Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Manchester United ayaa laga yaabaa inay weyso ilaa 10 ciyaartoy oo kooxda koowaad ah kulanka ay la ciyaarayso kooxda Bournemouth kulan ka dhici doona garoonka Vitality Stadium. Red Devils ayaa xaqiijisay in Raphael Varane uu garoomada ka maqnaan doono dhowr isbuuc ka dib dhaawac muruqa ah, halka Jonny Evans uu ku maqan yahay “arrin muruqa ah oo waqti gaaban ah”. labada ciyaaryahanna ayaa dhaawac kula biiray Lisandro Martinez (kubka), Victor Lindelof (muruqa). Luke Shaw (muruqa), Tyrell Malacia (jilibka) iyo Anthony Martial (gumaarka) qolka daaweynta. Ten Hag ayaa doonaya in ay kooxdiisu gaadho guulo ka caawisa in ay sii wado tartanka…
Waxa la galay todobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka horyaalka premier League. Khabiirka kubada cagta Robbie Savage ayaa doortay xiddiga ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan. Robbie Savage ayaa xiddiga Man City ee Phil Foden u doortay xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka premier League. “Way adagtahay in la dhaafo qaab ciyaareedka Martin Odegaard iyo hogaamintiisa laakiin Foden ayaa ahaa mid cajiib ah xilli ciyaareedkan”. “Man City kuma jirto qaab ciyaareed fiican laakiin Foden ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkan”ayuu sii raaciyay. Foden ayaa dhaliyay 19 gool halka uu caawiye ka noqday 10 kale tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Halyeeyga Premier League Robbie Savage ayaa doortay shaxda ugu fiican horyaalka Premier League. Waxa la galayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Robbie Savage ayaa soo doortay shax laga sameeyay 11-ka xiddig ee ugu fiican horyaalka. Kooxda Hogaaminaysa horyalka premier League ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig. Kooxaha Man City iyo Liverpool ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig. Kooxaha Aston Villa, Tottenham iyo Chelsea ayaa shaxda ku leh min hal xiddig. Share this:
Dowladda Kenya ayaa maxkamad soo taagtay nin lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyihii ugu muhiimsanaa kooxda Daacish ee bariga Afrika. Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ninkaan oo lagu magacaabo Mohamed Abdi Ali alias Abu Fidaa (Abu Shuhadaa) ku eedeysay inuu qorsheynayay inuu ururka Daacish ka dhiso dalka Kenya iyo gobolka Bariga Afrika sannadkii 2016. Sanadkii 2016 ayaa ninkan lasoo qabtay, tan iyo waqtigaasna wuxuu ahaa xukun suge. Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee dalka Kenya, ayaa warbixin uu soo saaray Jimcihii, ku sheegay in eedeysanaha lagu helay dembi ah inuu xubno u qorayay Ururka Daacish. Xeer ilaalinta Kenya…
Bishii April 2014, magaalada waqooyi-bari Nigeria ku taalla ee Chibok ayaa dunida caan ka noqotay kadib markii la afudubtay 276 gabdho iskuulley ah isla markaana baraha bulshada aad loogu ololeeyay in gabdhahaas lasoo celiyo. Toban sano kadib, khatarta kooxaha rabshadda wada ayaa weli saameyn ku leh nolosha dad badan oo magaalada ku nool. Iyadoo ilmada iska tireysa, Esther Yakubu ayaa dib u goconeysa sida noloshu u adag tahay iyadoo aysan la joogin gabadheeda Dorcas. ”Waxaa laga joogaa 10 sano tan iyo inta gabadheyda ay afduubka u heystaan Boko Haram. Weligeed xaaladdu ma fududaan. Dadka waxay dhahaan iska illow, maaddaama aan…
