Author: radiohalgan.com

Mareykanka ayaa ku booriyey Israa’iil inay is xakamayso, islamarkaana ay ka fogaato inay xaaladda ka dhex taagan iyaga iyo Iran ay uga sii darto. Soo jeedinta Mareykanka ayaa imaneysa xilli ay xukuumadda Israa’iil ay sheegtay inay qaadayso tallaabo aargudasho oo ay uga jawaabayso weerarkii ay Iran ku qaaday dalkeeda. “Ma doonayno inay xaaladdu faraha ka baxdo, sidoo kale waxaan doonaynaa inaan sii wadno taageerada aan u fidinayno Israa’iil, si ay isu difaacdo iyo in aan ilaalino danahayaga gobolka,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken. Mr. Blinken ayaa hadalkaan sheegay xilli uu la kulmayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ciraaq Maxammed Cali…

Read More

Dowladda Kenya ayaa markale isku dayeysa inay xal u hesho xiisada labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Horey waxay Kenya iskugu deyday inay xal gaaraan wufuud laba dhinac ah oo ay iskugu keentay Nairobi. Laakiin sidan aan horey u baahinay kulankaasi waa lagu kala booday, kadib markii ay Itoobiya diiday in nuqulka koowaad lagu cadeeyo inay ka laabteen is-afgaradkii ay la galeen Somailand. Markale Kenya waxay hal abuurtay qorshe cusub oo ay dalalka gobolka ku wadaagayaan kheyraadka baddaha, iyada oo meesha laga saarayo arrimaha ciidamada, lana dhowrayo madax-banaanida dal walba. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii la kulmay dhiggiisa…

Read More

Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya waxay marwalba ahaan jirtay halka uu ka bilowdo abaabulka ka dhanka ah nidaamka waqtigaasi jira ee Soomaaliya. Si gaar ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ee 2012, 2017 iyo 2022 waxaa isbeddelka laga jiheeyay magaalada Nairobi, halkaasi oo ay badi deegaan ku yihiin siyaasiyiinta xil sugayaasha ah ee Soomaaliya. Toddobaadkii hore madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir beeleed siyaasadeed uga qeyb-galay Nairobi. Xubno mucaarad ah oo markii hore ka ganbanayay inay Nairobi shaqo ka bilaaban ayaa hadda laga soo xigtay inuu madaxweynaha siiyay fursad ay dibadda uga bilaabi karaan shirar iyo abaabul ka dhan ah…

Read More

Dalka Sweden ayaa soo saaray sharciyo cusub oo ammaanka lagu sugayo, ka dib markii ay bateen falalka danbiyada abaabulan ee wax laga saarayo dadka ajnabiga oo ay Soomalida ku jiraan. Sharcigan oo uu dhawaan ansaxiyey Baarlamaanka Sweden ayaa lagu wadaa in uu dhaqan galo 25 bishan April, waxaana wixii xilligaas ka dambeeya laamaha amaanku awood u helayaan in ay samaystaan baro kaantarool oo dadka iyo gaadiidka lagu baaro. Wadanka Sweden oo lagu tirin jirey mid ka mid ah dalalka ugu xasilloon Yurub, ayaa waayahan dambe ka eed-sheeganayey qalalaase dhanka amniga ah oo badanaa wax laga saaro dhallinyaro qowleysato ah oo…

Read More

Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay qofka noqonaya Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika (EAC), ka dib markii ay u yeeratay Peter Mathuki oo xilkaas hayey tan iyo 2021. Caroline Mwende Mueke ayaa loo magacaabay in ay noqoto Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika, iyadoo beddeleysa Peter Mathuki oo dhawaan Madaxweyne William Ruto u magacaabay danjiraha Kenya u fadhiya Ruushka. Wargeysta The Star ee ka soo baxa Kenya oo soo xiganayey qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Bariga Afrika ee xilligan Deng Alor Kuol, ayaa tibaaxay in magacaabista Caroline Mwende Mueke lagu ansixin doono kulan…

