Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Somaliland ayaa war rasmi ah kasoo saartay xarigga fanaanadda caanka ah Ugbad Aragsan oo ay xalay xabsiga Hargeysa ay u taxaabeen ciidamada Booliska ee maamulkaasi. Qoraal kasoo baxay booliska ayaa waxaa looga hadlay xarigga fanaanadda, waxaana Somaliland ay u jeedisay eedeymo yaab leh. Booliska ayaa shaaca ka qaaday in Ugbaad Aragsan loo xiray faafinta dhaqan xumo ay ku haysay baraha bulshada ee Internetka, kuwaas oo ka horjeedo Diinta Islaamka, sida lagu sheetay qoraalka. “Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi , taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban…
Maamul goboleedka Puntland ayaa si cad u diiday ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo inuu magaalada Muqdisho ka dhaco inta u dhexeyso 20 illaa 21-ka bishan April ee sanadka 2024-ka. Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa xaqiijiyay in Puntland aysan ka qayb-geli doonin shirkaas, welina uu halkiisii yahay go’aankii ay xiriirka ugu jareen dowladda dhexe. “Cid kala qaybgaleyso koley oo Puntland ah ma jirto, illaa ay kusoo noqonayaan xeyndaabka dowladnimada” ayuu wareysiga ku yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir. Sidoo kale wuxuu mar…
Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa Nabad-sugida ayaa lagu soo warramayaa inay maanta xabsiga dhigeen Wariye Xuseen Cabdulle oo kamid ah Saxafiyiinta caanka ah ee wax ku qora baraha bulshada Internet-ka. Wararka ayaa sheegaya in marka hore Wariyaha looga yeeray xarunta taliska NISA, kadibna ay wada-hadal KOOBAN yeesheen taliyaha cusub Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), taas oo keentay xarigGa Wariyaha. Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo xiray Xuseen Cabdulle, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Wariye Xuseen ayaa maalmihii u dambeeyay tabinayay warar la xiriira Barabagan iyo Been abuur Hay’adda…
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah xildhibaannada baarlamaanka, gaar ahaan kuwa laga soo doortay maamulkaas. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay kalsoonidii kala noqdeen xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda Puntland, isagoo sheegay in hadda kadib aysan metali karin maamul goboleedka Puntland. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in xildhibaannada laga soo doortay deegaannada Puntland ay mucaarad ku noqdeen maamulkii ay kasoo jeedeen, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu si cad…
Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka carooday sababta looga reebay shirka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu marti qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka. Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatuma oo qoraal kooban soo saaray ayaa su’aal ka keenay sababta maamulkooda looga tegay, wuxuuna sheegay in taasi ay muujineyso in weli aan la aqoonsan SSC-Khaatumo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in danahooda lagu xirayo Somaliland oo weli maqan, sida uu hadalka u dhigay. “In nala aqoonsadaa moodaayay, tolow ma Somaliland baa geed ugu xidhanahay oo lanala sugayaa?#8221; ayuu yiri Garaad Mukhtaar…
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow Xog-haya ururka kubadda cagta Hassan Bille Hirshabelle ayaa soo xeray tartanka Ramadaan Cup oo ka socday muddo bil ah garoonka Jeyga ee dhaca Xaafadda Xaawo-Taako ee Beledweyne. Tartankaasi oo aay ka qeyb galeen 20 koox waxaa qabtay Tababaraha Xaawo-Taako Axmed Daahar (Kaba-Dorog). Cayaarta Finalka oo aay isku arkeen kooxaha Waaberi iyo Milaano ayaa bar-bar dhac ku dhammaatay waxaana Rigoorayaal Koobka ku qaatay kooxda Waaberi. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa markii uu koobka guddoonsiiyay kooxda Waaberi u hambalyeeya, waxuu u mahadceliyay…
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC, halkaas oo lagu qabanayo shirka xiliga guga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Banginga Adduunka oo socon doona muddo hal toddobaad ah. Ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay. Kulankaan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka Soomaaliya, caawinaada IMF iyo helidda maal-galin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kaddib.…
Kooxda dalalka la iskugu yiraahdo G7 ayaa diyaarinaya cunaqabatayn cusub oo lagu soo rogayo barnaamijka gantaalada Iran, Aqalka Cad ayaa sheegay, ka dib kulan madaxcda dalalkaas ku yeesheen khadka tooska ah si ay ugala tashadaan jawaabta diblumaasiyadeed ee weerarkii Iran kuv qaaday Israel. “Dunida inteeda badan maanta waxay garab taagan tahay Israa’iil,” ayuu yiri afhayeenka amniga qaranka John Kirby ayaa u sheegay suxufiyiinta. G7 wuxuu ka kooban yahay Mareykanka, Japan, Jarmalka, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska, Kanada iyo Talyaaniga. Midowga Yurub wuxuu kaloo ka qayb qaataa la tashigiisa. Hogaamiyayaasha G7 ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka tooska ah ee Iran ee aan…
Afar (4) dhibaato oo ay wajahayaan ciidanka xoogga dalka iyo niyad jab xoogleh oo ay wajahayaan ciidamadu – Maxaa sababay indhaha in laga daboosho arrimahaan?. Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa ku jira dagaal daba-dheeraaday oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kaas oo qaatay sanado badan. Shaki kuma jiro in Milateriga Soomaaliya oo heysta taageero caalami ah iyo mid gudaha ah ay guulo ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay oo ay la galeen kooxda Al-shabaab, loogana qabsaday magaalooyin waa weyn oo ay muddo dheer gacanta ku heysay kooxdu. Laakiin waxaa dhankooda soo gaaray khasaare culus, waana mid kamid ah dabeecadaha dagaalka lagu yaqaano.…
Israa’iil ayaa u muuqata inay go’aansatay inay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran, iyo qaar ka mida taageerayaasheeda gobolka bariga dhexe ku sugan, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday dalkan Yuhuudda ah. Milateriga Israa’iil oo u muuqda inay iska indho-tirayaan baaqyada uga imanaya hoggaamiyayaasha caalamka ayaa sheegay Isniintii, in Tehran ay la kulmi doonto jawaab la xidhiidha, weerarkii ay ku qaadeen Israa’iil ee ay ku rideen 350 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ay ka soo rideen gudaha dalkooda. Taliyaha ciidamada Israa’iil Lieutenant General Herzi Halevi ayaa sheegay in weerarka Israa’iil “jawaab ka…
