Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulka Jubbaland ayaa soo saartay digniino ku aadan cabsi laga qabo iney dhibaatooyin ka dhashaan roobabka Guga ee ka curtay ee qeybo ka mid ah deegaanada maamulkaas. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane ayaa faray shacabka ku nool Jubbland iney ka feejignaadan halista ka dhalan karta daadka roobabka Guga. “Waxaan u sheegayna dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubbaland iney u diyaar garowaan caqabado iyo dhibaatoyin ka dhalan kara daadad iyo fatahaado ka dhalan kara markale roobabka Guga oo la filayo ibey yihiin kuwa xoogan oo da’madooda u dhaxeeyso…
Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa xabsiga dhigay 4 askari oo shalay si xoog ah Hargaysa ugu xidhay fannaan reer Jigjiga ah oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Habane ‘Maxamed Yare’, iyada oo fannaankiina la sii daayay. Qaar kamid ah hobolada magaalada Hargaysa oo shalay ka qayliyay xadhiga Maxamed Yare, ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay askartii falka gaysatay, loona haysto danbi sharci jabin ah. “Waxaanu sheeganaynaa in nala xaal mariyay oo waliba raggiina noo xidhanyihiin, sharciga ayaana naloo marinayaa, sharci kumay socon, madaxdoodana amar kamay haysan, way soo dhamaatay Maxamedna wakaa bannaanka jooga, nimankii kalena sharci ayay noogu xidhanyihiin” Hoobal Maxamed Bakaal…
Ciidamada amniga Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane loo haysto inuu magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ku dilay askari katirsan ciidanka amniga gobolka Nugaal. Askarigaan ayaa lagu dilay bartamaha suuqa magaalada Garowe, isagoo kamid ahaa ciidan loo xilsaaray nabad galyada suuqa dharka lagu iibiyo, maaddaama lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee u diyaar garowga ciidda. Hay’adaha amnigu ma sheegin sababta uu u dilay askarigan oo lagu magacaabo Cabdixakiin Fiqi, balse warar aanu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in gacan ku dhiigluhu uu ahaa darawal mooto Bajaaj, kaasoo askarigaan u dilay muran ka dhashay markii uu kasoo xiray mootadiisa…
Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka oo kaashanaya ciidanka booliiska, ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, waxa ay kusoo badbaadiyeen nin ajnabi ah oo u afduubnaa kooxda Al Shabaab. Howlgalka ay ciidanka huwanta ah fuliyeen ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Najax iyo Abdi Ducaale oo hoostaga Baled Xaawo, waxaana halkaasi ka kala firxaday dagaallamaal katirsanaa Al Shabaab oo goobtaasi ku sugnaa. Ciidanka ayaana goob ay ka carareen kooxda Al Shabaab ugu tagay nin kasoo jeeda dalka Itoobiya gaar ahaan Oromada oo u afduubnaa Al Shabaab, ninkan ayaana ka xirnaa gacmaha…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dowladood. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay tacsida muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo isaga oo gargaar qeybinaya ay dileen kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga dadka muslimiinta, xilligaan lagu jiro tobankii ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah,…
Nin Turki ah oo qariyay magaciisa, xogtiisa iyo halka uu sida gaarka ah uga degen yahay Dalkaas ayaa gurigiisa iibiyay si loo gaarsiiyo Shacabka ay barakiciyeen Ciidanka Yuhuudda ee aanay haysan goobo ay gabbaad uga dhigtaan qabowga habeenkii iyo kuleelka maalintii. Waxa uu iibiyay hal guri oo qoyskiisa degenaayeen kaddib markii uu arkay xaaladda adag ay ku nool yihiin Shacabka Falastiin, guri ayuu u kireeyay si reerkiisa u dejiyo maadaama gurigii hoyga u ahaa uu iibiyay Ninkaan. Markii uu lacagta gacanta ku dhigay waxa uu iibiyay Teendhooyin gaaraya 150 Xabo oo ah kuwa casriga ah ee awooda in…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis iyo xil baddel ku sameeyay qaar kamid ah Wasiirradiisa waxaana uu buuxiyay boosas ay banneeyeen wasiiro katirsanaa Xukuumaddiisa. Xamsa ayaa boosaska uu buuxiyay waxaa kamid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah waxaana loo magacaabay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Fiqi laga soo wareejiyay waxa uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre u magacaabay Cali Yuusuf (Cali Xoosh) halka Wasiirka Amniga oo booskaas banneeyay Danjiraha Soomaaliya Qatar loo magacaabay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag. Wasiiradda kale ee…
Madaxweynahii Koowaad ee HirShabelle Mudane Cali Cabdullahi Cosoble ayaa Barta Facebook iyo X. Twitter ku qoray ayaa yiri Puntland ayadoo ka fa’iideysaneysa go’aankii ay Reer Somaliland qaateen 1991 ee ahaa gooni isu taaga ayey xilligii uu socday shirweynihii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Kenya shuruud ka dhigtay iney dowlad dhiska Soomaaliya ka qeyb qaadaneyso oo keliya haddii dalka lagu maamulayo nidaam federaal. Dowladda Itobiya ayaa weliba qasab kaga dhigtay hogaamiye kooxeedyadii iyo beelihii shirka ka qeyb galayay in la aqbalo nidaamka federaalka. Su’aasha mudan in la is weydiiyo ayaa wexey tahay xagee ayey salka ku heysay maxeyse aheyd ujeedka…
Agaasimaha Guud Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Musiibooyinka Hirshabelle Mudane Abdifatah Mohamed Yusuf ayaa kala wareegay Dooni Nooca la buufiyo Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Doontan ayaa si gaar ah loogu talagalay inay wax ka qabato caqabadaha ka dhalan kara Fataahada sida xaaladda El Niño oo kale. si loo ilaaliyo loona badbaadiyo nafta iyo hantida shacabka ku dhaqan degmada Balcad. Iyadoo arrimahaas laga duulayo ayaa waxaa kawarbixiyey doontaan Xasan Cabdulqaadir Ciise oo ah Mareeyaha xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka degdega ah iyo Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle Mudane Abdifatah Mohamed Yusuf ayaa si weyn ugu mahad-naqay…
Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay Nabadoon Muxyadiin Ali Cariif ka dib rasaas ay ku fureen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa xaafada Siisii ee degmada Kaaraan. Marxuumka ayaa isla goobta ku geeriyooday, iyadoo kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah. Muxyadiin Ali Cariif ayaa aabe u ahaa Cusmaan Muxyadiin Ali Cariif oo ah Maamulaha Furdada Garoonka diyaaraadaha Muqdisho. Cusmaan Muxudiin Cariif ayaa sidoo kale mar soo noqday Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Lama oga sababta loo dilay marxuumka iyo cida ka dambeysay, laamaha amaanka DF oo…
