Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii Hore ee hay’adda , Mudane Mahad Maxamed Salaad, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday xarunta Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka. https://youtu.be/xPcRG1tMERI?si=ERtJWVNPLVxBRFUl Ugu horreyn madaxweyne Xasan oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee NISA Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay’adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla. Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha iyo askarta Nabad-sugidda inay si dhow ula shaqeeyaan agaasimaha cusub, Cabdullaahi…
Kooxda Real Madrid waa boqorada Tartanka UEFA Champions League. Waxay heystaan 14 koob oo Yurub ah iyaga oo ah kooxda ugu guulaysiga badan tartanka. Si kastaba ha ahaatee, Los Blancos ayaa lagu ceebaystay Semi-final-ka tartanka xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay dooneysaa inay ka aarsato sidii xun ee looga reebay tartanka. Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa sababta ay Real Madrid ugu guulaystan karto Champions League. 1.Jude Bellingham: Waxa ay ahayd mid fudud in la aamino in uu Jude Bellingham qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigi doona Real Madrid laakiin dad yar ayaa filayay in uu u ciyaari doono…
Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis afka ah ka gaartay tababaraha kooxda Spotting Lisbon ee horyaalka Ruben Amorim si ay ugu badalaan Klopp kaas Oo ka tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan. Xabi Alonso ayaa markii hore u muuqday in uu yahay badalka ugu macquulsan ilaa uu xiddigii hore ee khadka dhexe ku dhawaaqay in uu sii joogi doono Bayer Leverkusen ugu yaraan sanad kale. Taas ayaa tan iyo markaas keentay in saraakiisha Liverpool ay raadiyaan inay helaan beddel kale, sida Amorim. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u muuqataa in kooxda ka dhisan Merseyside ay go’aansatay inay hore…
Qaar ka mid ah xildhibaanada Kenya ee matala gobolka ay degaan Soomaalida ee Wuqooyi Bari, ayaa waxay dalbanayaan in baaritaan la sameeyo la xiriira “in sun lagu qubay qaybo ka mid ah deegaanada ay degan yihiin dadka ay matalaan xilliyo hore”. Dalabka xldhibaanada ayaa waxa uu imaanaya kadib markii uu baraha bulshada ku baahay hadal ka mid ah waraysi uu bixiyay wasiir hore oo Kenyan ah. Inkasta oo aysan BBC du si madaxbanaan u xaqiijin karin sheegashada masuulkaan hore, ayaa waraysi uu siiyay garyaqaan Kenyan ah oo lagu daabcay barta YouTube waxa uu ku sheegay “in xukumadii uu ka tirsanaa…
Safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ku aaddan khatar dhanka ammaanka ah oo ay sheegtay in ay kusoo wajahantahay muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ay heshay xog ku saabsan hanjabaado loo jeedinayo goobo badan oo ku yaalla Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dhammaan duulimaadyada iyo dhaq-dhaqaaqa kale ee shaqaalaha Mareykanka gaar ahaan kuwa ka howlgala safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa la hakiyay maanta oo talaado ah. Qoraal lagu daabacay barta safaaradda ayaa lagu yiri, “Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog…
Guddiga caalamiga ah ee taageerada saxafiyiinta ee “CPJ” ayaa ugu baaqay xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan inay ka tanaasusho qorshaheeda xaddidaya ama mamnuucaya aaladda Facebook. Najibullah Haqqani, oo ah madaxa maaliyadda ee wasaaradda isgaarsiinta iyo tignoolajiyada ee xukuumadda Taliban ayaa wareysi uu siiyay taleefishin ku sheegay in uu sameeyay istaraatiijiyad lagu xadidayo ama lagu mamnuucayo isticmaalka Facebook ee dadka Afgaanistaan. Ururka caalamiga ah ee taageera saxafiyiinta ayaa sheegay in xayiraadda lagu soo rogay Facebook-ga ay sii carqaladayn doonto habka loo maareynayo xogta shacabka. Najibullah Haqqani ayaa wareysiga uu bixiyay uu bixiyay saddex maalmood ka hor ku sheegay in la soo gabagabeeyay…
Iska Hor-imaad Kooban ayaa ka dhacay Xaafada Buunda weyn ee Magaalada Baladweyne kaasi oo udhaxeeyay Burcad Moobeelo ku dhacayay Xaafada iyo Dadka Deegaanka. Allaha unaxariistee Waxaa Ku Geeriyooday Hooyo Lagu Magacaabo Leyla Xuseen oo haysatay Sadax Caruur ah. Dadka Dagan Xaafada ayaa wali Baadi goobayo Kooxahii dhaca ka geeysanayay Sadaxdii Habeen ee ugu Dambeeyay Xaafadaasi. https://youtu.be/iiIOKg_UIAM?si=eM-Qo8M-CtMvPxvI
Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Ayaa Shir Deg Deg ah ka leh Xaalada Magaalada Baladweyne, Shirkan Waxaa Looga Hadle haaya Xaaladaha Amaan ee Magaalada iyo Culeeysyada Xiligan Jiro oo ah dillal iyo waliba dhac Badan. Goordhow Filo Muuqaalka Odoyaasha
Nabadoon Gaabow Buule Xasan oo ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Awdheegle ayaa Xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana la aaminsan yahay inay dishay kooxda Al-Shabaab. Isaga oo sooman maalintiisii 29-aad, daqiiqado ka hor inta aan la afun ayaa galu dilay xaafadda Siligga Americkaanka ee degmada Wadajir, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilay marxuumka. Gaabow Buule wuxuu ahaa nin oday ah oo markii lasoo tago masuuliyadda uu ka haayey Awdheegle nabadoon u ahaa beeshiisa, da’da 70 sano jir ayuu caawa ku geeriyooday. Ninkaan ayaa ka mid ahaa odayaashii gobolka Shabeellada Hoose ka bilaabay dagaalka Khawaarijta, wuxuu…
Beer aad u qurux badan oo leh Maqaayado waa weyn iyo Goobo Loo diyaariyay in ay Caruurta ku Ciyaaran Malmaha Ciida ayaa Laga Furay Duleedka Magaalada Baladweyne, waana Meel ku Wacan Nasiinada oo jawi Macaan lagu qaadanayo. Beertan waxaa Lagu Magacaaba Golden waxaana ay ku taalla Warshada Muyi saxo oo ku taalla Xaafada Kooshin Gaar ahaan laanta Ceeljaalle ee Magaalada Baladweyne.