Waxay ahayd dhakhtaradda kaliya ee qaabilsan qalliimada, badbaadinta hooyooyinka iyo dhallaanka ee ka howl gali jirtay isbitaalka guud ee degmada Baran ee gobolka Sanaag. Allaha u raxmadee Dr Nadiiro Cabdillaahi Aadan, waxay Arbacadii ku umul raacday ilmaheedii ugu horeeyey cisbitaal ku yaala magaalada Boosaaso, sida uu BBC u sheegay seygeeda Axmed Maxamed Maxamuud. “Waxay dhaaftay muddo maalmo ah xilligii ay dhali lahayd, waxaana loo diyaariyey inay qalliin gasho isbitaalka ay ku jirtay magaalada Bosaaaso, waxaa qabtay nabar, koomo ayey gashay, ka dibna waa geeriyootay, waxaa la isku dayey in ilmaha la badbaadiyo, laakiin iyaduna ma suura galin ee labaduba waa…
Ayaan Axmed Caydiid, oo ku magac dheer Ayaan-kaaba, waa abwaanad caan ah oo aad ku barateen maansooyinkeedii taxanaha ahaa, jacaylka iyo madadaalada ahaa ee aadka ugu dhex faafay Soomaali idilkeed. Silsiladaha maanseed ee hirgalay ee Kaaba billowday, oo marar kala duwan warbixinno ay ka samaysay BBC du ayaa waxa ka mid ahaa middii la magac-baxday IPHONE, tii kale ee WARDA XAASHI NINKEEDA, iyo qaar kale oo badan. Kaaba ayaa sidoo kale samaysay maansooyin tiro badan oo ay ku baafinayso calafkeeda mustaqbalka, iyada oo marba ku xusaysa deegaan ka mida kuwa soomaalida oo ay ka dhex goobayso cidda ay nolosha la…
Muxuu yahay filimka lagu jilay Soomaaliya ee safka hore ka galay qiimayn lagu sameeyayn Faransiiska?
“Tuulo Janno” waa qisada iyo sumadda uu wato Filimkan lagu jilay Soomaaliya kaas oo soo jiitay culimada Aflaanta kala saarta ee Mahrajaanka CANNES ee dalka Faransiiska. Filimkan ayaa lagu jilay magaalooyinka Eyl iyo Garoowe ee Puntland, laakiin wuxuu hadda safka hore ka galay ilaa dhowr iyo tobban filim oo loo xushay inay ugu wanaagsan yihiin kuwii la soo bandhigay sanadkan 2024-ka. Nuux Muuse Berjeeb oo ka mid ah soo saarayasha Filimka am ‘Line Procuder’ ayaa BBCda u sheegay in samaynta iyo hindisaha Filimkuba qaatay muddo ka badan hal sano. “Magaca aan dooranay iyo jilayaasha ayaa ahaa wax cajiib ah, dabcan…
Sida uu daabacay wargeyska The Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, waxaa la helay waraqo qoran oo loo diray nin lagu magaaco Abu Ibrahim, oo dunida inteeda kale u taqaan Yahya Sinwar oo ah hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa, taas oo muujinaysa in waraaqahani ay faahfaahinayaan “jadwalka lacag bixinta” ee Iran ee Xamaas intii u dhaxaysay sanadihii 2014 iyo 2020. Wargeysku wuxuu sheegay in arrintan la ogaaday intii lagu jiray dagaalka Qasa, ayna ku andacoodeen ciidanka Israa’iil inuu yahay “caddayn dhammaystiran oo taxane ah oo lacag-bixinno ah oo muujinaya heerka ay le’eg tahay maalgelinta joogtada ah ee Tehran ay siiso…
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada iyo Dadka Deegaanka ay dib u billaabayaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee hakadka galay intii lagu guda-jiray Bishii Ramadaan. Gen Ibraahim ayaa tilmaamay in ciidamada Qaranka ay ku jireen difaac isla markaana ay adkeeyeen amniga deegaannada horay uga qabsadeen ‘AS’ Balse haatan wixii ka dambeeya dagaallada dib u billaabanayaan. Shacabka ku sugan deegaannada ay joogaan ‘AS’ ayuu ka dalbaday in aanay la bixin lacago uu ku tilmaamay in si awood ah looga qaadayo si ay hub ugu iibsadaan Shabaab sida uu hadalka u dhigay…
