Author: radiohalgan.com

Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel Albares ayaa si cad uga hor yimid damaca gurracan ee Israel ay ku doonayso in ay ku dhul-ballaarsato dhulka Falastiin oo muddooyinkii u dambeeyay duqaynta xooggan ee arxan-darrada ah ku beegsanaysay. Waxa uu sheegay in aanay marnaba ka daadegin qorshaha cusub ee Yuhuudda ay ku doonayso in Falastiiniyiinta ay ku sal-kiciso kaddibna ay deegaanno ka dhigato si ay qiil uga dhigato in ay kahortagayso dhinacyada iska caabbinta ah Falastiin. Warkaan ayaa wadnaha ku dhuftay Xukuumadda Tel Aviv waxaana durba socda hadal-hayn badan maadaama Dowladda Spain oo kamid ah Dalalka Yurub ay si cad u…

Read More

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay in saakay qof shacab ah ku dilay deegaanka Daarusalaam ee katirsan gobolka Mudug. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in ciidamada ammaanka soo qabteen eedeysane Cali Khaliif Xirsi oo saakay dilay nin lagu magacaabayay Maxamed Arbaco. Guddoomiye Feysal ayaa uga mahadceliyay ciidamada ammaanka iyo dadkii kale ee gacanta ka geestay soo qabashada ninka eedeysanaha ee dilka geestay, kaa oo hadda xabsiga ku jira kuna socdaan baaritaanno. Laamaha ammaanka ee gacanta ku haya ninka dilka geestay ayaa…

Read More

Hogaamiyaha militariga dalka Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan ayaa shuruud ku xiray wadahadal nabadeed oo lagu dhameenayo colaada ka aloosan dalkaasi ee u dhaxeysa ciidanka milatariga iyo kuwa gurmadka deg degga. Al Burhaan ayaa sheegay in kaliya uu tixgelin doono soo jeedinta Midowga Afrika ee ah in colaadda lagu dhameeyo wadahadal nabadeed, haddii Midowga Afrika uu dib u soo celiyo xubinnimadiisa oo buuxda. Saraakiil katirsan Midowga Afrika ayaana kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyaha Milatariga Sudan , waxa ayna saraakiisha kala hadleen Jeneraalka sidii xal nabadeed loogu soo afjari lahaa colaada ka aloosan dalka Sudan. Shuruudan uu wadahadalka nabadeed ku…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Haiti Ariel Henry ayaa la waayay xogtiisa waxyar kaddib markii Mucaaradka hubaysan uu gacanta ku dhigay Caasimadda Dalkaas sida ay sheegeen ilo ku dhow dhacdadaan saamaynta ku reebtay waddankaan. Ariel Hinry ayaa la baadigoobayaa halka uu jaan iyo cirib dhigay lamana xaqiijin in ay gacanta ku hayaan burcadda caasimadda qabtay iyo in uu baxsaday balse waxaa socda raadintiisa si loogu soo helo Nolol ama Geeri mid uun. Ninkaan ayaa dhowaan dib ugu laabtay dalkiisa kaddib markii uu Magaalada Nairobi ku saxiixay heshiiska ogolaanaya in Ciidamada Kenya ay ilaaliyaan xarumaha muhiimka ah isla markaana ay tababaraan ciidamada dalkaas.…

Read More

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa faah-faahin ka bixiyay nabadgalyada Magaalada Muqdisho, diyaargarowga Bisha Barakaysan ee Ramadaan si xoogga loo saaro xasiloonida caasimadda & deegaannada duleedkeeda dhaca. Waxa uu sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin adkaynta amniga Magaalada Muqdisho maadaama ay nagu soo wajahan tahay Bisha Barakacaysan ee Ramadaan oo curanashadeeda ku beegan Bartamaha todobaadka damba. Howlgal ka dhacay duleedka Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayuu sheegay Afhayeenka Booliiska in ciidamada ammaanka ay beegsadeen xubno katirsan ‘AS’ oo qaarkood gacanta lagu dhigay waa sida uu hadalka u dhigay. Wadashaqaynta Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka iyo Shacabka Magaalada Muqdisho…

Read More

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo halis ah oo xogta madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba gacanta u galineysa shirkad gaar loo leeyahay. Wasaaradda oo u muuqata mid aan ku baraarugsaneyn halista tallaabadan ayaa 22-kii Febraayo ee sanadkaan 2024 waxay soo saartay warqad amar ah oo ku socota shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya Soomaaliya. Amarkaasi ayaa si toos ah ugu socday diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka iyo kuwa ka baxa magaalada Muqdisho ee u baxa waddamada dibadda, ayada oo warqadaasi lagu amrayay inay soo gudbiyaan xogta dadka ay qaadayaan oo gudaha dalka safraya ama dibadda u baxaya. Xogtaasi ayaa…

Read More

Kulan ballaaran oo dhallinyarada looga wacyi-gelinayo daroogada iyo si xun u siticmaalka baraha bulshada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Daroogada iyo si xun u siticmaalka baraha bulshada ayaa saameyn taban ku yeeshay aadaabta da’yar badan oo Soomaaliyeed sanadihii dhowaa. Kulanka, oo ay goobjoog ka ahaayeen maamulka Gobolka Benaadir, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo fahmi lahaa dhaqan bur-burka ku socda dhallinyarada. Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa soo diray warbixin arrinntaasi ku saabsan.

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa Axadii ku baaqay “xabad joojin degdeg ah” oo ka hirgasha Gaza, taas oo ah mid ka mid ah baaqyadii ugu xoogganaa ee ka imaanaya maamulka madaxweyne Joe Biden si loo joojiyo dagaalka. Dagaalka oo socday tan iyo 7-dii October ayaa waxaa ku naf waayey kumanaan qof oo shacab ah, ayada oo Qaramada Midoobe ay kla digtay macluul ka dhici karta Gaza. Warbixintan oo ay qortey VOA, waxa oo jeedinaya Jamaal Axmed Cismaan.

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqii ayaa maanta la kulmay wafdi sare oo ka socday dalka Hindiya, oo uu horkacayay Dr. Sureh Kumar oo ah JS-ka ama Xogheyaha wadaagga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya. Inta uu kulanku socday arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah; iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan iyada oo si gaar ah loo dul istaagay horumarrrada ay ku tillaabsatay Soomaaliya ee dhanka amniga iyo meelaha kale. Kulankan oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen safiirkeena dalka India mudane Axmed Cali Daahhir iyo xubno ka socday wasaaaradda arrimaha dibadda ee dowladda…

Read More