eedeeyay inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey. Sidoo kale golaha ayaa gaaray go’aan…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka ka sameeyeen gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Holwgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada qaybahooda kala duwan ayaa yimid, kadib markii weerar loo adeegsaday qarax bam-gacmeed ah lagu qaaday Masaajid ku yaalla mid kamid ah xaafadaha magaaladaas-, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga. Ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii ka dambeeyay falkaasi oo isku dayay inuu baxsado, waxaana lagu xiray saldhigga dhexe. Mas’uul u hadlay Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyay weerarkaas iyo sida lagu soo qabtay…

Read More

Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, Dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, Dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed oo labaduba shacab ah, ayaa si wadajjir ah loogu soo eedeeyey Burcadnimmo hubeysan iyo Dhac ay ka geeysteen degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. Shantaan eedeysane ayaa Taleefano iyo lacago ka qaatay dad isugu jira Shacab iyo Askar aan xilligaasi hubeysaneyn oo shaqada fasax ka ahaa, iyaggoo dhaawac u geeystay qaar kamid ah dhibaneyaasha, waxaana eedeysaneyaasha ay falkaan ku geysteen hal qori oo Ak47 ah oo uu lahaa Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed. Dhaca kadib Eedeysaneyaasha ayaa…

Read More

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsatay hadal-heynta Jaay laga keenay dalka Turkiga oo laga soo dejiyey dekedda Muqdisho, si loogu dhiso guryaha. Sawirro laga soo qaaday ku dhowaad 10 carro gediye oo dekedda Muqdisho taagan, isla markaana Jaay sida ayaa lagu faafiyey baraha bulshada. Soomaaliya waxaa aad ugu badan dhagaxa oo laga sameeyo Jaay, sidoo kale inta badan dalka waxaa laga helaa Jaay aan warshadeyn u baahneyn. Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay dadka Soomaaliyeed markii ay maanta ku arkeen baraha bulshada, waxaana ilaa hadda laga yaaban yahay sababta loogu baahday in Jaay laga soo dhoofiyo Turkiga. Ganacsatada dalka…

Read More

Beledweyne(Radiohalgan.com) Wararka ayaa sheegaya in Mid ka mid ah Askarta Ciidanka Guutada 5aad ee Qeybta 27aad ee Ciidamada Xoogga dalka oo lagu dilay Deegaan hoostaga Baladweyne. Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan garahaan Magaalada Beledweyne ayaa tibaaxaya in caawa lagu dilay  askari  lagu Magacabo Ahmed Muumin  waxa dilkaas geysay Ciidamada Maaeeshiyaad ah oo  ka amar qato Garabka Cabdullaahi Ganey  iyo Cabdi Xaashi. Hase ahaate waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com

Read More