Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dawladaha reer galbeedka ayaa cadaadis badan lagu saarayaa inay joojiyaan hubka ay ka iibiyaan Israa’iil sababta oo ah qaabka ay dagaalka uga waddo Xamaas ee Marinka Gaza. Israa’iil waa hub-iibsaha ugu weyn, laakiin ciidankeedu waxa ay si weyn ugu tiirsan yihiin soo dejinta diyaaradaha, bambooyinka iyo gantaallada si ay u weeraraan (Gaza) taas oo khubaradu ku tilmaameen mid ka mid ah ololeha hawada ugu xooggan uguna burburka badan taariikhda casriga ah. Ururada u dooda xuquuqul insaanka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbahaysiga reer galbeedka ee Israa’iil ayaa ku baaqaya baahida loo qabo in la joojiyo hubka loo dhoofiyo Israa’iil,…
Maraykanku waxa uu ku jiraa heegan sare waxana uu si firfircoon isugu diyaarinayaa weerar “muhiim ah” kaasoo iman kara isla toddobaadka soo socda gudahooda oo ay Iran ku bar-tilmaameedsato xarumaha Israa’iil ama Maraykanka ee gobolka si ay uga jawaabto weerarradii israa’iil ee Isniintii ka dhacay Dimishiq ee lagu dilay taliyeyaasha sare ee Iran, Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa u sheegay CNN. Saraakiisha sarsare ee Maraykanka ayaa hadda aaminsan in weerarka Iran uu yahay “lama huraan” aan laga baaqsan karin. Labada dawladood waxay ka shaqaynayaan sidii ay u heli lahaayeen mawqif ka hor waxa iman doona, maadaama ay filayaan…
David Raya ayaa noqday goolhayaha 1-aad ee Arsenal tan iyo markii uu xagaagii u soo wareegay London – waxaana laga yaabaa inuu galabta dhigo rikoor cusub oo Premier League ah kaasoo aan u badneyn in la jabiyo. Goolhayaha 28 jirka ah ayaa xagaagii hore ugu soo biiray Gunners xagaagii hore isaga oo kaga soo biiray Brentford, markii hore amaah isaga oo haysta fursad ay kooxda Mikel Arteta si joogto ah ula wareegto. Raya waxa uu heshiis cusub u saxeexay Bees markii uu ku biiray Arsenal, iyadoo la bixiyay 3 milyan oo amaah ah halka ay 27 milyan bixin doonto hadii…
Ian Wright ayaa sharaxay waxa dhici doona marka ay Manchester United la ciyaareyso Liverpool kulan ka tirsan Premier League. Gelinka dambe ee Axadda, kooxda Jurgen Klopp ee u safri doonta Old Trafford iyagoo raadinaya inay sii wataan hanashada koobkii 20aad ee heerka sare. United ayaa diyaar u ah inay wax walba saxdo ka dib markii ay Guuldaro kala kulantay Chelsea ee Stamford Bridge habeenkii Khamiista. Kooxda Erik ten Hag ayaa ku hogaaminayay 3-2 laakiin waxa ay ku dhamaatay 4-3 kadib markii Cole Palmer uu dhaliyay labo gool dhamaadkii ciyaarta. Isagoo hadlayay kahor kulanka United vs Liverpool, weeraryahankii hore ee Arsenal…
kooxda Man United Ayaa doonaysa In Ay ka fogaato Rikoodh aan fiicnayn Marka ay wajahayso Liverpool maalinta Axada kulan ka tirsan horyaalka premier league. Man United Ayaa ilaa haatan Laga badiyay 11 kulan horyaalka premier league xilli ciyaareedkan Kadib guuldaradii ka Soo gaadhay Chelsea. Xilli ciyaareedkan kooxda ayaa ku jirta kaalinta 6 ee horyaalka premier league iyada Oo si weyn u dhibaatoonaysa xilli ciyaareedkan. Ka Hor kulanka ay la ciyaarayso Liverpool, Man United Ayaa doonaysa In Ay ka fogaato Rikoodh aan fiicnayn. Hadii ay Liverpool ka badiso Man United waxa ay dhigi doontaa Rikoodh xun Oo ah Iaga badiyay 12…
