Author: radiohalgan.com

Dhulka ay Soomaalida degto waxaa iska caadi ah gudniinka ragga oo meelo kala duwan lagu sameeyo. Waxaa muddooyiinkii hore loo sameyn jiray qaab dhaqameed , balse hadda meelo badan oo deegaanada Soomaalida iyo caalamkaba ah waxaa wiilasha lagu gudaa isbataalada. Qaar ka mid ah isbataalada ayaa waxay gudniinka wiilasha ka hor ay ku mudaa irbadda suuxinta si aysan xanuun u dareemin. ‘Wiil 10 sano jir ah ayaa ku dhintay ka dib markii lagu sameeyay gudniin isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Dhaka ee caasimadda Bangladesh. Wiilkan ayaa magaciisa lagu sheegay Ahnaf Tahmeed, waxaana loo qaaday isbitaalka si loogu…

Read More

aahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa labo diyaaradood oo caalami ah oo ‘ku sigtay inay isku dhacaan’ xilli ay dulmarayeen hawada Soomaaliya kadib markii xog iska soo horjeedda laga siiyay Muqdisho iyo Hargeysa. Labada diyaarad oo kala ah diyaaradaha Qatar iyo Itoobiya oo kasoo kala kicitimay Dooxa iyo Addis Ababa ayaa sabtidii isu jirsaday masaafo isku dhow iyaga oo ku socdaalaya khad isku dhaw sida ay sheegtay Somaliland. Muqdisho iyo Hargeysa ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrinkan, oo ay markii ugu horreysay shaacisay Hay’adda Duulista iyo Madaaradda ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland. Dhacdada ayaa timid maalmo…

Read More

Waxaa magaalada Galkacyo xalay lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo sida la sheegay in koox tuugo ah dishay, kaas oo ahaa iskuuleey. Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Rooble Xasan, waxaana xalay fiidkii lagu dilay magaalada Galkacyo. Wararka ayaa sheegaya in dilka wiilkan uu ka dambeeyay ka dib markii koox la sheegay in ay tuugo ahaayeen ay isku dayeen in taleefoonay ka qaataan, sida ay sheegeen booliska oo BBC da la wadaagay in ay baaritaan wadaan iyo ehelada intaba. Cabdi xasan Daad, oo adeer u ah wiilka oo la dilay oo BBC ayaa sheegay in aysan ilaa hadda aqoon…

Read More

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta lagu dilay askari dil iyo dhac ka gaystay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana halis ku ahaa qoyskiisa, gaar ahaan aabihiis. Guddoomiyaha degmada Wanlaweyn Idiris Maxamed Cumar oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna sheegay in ninkan uu dhibaato ku ahaa degmada, ugu dambeyntiina lagu soo dilay howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka, kadib markii uu la dagaalamay askarigaasi. “Nin gacan ku dhiigle ah ayaan howlgal kusoo dilnay, ninkaas wuxuu ahaa nin khatar ku ahaa magaalada oo dhibaayo ku haayay” ayuu yiri guddoomiye Idiris Maxamed Cumar Waxaa kale…

Read More

Shamuuri waxa uu ahaa mid kamid ah marqaatiyeyaashii shalay kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Banaadir ee goobjooga u ahaa dhacdadii argagaxa lahayd ee lagu gubay Luul Cabdicasiis Maxamed falkaas oo uu gaystay seygeeda. Ninkan ayaa ka yaabsaday maxkamadda, dadkii ku sugnaa iyo kuwii daawaanayay intaba, waxayna dadka aad ula cajabeen sida uu uga fal-celinayay su’aalihii la weydiinayay, isaga oo isticmaalay erayo ay kamid ahaayeen, Maashaa Allah, Insha Allah iyo Allahay ka Alla. Haddaba waa kuma Shamuuri? https://youtu.be/6YZ3fquuoMM?si=Q1muQZ76NpIl5SqI Magaciisa oo saddexan waa Cabdi Xasan Cabdinuur (Shamuuri), wuxuuna sheegay inuu ku dhashay degmada Dharkenley, sidoo kale waa darawal ku shaqeysta caasi. “Caasi ayaan…

