Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Diblamaasi hore oo Mareykan ah ayaa Jimcihi lagu xakumay 15 oo xarig ah, kaddib marki uu qirtay inuu jaajuus u ahaa Dowladda Cuba. Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa kiiska diblamaasigaasi hore ku tilmaantay, mid ka mid ah jaajuusnimadi ugu heerka-sarreysay uguna waqtiga dheereyd ee lagu sameeyo Dowladda Mareykanka. Victor Manuel Rocha, oo soo noqday Safiirka Mareykanka ee dalka Bolivia inti u dhaxeysay sannadihi 2000 ilaa 2002-di, ayaa qirtay laba eedeyn oo mid ay aheyd inuu si sharci darro ah wakiil ugu noqday dowlad kale. Bishi December ayaa dacwadi ugu horreysay lagu oogay. Rocha, oo 73 jir ah, ayaa si qarsoodi ah…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay wadahadallo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sheekh Shariif ayaa xaqiijiyey in wadahadallada ay fashilmeen, oo wax xal ah lagu gaari waayey, xogtaas oo ay xalay idinla wadaagtay Caasimada Online. Wuxuu sidoo kale sheegay in saddex qodob diiradda lagu saaray wadahadallada balse dhammaantood lagu isku afgaran waayey. Hoos ka aqriso qoraalka Shariif. WAR-SAXAAFADEED Sida ay la socdaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaa jirey kulan kadhacay magaalada Nairobi, oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii xal looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, kaas…
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin qorshaha ay Itoobiya saldhig ciidamada badda ah uga dhisayso Somaliland, balse ay ka fakari doonto inay u ogolaato dekad ganacsi, haddii laga wadahadalo. Itoobiya, oo aan bad lahayn, ayaa bishii Janaayo heshiis la gashay maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya, heshiiskaas oo dhigaya in laga kireeyo dhul badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan, taas beddelkeedna ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan. Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaamtay mid sharci-darro ah, oo xadgudub ku ah madax-banaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Si loo qaboojiyo xiisadda, Kenya oo la tashaneysa Jabuuti, ayaa…
Kadib kulankii ay todobaadkii hore madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya William Ruto ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa waxaa isa soo taraya tuhunka laga muujinayo kulankaasi oo la sheegay in lagu soo qaaday arrimo ku aadan kiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya. War ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in Kenya ay soo jeedisay heshiis badda ah, si loo qaboojiyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Somalia ee ku saabsan saldhigga ciidamada Badda Itoobiya ka doonayaan Somaliland. Intaas kadib dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warkaasi, waxayna sheegtay in aan laga wada xoojin arrimo ku saabsan…
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal ka dhacay gudaha magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Booliiska magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay israsaaseyn dhexmartay ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda hubeysan ee Fano. Wararka ayaa sheegay in mid kamid ah dadka la dilay ayaa ahaa qof rayid ah, halka labada kalena ay ka tirsanaayeen kooxdaasi, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Booliska. Sidoo kale laba askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadka maanta ka dhacay gudaha magaalada Addis Ababa, sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka. Dhacdadan ayaa Jimcihi ka…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe diyaarad nooca wax basaasa ah lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Diyaaraddan oo Drone ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka, xilli ay dul heehaabeysay hawada sare ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddan labadii habeen ee lasoo dhaafay lagu arkayay aagga Dhuusamareeb, balse ugu dambeyn xalay gacanta lagu dhigay. Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay inay ku guuleysteen qabashada diyaaraddan oo loo maleynayo inay u basaaseysay kooxda Al-Shabaab oo weli dagaallo ka wadda halkaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi…
Haweeney maalqabeen ah oo u dhalatay dalka Vietnam ayaa lagu riday xukun dil ah, kaddib markii haweeneydan lagu helay in ay ku kacday musuq maasuq aad u weyn ay ku lunsatay lacag aad u fara badan. Truong My Lan oo ah haweeney ganacsato ah oo ka shaqeysa beeca dhismooyinka ayaa maxkamad kutaalla magaalada magaalada Ho Chi Minh ku heshay in ay ka dambeysay lunsashada lacag gaareysa 40-bilyan oo dollar. Lacagtan ayaana la sheegay in si farsameysan loogu dhacay bangiga Saigon muddo toban sanno ah, waxaana la sheegay in haweeneydan aheyd maskaxdii ka dambeysay in lacagtaasi tirada badan la xado. Haweeneydan…
Hoos ka daawo Muuqaalka Guddoomiyaha https://youtu.be/qCsUWgqoPrw?si=4ktZHMJzYWhkeXW_ Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Salaad Wehliye oo Khudbad dhinacyo badan taabaneeysa ka jeediyay Masjidka Al-Nuur ee magaalada Beledweyne. https://youtu.be/fg-bz1yuS5g?si=zubldUJvTwUaW4e6
Radiohalgan.com Guddoomiyihii hore Amniga Gobolka Banaadir Cali yare Cali ayaa Yiri markii uu madaxweyne Daarood ah kursiga fadhiyana mowlaca macalin Nuur halagu shiro Balse markii ay iyagu madaxweyne yihiin magaalo shisheeye Cajiib!! Madaxweyne Xasan Shiikh hortiis, taariikhda soomaaliya ma dhicin in madaxweyne kursiga fadhiya uu dal shisheeye u aado la kulanka beeshiisa. Hadde xasuusnoow mar ay Feb 2023 beesha Xawaadle oo madaxweynaha abtiyaashiis ah Nairobi shir ku yeesheen Jimcaddii xigtay madaxweynuhu masaajidka ayuu shirkaas ka weeraray, laakiin sannad kadib, isla madaxweynihii ayaa Nairobi diyaarad u qaatay si uu beeshiisa ula soo kulmo.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee Dowladda Hirshabelle Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha gobolka ayaa xusay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna. “Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo maamulka gobolka Hiiraan waxaan Hambalyo leeyahay dhamman Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guuta 5-aad qeybta 27- aad ee xoogga dalka oo qabatay shaqo muuqata waxaan rajeyn in aay…
