Author: radiohalgan.com

Radiohalgan.com Guddoomiyihii hore  Amniga Gobolka Banaadir Cali yare Cali ayaa Yiri markii uu madaxweyne Daarood ah kursiga fadhiyana mowlaca macalin Nuur halagu shiro Balse markii ay iyagu madaxweyne yihiin magaalo shisheeye Cajiib!! Madaxweyne Xasan Shiikh hortiis, taariikhda soomaaliya ma dhicin in madaxweyne kursiga fadhiya uu dal shisheeye u aado la kulanka beeshiisa. Hadde xasuusnoow mar ay Feb 2023 beesha Xawaadle oo madaxweynaha abtiyaashiis ah Nairobi shir ku yeesheen Jimcaddii xigtay madaxweynuhu masaajidka ayuu shirkaas ka weeraray, laakiin sannad kadib, isla madaxweynihii ayaa Nairobi diyaarad u qaatay si uu beeshiisa ula soo kulmo.

Read More

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee Dowladda Hirshabelle Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha gobolka ayaa xusay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna. “Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo maamulka gobolka Hiiraan waxaan Hambalyo leeyahay dhamman Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guuta 5-aad qeybta 27- aad ee xoogga dalka oo qabatay shaqo muuqata waxaan rajeyn in aay…

Read More

Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Dhallinyarada Hirshabelle Cabdirisaaq Al-Cadaala oo soo xeray Tartanka Ramadaan Cup oo aay qaaday kooxda Buula-xaableey https://youtu.be/vfLj_LcnSeI?si=DiFHFY7hatSmYFyd Daawo: Hadal-jeedinta Guddiga Tartanka Ramadaan Cup oo galabta lasoo gaba gabeeyay xilli Koobka aay qaaday Fc. Buula-xaableey. https://youtu.be/PvGMs_-3I7s?si=qdyJAQFPRTbHf7iN Daawo: Kooxda Buula-Xaableey oo qaaday Koobta Ramadaan Cup oo lagu qabtay garoonka Buula-Xaableey ee Beledweyne. https://youtu.be/MVnqV2tDmjw?si=jZM7Ms2v_ez7O0qc

Read More

Soomaaliya waxay fara-gelin joogta ah kala kulmeysay dalalka deriskeeda ah iyo kuwa Khaliifka, tan iyo markii dib loo hirgeliyay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya sanadkii 2000. Cilaaqaad marka hore duruufo dhaqaale iyo kuwo amni loo soo maro ayaa ugu dambeyn waxa uu dhalaa in dalka lagu sii kala qeybiyo, iyada oo la cayilinaayo maamul goboleedyada ka jira dalka. Khamiistii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa jawaab carro leh ka bixisay tallaabo ay Itoobiya heshiis iyo maqaam gaar ah ku siisay Puntland. Waxaana dalka laga saaray Safiirkii Itoobiya, iyada oo la amray in la xiro labada qunsuliyad ee Itoobiya ku laheyd Garoowe iyo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna. Sidoo kale waxa uu sheegay iyada oo ahmiyada laga duulayo ay xukuumadda Dan-Qaran qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan dib-u-habeynta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida, gaar ahaan xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo suurta-gelisay in cadowga laga fara-maroojiyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka…

Read More

12kii Abriil sanadkii 1960dii maanta oo kale ayaa laa aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka, sanad weliba marka la gaaro xiligaan waxaa la qabtaa munaasabado lagu maamuusayo dabbaaldegga waxaana ka qaybgala Madaxda sare Dalka, Hoggaankooda & marti kale oo la casuumo. 64-sano ayaa maanta laga joogaa markii la aasaasay ciidanka Xoogga Dalka, hambalyo iyo bogaadin ayaa loo diray ciidamadaan oo sanadkaan howlgallo kala duwan oo xooggan kawada deegaanno katirsan Gobollada Dalka. Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha ciidanka Xoogga qaybahooda kala duwan ayaa hambalyadaan si gaar ah ugu diray Militariga Soomaaliya. Sidee ayaa lagu aasaasay ciidanka Xoogga Dalka 64-sano kahor…

Read More

Bariga Dhexe waxaa isu bira-tumanaya Dalal in muddo ah uruursanayay hubkooda casriga iyaga oo kaashanaya khibradda dhinaca sirdoonka ah ee dhanba dhanka kale uu ka helayo si uu awood ahaan u sii jiro. Israaiil ayaa dhowr jeer samaysay weerarro gaadmo ah oo ay ku dishay saraakiil katirsan Maamulka gacanta ku haya awoodda maamuleed ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo loo arko mid kamid ah halista ugu wayn bariga Dhexe ee Yuhuuddu wajahayso. Tehran waxa ay si cad u sheegtay in weerarrada lagu beegsaday saraakiisheeda lagu fuliyay diyaaradaha casriga ah ee Maraykanka sidaas awgeed ay ka aargudan doonto cid weliba…

Read More

Boqollaal Kun oo carruur ah oo ku nool dalka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in ay ku maqan tahay waxyeello ka soo gaartey sharoobbo lagula tacaalo qufaca oo dalka caan ka ah, ka dib markii halisteeda la ogaadey. Guddiga la socoshada daawooyinka iyo walxaha sunta ah ee Kenya ayaa Khamiistii diginin ka soo saaray qaybinta, iibinta iyo isticmaalka sharoobada qufaca Benylin Pediatrics oo carruurta loo qoro, waxayse ka gaabiyeen in ay daawada dib ugu yeeraan. Go’aanka Kenya ku hakisey daawadan ayaa yimid ka dib markii baaritaan uu sameeyey shaybaar ku yaal Nayjeeriya lagu ogaadey in sharoobada Benylin Pediatricsay ku badan…

Read More

Sida ay ogaatay Radiohalgan.com wada-tashi ah ayaa magaalada Nairobi uga bilowday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Ujeedka shirka ayaa ah sidii looga tashan lahaa arrimaha dastuurka, xoojinta la-dagaalanka argagixisada iyo sidii is-faham looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu la kulmo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka, sida ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo horjeeda qorshaha wax ka bedelka dastuurka ayaa jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu Nairobi kula kulmo siyaasiyiinta diidan…

Read More