Read More

 Odayaasha dhaqanka beesha reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay cadaalad la xiriirta kiiska Sayid-cali Macalin Daa’uud ka dalbanayaan maxkamadda gobolka Banaadir. Odayaasha ayaa mid mid warbaahinta ula hadlay, waxayna dhaliil ka muujiyeen hanaanka loo qaadayo dacwadda kiiska dilkii Luul Cabdicasiis oo lagu eedeynayo seygeedii Sayid-cali Macalin Daa’uud. “Cabasho ayaan nahay, maxkamadda gobolka waxaan aragnaa in aysan dhexdhexaad aheyn, wiilkeena waxaan cadaaladda u horgeynay in cid kasta ay cadaalad hesho, maxkamadda gobolka cadaalad kama dhex-muuqato,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Saleebaan. Odayaasha Beesha Saleebaan ayaa sheegay…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriira dadar-gelinta dagaalka adag ee haatan lagula jiro Al-Shabaab. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow oo ka duulaya qorshaha dowladda ee ku aadan ciribtirka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta la shiray saraakiisha u sarreeysay taliska ciidamada ATMIS, isaga oo kala hadlay dagaalka. Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa si gaar ah ATMIS ugala hadlay inay ka qayb-qaataan wajiga labaad ee howlgallada xoreynta, si looga adkaayo Al-Shabaab. Sidoo kale labada ayaa ka wada-hadlay xoojinta wada shaqeynta dhexdooda, si ay isaga kaashadaan amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab, sida lagu…

Read More

Askari ka tirsan ciidamada booliska ee Puntland ayaa dil u gaystay gabar ardayad ahayd sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya magaalada Garowe Gabadhan oo la oran jiray Ubax Yaasiin Cali ayaa u geeriyootay xabada uu askarigu riday oo haleeshay Taliyaha qaybta booliska ee Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf askariga dilka gaystay ayay boolisku gacanta u dhigeen, waxaana loo taxaabay xabsiga. G/sare Maxamed Cali Marduuf ayaa intaas ku daray in wali uu baaritaan ku socdo sababta dhimashada gabadha. Marxuumada ayaa la sheegay inay ahayd ardayad dhigata mid ka jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Garoowe, waxaana falkan aad uga xumaaday shacabka.

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rajaynayo in xabad joojin ku meel gaar ah la gaaro colaada Qasa isniinta soo socota. Hakinta colaada ayaa la rajaynayaa inay timaado iyadoo maalmo uun ka dhiman yihiin bilashada bisha barakaysan ee Ramadan. Qorshe qabyo ah ayaa soo jeedinaya in tani ay keeni karto hakad afartan maalmood ah, taas oo joojin doonta howlgalada militari si loogu ogolaado sii deynta la haystayaasha Israa’iil ee ay haystaan Xamaas. Boqolaal maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale la sii deyn doonaa. Dhismayaasha qaar waa la dayactiri doonaa, waxaanaa sidoo kale Qasa gali doona baabuur badan oo…

Read More

Askari katirsan ciidamada Mareykanka ayaa isku hor gubay safaarada Israa’iil ku leedahay magaalada Washigton ee caasidamadda dalka Mareykanka, waxaana askariga is gubay soo gaartay waxyeelo xun. Aaron Bushnell, oo 25 jir ah kana mid ahaa ciidamada Mareykanka ayaa Axadii isku hor gubay safaarada Israa’iil ee ku taalla magaalada Washigton, waxaana askarigan oo dhaawac culus soo gaaray loola cararay isbitaal xaaladiisa lagula tacaalayo. Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warantay in askariga is gubay uu aad uga carreesnaa xasuuqa Israa’iil ka wado magaalada Gaza, waxaana markii uu is gubayay ku dhawaaqayay ”Falastiin oo xur ah”. Askarigan is gubay ayaa la sheegay in…

Read More