Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Xarunta Caalamiga ah ee Badaha ICC (IMB) ayaa ku warrameysa in koror walaac leh uu ka jiray burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadkan. Saddexdii bilood ee ugu horreysay 2024 ayaa waxaa kordhay dhacdooyinka burcad-badeednimada ka dhanka ah maraakiibta guud ahaan dunida, iyadoo 33 dhacdo la diwaan-geliyay, marka loo eego 27 dhacdo oo isla muddadan la diwaan-geliyay sanadkii ka horreeyay ee 2023. Dhacdooyinka lasoo weriyay waxaa ka mid ah, burcad-badeed koray 24 markab, isku dayay inay weeraraan lix, afduubteen labo, rasaasna ku riday hal. Rabshadda ka dhanka ah shaqaalaha maraakiibta ayaa sidoo kale isa soo tareysa, iyadoo 35…
Booliska ayaa adkeeyay ammaanka maagalada caasimadda ee Muqdisho, iyadoo ay jirto diginin amni xilli shacabka magaalada ay ku jiraan u dabbaaldagga ciidda, kadib markii ay soo dhamaatay bisha barakaysan ee Ramadan. Hadalka Booliska Soomaaliya ayaa imaanaya 48 saac ka dib markii Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay sheegtay inay heshay xog ku saabsan halis amni oo ku aaddan dhowr goobood oo ka mid ah Muqdisho oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport. Walaaca dhanka ammaanka ah ayaa keenay in dowladda Mareykanka ay soo saarto digniino, taasoo keentay in la hakiyo qaar ka mid ah duulimaadyadii caalamiga ahaa…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Kenya ka dib Casuumad uu ka helay dhigiisa dalkaas, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi. Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi oo faahfaahin ka bixiyey safar uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in socdaalka madaxweynaha uu daaran yahay sidii loo adkeen lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal. Kulanka labada Madaxweyne ayaa inta uu socda waxa ay uga wada hadli doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo adkeen lahaa ganacsiga ka dhaxeeya labada dal,…
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Jubbaland ayaa subaxnimadii hore ee saaka fashiliyay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Warka ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri, “Ciidanka xoogga dalka qaybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland ayaa fashiliyey weerar ay doonayeen kooxda Khawaarijta ah inay ku qaadaan deegaanka Barsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada Qaranka waxaa u suurta-gashay inay ka hor tagaan weerarkii Khaawarijta oo xogtiisa la sii hayey, waxaana socda weli socda howlgal looga dilay dhagarqabayaal badan, kuwaas oo meedadkooda ay goobta saadsan yihiin.” Weerarka ay kooxdan…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga awgeed kulan dhiirigelin ah la qaatay qaar ka mid ah Saraakiisha haweenka ah ee ku jira Ciidamada qalabka sida ayaa ku bogaadiyay sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalka, ilaalinta gobanimada iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed. Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna ku booriyay in ay laba jibaaraan doorkooda halganka dib u xoreynta dalka, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah…
Hogaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh ayaa u xaqiijiyay warbaahinta carabta in saddex kamid ah wiilashiisa looga dilay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday Qasa. Waxay daba socotaa warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Xamaas ee Gaza oo sheegaysa in saddex wiil – Hazem, Amir, iyo Muhammad Ismail Haniyeh – iyo dhowr ka mid ah caruurta uu awoowaha u yahay ay ku dhinteen duqeynta ka dhacday xerada qaxootiga ee xeebta ee galbeedka magaalada Gaza. Madaxa siyaasadda Xamaas oo fadhigiisu yahay dalka Qatar, ayaa Aljazeera ku sheegay wareysi uu khadka taleefoonka ku siiyay in wiilashiisa ay ku hareen Gaza intii uu socday dagaalka.…
Madaxweynaha Mamulka Hiraan State Oo Shacabka Reer Baladweyne Salaada Ciida Kula Tukaday Barxada Madaxtoyada Hiiraan State Ee Baladweyne https://youtu.be/Fr5lvRn035k?si=Re3IMpGHLZ-iPWr2
Gudoomiye Ilkacase Waxaan Gacan Bir Ah Ku Qaban Donaa Dadka Qaska Iyo Fowdada ka Wado Baladweyne https://youtu.be/riFtRut5DeY?si=bqCw_FZrEYqQPA-f Hoos ka daawo Muuqaalka https://youtu.be/vxBTrn83DYI?si=m5A2q1CNIxPIf6I4
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa guddi baaris ah u magacaabay dhacdooyin ka dhacay magaalada Beledweyne si dadkii ka dambeeyay Cadaaladda loo hor geeyo.
Beledweyne(Radiohalgan.com)-Waraarkii ugu Dambeeyay ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan Kacdoon bulshada oo dadka ree Beledweyne sameeyeen goordhow ayeey cagta mariyeen dhowr Isbaaro (Jidgooyo) oo aay dhigteen maleeshiyaad hubeysan oo aay abaabuleen koox qas wadayaal ah oo Beledweyne ku sugan. Culimo Odayaal iyo qeybaha bulshada ayaa hoggaaminayay kacdoonkaasi waxa aayna Dab qabsiiyeen dhowr dhismo oo Isbaaro u aheyd kooxdaasi dadka Masaafurka ah ku dhibaan dilaan isla markaana ku dhacaa Beledweyne. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii uu maanta Masjidka Al-Nuur ee Beledweyne ee Beledweyne uu khudbad ka jeediyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye uu bulshada ugu baaqay in aay…