XIldhibaannada Soomaaliya ayaa dhawaan u codeeyey wax ka beddelka dastuurka oo muddo dheer aan la qabyo tirin. Waxaa taas dhinac socday in Soomaaliya ay ku dhaqmaysay nidaam awood qaybsi, oo ku salaysan afar beelood iyo bar. Qodobbada dastuurka ee wax laga beddelay waxaa ka mid ah doorashada madaxweynaha oo ay shacabka toos u soo dooran doonaan, iyo in madaxweynuhu uu magacaabi karo xilkana ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha isagoo aan baarlamaanka soo marsiin, iyo in seddex xisbi ay dalka ka jiri doonaan, waxaana sida muuqata ay taasi saamayn ku yeelan doontaa nidaamkii xildhibaannada sida tooska ah ay qabaa’ilku u soo…
Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa si weyn loogu arkayey waayadii ugu danbeeyey dad u cimro iyo acmaal tagaya bogcadaha barakaysan ee Makkah iyo Madina, kuwaas oo hadda soo bandhiga muuqaalo iyo sawiro inta ay ku sugan yihin dhulkaas barakaysan. Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo kamid ah cullimada Soomaaliyeed oo BBCda la hadlay ayaa ka digay in arrintaasi ay wax u dhimi karayso acmaasha qofku uu tagay masaajidada barakaysan. “Qofka waxaa laga rabaa in hadafka uu mesha uga inuu xaqiijoyo, waxyaabaha dheerigaana iska dhaafo, arrintan waa mid cibaado ah oo ruuxa iyo rabbigiis ka dhaxaysa ,marka waxaa loo baahan in…
3 Saacadood ka hor Itoobiya iyo Somaliland ayaa dhowr bilood ka hor kala saxiixday heshiis is-afgarad Itoobiya u saamaxaya in ay saldhig ciidan iyo deked ka dhisato xeebaha Somaliland, taa beddelkeedana Somaliland ay aqoonsato. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itooibya Abiy Axmed ayaa sheegay in is-afargaradku uu u gogol xaarayo in Itoobiya ay ka dhabayso rabitaankeedii ahaa helitaanka dhul badeed. Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa baahiyey codka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo ka hadlayey munaasabadda saxiixa oo sheegay in dhinaca Somaliland ay aqoonsi ka helayaan Itoobiya marka la saxiixo heshiiska, inkatsoo aanu sheegin goorta la saxiixayo. Tallaabadaasi waxaa si weyn uga hor…
Madaxweynaha dalka Sierra Leone ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo heer qaran ah oo la xiriirta isticmaalka daroogada dalkaasi oo aad u batay. Kush, oo ah waxyaabo la’isku farsameeyay isla markaana ah sidoo kale waxyaabo la qabatimo, ayaa dalka ku baahday sanado badan. Madaxweyne Julius Maada Bio ayaa dawadan ku tilmaamay “dabin dhimasho” wuxuuna sheegay inay keentay “dhibaato jirta”. Mid ka mid ah maaddooyinka faraha badan ee ay ka kooban tahay dawadan ayaa ah lafaha bini’aadamka, taasina waxa ay sababtay in aad loo adkeeyo ammaanka xabaalaha si looga hortago dadka balwadda leh ee qodaya qabuuraha isla markaana qaadanaya qalfoofka…
Khabiir sare oo arrimaha bani’aadannimada ah kana tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Haiti ayaa ka digay in dalkan uu cagta saaray inuu la mid noqdo “sida Soomaaliya kuna jiro marxaladihiisii ugu xumaa” kadib markii sare u kaca rabshadaha burcaddu ay ku qasbeen tobnaan kun oo qof inay qaxaan isla markaana ay caasimaddiisu ka go’do dunida inteeda kale. Keliya muddo bil ah kadib markii kacdoonka burcaddu uu billowday, William O’Neill – oo ah qareen arrimaha bani’aadannimada una dhashay Mareykanka oo u safrayay Haiti wax ka badan 30 sano – ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee caasimadda…