Read More

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in Puntland “ lagu soo qaaday duullaan diimeed “ isagoo eedeyn u jeediyey Sheekh Cali Wajiis oo ku sheegay in uu “ fadwooday in lagu duulo Puntland lana soo qabto madaxweynahooda” Laakiin sheekh Cali Wajiis oo BBCda la hadlay ayaa sheegay inuusan isagu ka hadlayn wax ku saabsan Puntland ee kaliya uu sharaxay nidaamka dowladdeed ee dalka iyo ay isaga la tahay aragtidiisa. “Waa nasiib darro, in masuul hadal beena oo raad lahayn u qasdo oo waliba dad ugu khudbeeyo,” ayuu yiri Cali wajiis oo iska fogeynaya…

Read More

Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa ku baahday hees jacayl oo dad badan is weydaarsadeen. Qaar ka mid ah dhallinta caanka ka ah baraha bulshada ay adeegsaday iyaga oo shucuur muujinaya. Heestan oo lagu magacaabo ‘Iifur Buugga naxariista” ayaa waxaa qaaday fannaan da’yar oo lagu magacaabo Amiin yare waxaana qoray Abwaan isagana lagu magacaabo Amiin Samadoon. Abwaanka oo BBC la hadlay ayaa noo sheegay in heestu ay ku qotonto qiso jacayl oo dhab ah isla markaana uu uga sheekeeyay nin dhalin yaro ah. ”Inanka waxaa iskaaya bartay gabadh la yidhaado Hibo oo ay isaga is garanayeen, waanu ballannay, waxaanuna ku ballannay…

Read More

Maangalnimada Israa’iil ee ka aargoosiga Iiiraan duulaankeeda gantaalada ayaa walaac galisay dad badan oo Iraaniyiin ah, kuwaasoo durba la kulmaya inuu soo food saaray xanuun dhaqaale iyo xanibaaddo bulsho iyo siyaasadeed oo adag ka dib mudaaharaadyadii 2022-23. Hogaamiyayaasha siyaasada iyo kuwa militariga Iran ayaa si isdaba joog ah uga digay inay ka jawaabi doonaan aargoosi kasta oo Israa’iil ay sameyso iyagoo sii kordhinaya, taasoo keeni karta weeraro kale. Taasina waxay kaliya u noqon doontaa war xun dadka caadiga ah, ayuu yidhi macalin Hesam oo 45 jir ah oo ka yimid waqooyiga magaalada Amol ee dalka Iiraan. “Caddaadiska dhaqaalaha ayaa kor…

Read More

Beljimka ayaa ku biiraya dhowr waddan oo kale oo u yeeray safiirkooda Iran weerarka Tehraan ee Israa’iil awgii. Wasiirka arrimaha dibadda Beljimka Hadja Lahbib ayaa tiri: “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay is xakameeyaan, xiisadda gobolka waa in laga fogaado.” Jarmalka, Faransiiska iyo Czech Republic ayaa horey u shaaciyay in ay u yeeri doonaan ergada Iran ee dalalkooda ku sugan, taasoo sii kordhineysa cadaadiska caalamiga ah ee saaran Tehran. Dhanka kale, Netherland ayaa sheegtay in ay dib u fureyso safaaradeeda Tehraan maalinta berito ah kadib markii ay u xirtay muddo labo maalmood ah sababo amaan dartood. Hase yeeshee, waxay…

Read More

Muqaal Xasaasi ah! Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay Shirweyne Looga Hadlayo Xaalada cakiran sida isbaarada, dhaca iyo Dilka Shacabka Baladweyne. Hoos ka daawo Muuqaalka Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Maanta ka hadlay Xaladda Beledweyne  https://youtu.be/Wfo-waWMwV0?si=mb_kY_53PRHeYpsy

Read More