Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ciidul-Fitri ayaa loo dabaal-degaa maalinta koowaad ee bisha Shawaal, waxaana loo dabaal degaa sidoo kale dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan, oo ah tan ugu barakeysan taariikhda bilaha Islaamka. Muslimiinta dunida ayaa iyagoo aad u faraxsan u dabaal-dega bishan. Waxay Muslimiintu bishan kusoo dhoweeyaan xirashada dhar cusub, karinta cunnooyin macaan, iyo la kulanka asxaabta iyo qaraabada. Muslimiinta ayaa ku bilaaba maalintooda akhrinta Takbiirta oo lasii wadayo kahor salaadda Ciidda. Dalalka Islaamka oo Soomaaliya ka mid tahay, Takbiirta waxaa laga sii daayaa idaacadaha iyo telefishinnada sidoo kale. Takbiirtu waa aqoonsashada weynaanta Alle. Inkastoo meelo badan laga ciidayo, haddana Muslimiinta qaar ayaa laga…
Wasiir wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Maamulka Hirshabeelle zakariya khalid. Waxaan hambalyada Ciid- al Fidriga 1444 ee sanadka Hijriga u dirayaa guud Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan si qaas ah Hambalyada ciida U dirayaa guud ahaan Shacbiga dagan Dowlad goboleedka Hirshabeele in Alle uu u aqbalo Ac-Maashii wanaagsaneyd ee soon ka . Waxaan Allaha ha awoodda badan leh waydiisanaynaa in uu naga aqbalo soonkii, salaadihii, qur’aankii, sadaqadii, ducadii iyo dhammaan kheyrkii aan samaynay bisha barakeysan ee Ramadan, iskamarkaane Alle nabadeeyo guud ahaan dalkaiyo Dowlada Hirshabeele na Alle kadhigo Mid nabdoon.Dowlada iyo shacbiga…
Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay inay heshay xog ku saabsan halis ku aaddan dhowr goobood oo ka mid ah Muqdisho oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport. Warsaxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda oo lagu baahiyey Bogga Facebooka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta u dhashay dalkaas ay joojiyaan dhammaan dhaqdhaqaaqyadii shaqo ee Safaaradda. Waxay shegtay in darajada afraad ee muujisa heerka halista soo waajahan oo ah halbeeg ay adeegsato Wasaaradda Airmaha Dibedda ee Maraykanka inay shaqaynayso, sababtooo ah fal-dambiyeedka, falalka argagixsada, shaqaaqooyinka, arrimo caafimaad, aduub iyo…
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu munaasibada Ciidul Fidrida awgeed wareegto Madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Cafis Madaxweyne Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Tix-galiyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/125/2024, kuna taariikhaysan 03/04/2024; Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/159/2024, kuna taariikhaysan 02/04/2024; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidul fidrida awgeed maxaabiista dembiyada fudud…
Artinkan ayaa yimid kadib kulan muhiim ah oo ay maanta wadayeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiinta Safaaradda UK ee Muqdisho, Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Safiir kuxigeenka UK ee Soomaaliya Mudane Sam Thomas, kulanka oo saaco qaatay kadib ayaa Safiir Sam waxa uu shaaciyay in uu u xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda XFS in Dowladda UK ay cafisay dhammaan daybihii ay ku leheyd Dowladda Soomaaliya 100%. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Cige oo war qoraal ah soo saaray ayaa ku tilmaamay tallaabo guul…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle Mudane Abdirahman Dahir Guure (Karoore) Waxaaan hambalyo ku aaddan bilashada bisha shawaal iyo maalmaha ciidda ee farxadda leh la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Hirshabeelle. Ciid wanaagsan. Waxaaan hambalyo ku aaddan bilashada bisha shawaal iyo maalmaha ciidda ee farxadda leh la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Hirshabeelle. Ilaahey ha innaga aqbalo amcaashii wanaagsaneed ee aan soo qabannay, soonkaan kiisa xigana ha innagu gaarsiiyo nabad iyo caafimaad. تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.
Update: Nin Isaaq ah ayaa laggu dillay Beledweyne waxaanna dillay Maleeshiyo hubeysan Nin-ka la dillay Waa isaaq Garxajis Habar-yonis reer Ceynaanshe, dadkiisa halla gaarsiiyo . Waxii Warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com Liban Qoono
MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO DHAMBAAL FARXAD AH OO KU AADAN CIIDUL-FITRIGA U DIRAY SHACABKA HIRSHABEELLE Madiina, 9-April-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan shacabka Hirshabeelle munaasabada ciidul-fitriga Mudane Cali Guudlaawe oo baryihii dambe ugu sugnaa dalka Sacuudiga si uu u guto acmaasha Cimrada ayaa ugu duceeyay bulshada Hirshabeelle wadajir iyo midnimo. “Dhammaan bulshada Hirshabeelle CIID WANAAGSAN. Maamullada goballada iyo degmooyinka waxaan farayaa in la dhowro amniga goobaha ay dadka salaada ku dukanayaan kuna dalxiisayaan.” Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa u rajeeyay sannadkaan sannadkiisa inay shacabka Hirshabeelle ku gaaraan barwaaqo-sooran idim Alle. DHAMMAAD Wixii faah-faahin…
Madaxweynaha Dowladda Hiiraan State Mudane Cabduqaadir Xuseen Coloow ayaa munaasabadda Ciidul Fidriga Aawgiis cafis u fidiyay Maxaabiista ku xeran xabsiyada dowladda Hiiraan State. Xeer Madaxweyne 15/2024 Madaxweynaha Dowladda Hiiraan State Cabduqaadir Xuseen Coloow Markuu arkay: Qodobka 6aad ee Axdiga Dowladda Hiiraan State Markuu arkay: Qodobka 14aad ee Axdiga Dowladda Hiiraan State Markuu arkay: Qodobka 144aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed Markuu arkay : Soo jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Markuu arkay : Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Cadddaalada Markuu tixgeliyey: Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Farxadda Ciiddul Fidriga Wuxuu xeeriyey In laga bilaabo maanta oo Taariikhdu tahay 09-04-2024 uu…
Guddoomiyaha Xisbiga Daldhis Abdirahman Adow ayaa Ciidul Fidri u diray Shacuubta Muslimiinta gaar ahaan Ummadda Soomaliyeed. Guddoomiyaha ayaa qodoba kale oo muhiim ah kaga hadlay munaasabadan. https://youtu.be/xrhWiTQ_zhQ?si=4–HC_xPIVQlkQRR
