Author: radiohalgan.com

diyaaradeed ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ku dhintay labo qof oo kala ahaa arday duuliye ah iyo tababarihiisa. Shil diyaaradeed ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ku dhintay labo qof oo kala ahaa arday duuliye ah iyo tababarihiisa. Diyaarad yar oo ay la socdeen labada qof ee geeriyootay ayaa ku dhacday diyaarad rakaab ah oo dul mareysay magaalada Nairobi. Diyaaradda badbaaday waxaa la socday rakaab dhan 44 qof oo 5 ka mid ah ay yihiin shaqaalihii diyaaradda, waxaana iyagoo bad-qaba dib loogu celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi. Diyaaradda burburtay waxaa lahaa Iskuul…

Read More

Wadahadallo saddex maalin uga socday magaalada Qahira, saraakiisha sare ee Xamaas iyo wakiillo ka kala socday dalalka Qatar, Mareykanka iyo Masar ayaa Talaadadi shalay kusoo dhammaaday guuldarro. Wadahadallada oo hadafkoodu ahaa in madaxda Xamaas lagu qanciyo heshiis xabad-joojin lix todobaad ah oo laga dhaqangeliyo Gaza, ayaa dhicisoobay xilli ay bisha barakeysan ee Ramadan ay ka hareen maalmo ka yar todobaad. Mareykanka, Qatar iyo Masar ayaa muddo todobaadyo ah isku dayaya in ay heshiis xabad-joojin ah kala dhex dhigaan Israil iyo Xamaas. Heshiiska hadda lagu guul-dareystay ayaa dhigayay in Xamaas ay sii deyso dadka ay ka heyso Isra’il, halka Israil ay…

Read More

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Daresalam  kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Tanzania, Mudane January Makamba. Labada wasiir ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo baahida loo qabo in la abuuro nidaam iskaashi oo dhinacyo badan leh. Mudane Daud Aweis, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa Dowladda Tanzania uga mahadceliyay doorka ay ka cayaartey ansixinta xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC, iyo tallaabada ay ugu tanaasushey in Soomaaliya ay noqoto xubinta keliya ee Bariga Afrika ka socda ee u tartamaysa kursiga aan…

Read More

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta ayaa si adag uga hadlay arrimo musuq-maasuqa ee ka jira gudaha Soomaaliya. Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen xubnaha beesha caalamka iyo wasiirada dowladda federaalka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha maaliyadda ee dalka. Xamza oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa su’aallo ka keenay warbixinnada soo laa laabta ee ay oomaaliya ka gasho kaalinta u hooseysa dalalka ugu badan musuqa. Ra’iisul wasaaraha ayaa is weydiiyay cidda sameysay musuqa, isaga oo tusaale usoo qaatay golihiisa wasiirada. https://youtu.be/tvtRQvScnr0?si=AZQ3x2WEyS6yWrmR Waxaa la sheegaa inuu jiro musuq-maasuq badan, Soomaaliya International…

Read More

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Arbacada berri go’aan ka soo saari doonta mid kamid ah kiisaskii ugu adkaa ee garsoorka Soomaaliya soo mara, waana xukunka Sayid-cali Macalin Daa’uud oo gubay xaaskiisii. Maxkamadda ayaa horay u mudeysay inay Arbacada soo saari doonto go’aanka xukunka kiiskaas, xilli meydkii gabadha uu qaboojiye ku jiro muddo bil ka badan. Labo ayuu mid noqon doonaa xukunka berri ka soo bixi kara maxkamadda, ‘in dil toogasho ah lagu xukumo Sayid-cali’ oo ka dhigan qisaasta gabadhii uu gubay iyo in xabsi lagu xukumo, laguna amro inuu bixiyo diyadii gabadha. Waxaa xusid mudan, in labada dhinacba uu xukunka berri…

Read More

Beel-weynta Jijeele ayaa si rasmi ah maanta ugu dhawaaqaday howlgalka kasocoda Dalka ee ka dhan ah AS islamarkaan islamarkaan horay u cilaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-shabelle, Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Saraakiil ciidan oo kale iyo waxgard ayaa howlgalkaasi ku dhawaaqay. https://youtu.be/nPGMH16VLRc?si=ybvJcMvLCrPUpWJe ciidanka oo watay gaadiid dagaal ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yahiin waxii maanta ka dambeeya dagaalka kooxada AS looga saaray galbeedka Hir-shabelle aygoo codsay waxii garabistaaga ah oo dhanka Dowladda islamarkaan dhankood ay diyaar u noqoda xureeynta Galbeedka Wabi shabelle. Beel-weynta Jijeele…

Read More

Kulanka waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Ugu horreyn waxaa la dhaariyay xubnaha cusub ee ka mid noqonayo Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle, xubnaha la dhaariyay waxa ay kala yihiin:- https://youtu.be/oZKbsYOJN30?si=phxynel8MdEy90o3 1. Saciid Hagar Camalloow (Wasiirka Wasaarrada Waxbarrashada iyo Tacliinta sare). 2. ⁠Cabdifataax Xasan Faarax (Wasiirka Wasaarrada Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada). 3. ⁠Sakariye Khaalid Cabdi (Wasiirka Wasaarrada Ganacsiga iyo Warshaddaha). Wasaarradaha Amniga, Arrimaha Guddaha iyo Xannaanada iyo Xoollaha ayaa laga dhageystay warbixino ku aadan xaaladdihii amni ee ugu dambeyay Dowladda Hirshabeelle, Shirweynihii dhawaan ka dhacay magaalada Jowhar iyo sida ay u socoto shaqadda Wasaarrada…

Read More

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo maanta soo saaray wareegto ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan oo ahaa ninkii ugu muddada dheer xilka deegaanada HirShabelle, kaas oo waqti fog hayay xilkan. Axmed Meyre Makaraan ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe hayay tan iyo sanadkii 2016 oo xilligaas uu Cali Guudlaawe ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle. Wareegta haatan kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista guddoomiyaha, ayada oo mas’uul cusub loo magacaabay gobolka Shabeelaha Dhexe. “Waxaa Mudane Axmed Meyre Makaraan laga qaaday xilka “guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ahna duqa…

Read More