Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimada Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa shir Gudoominayay Shirka Amniga caasimada iyo sidii Kor loogu qadilahaa bilicda caasimada, Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Hay’ada NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) Taliyaasha Boliiska iyo Nabad sugida Ee Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Dagmooyinka Gobalka Banaadir,Saraakiisha fadhiyada madaxa Banaan Taliyaasha Qeybaha Boliiska iyo Nabad sugida iyo Taliyaasha Saldhigayada Gobolka, U jeedka Shirka ayaa ahaa daadajinta amniga caasimada iyo nawaaxigeeda iyo sidii loo bilaabi lahaa islaxisaabtan dhab ah oo laxiriira amniga Guud ee Caasimada iyo nawaaxigeeda, Shirkan ayaa daba…
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyeen Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo Agaasimaha Guud Caydaruus Macallin Xasan ayaa maanta kullamo kala duwan oo horudhac ah, isuguna jira kormeer, xog wareysi, la socoshada howlaha iyo isbarasho ah la qaatay hoggaannada Hay’adaha hoostaga Wasaaradda ee NIRA , SoDMA iyo NCRI. Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diinwaagelinta Qaranka(NIRA) Cabdiweli Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Guddoomiyaha Hay’adda qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka(NCRI) Safiyo Maxamed Xasan ayaa si gaargaar ah uga warbixiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee…
Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta oo ah 20ka Abriil 2024 ay ku ballansanaayeen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si ay uga hadlaan arrimo dhowr ah. Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu soosaaray ayaa lagu sheegay in ‘Arrimo Farsamo’ darteed oo aan faah-faahin dheeraad ah laga bixin uu shirkaas dib ugu dhacay muddo kooban. Madaxda Dowlad-Goboleedyada oo intooda badan ka ka maqan Caasimadda ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan Shirkaan oo diiradda lagu saarayo arrimaha Dastuurka, Amniga & Siyaasadda.…
Ciidanka Israaiil ayaa sii kordhiyay beegsiga ka dhanka ah Dadka ku sugan Xerada Qaxootiga ee Nur Shams ee ku taal daanka-galbeed waxaana la diiwaangeliyay geerida ugu yaraan 7 ruux oo rayid ah iyo dhaawaca ku dhowaan 10 qof. Yuhuudda ayaa Dadka ay bartilmaameedsadeen waxa ay isugu jiraan Haween iyo Carruur kuwaas oo qaarkood dhaawac darran uu kasoo gaaray weerarka ay ku qaadeen xeradaan oo gabbaad u ah Rayid aad u badan oo maciin biday. Dadkaan ayaa markii hore ku jiray go’doon cunno, dawo la’aan ah waxaana intaas u sii dheer in uu gabaabsi noqday biyaha maadaama shidaalka ay xadideen ciidanka…
Shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay in beri oo Sabti ah ka dhacayo magaalada Muqdisho ayaa u baaqday cilado farsamo aan la shaacin owgeed. Qoraal goordhaw kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan warfaafinta ayaa lagu sheegay in shirkii Wadatashiga uu ku baaqay Madaxweynaha u baaqday cilado farsamo . Xukuumadda qoraalka kasoo baxay ayaa kaliya lagu sheegay in shirka dib loo dhigay muddo kooban oon la cayimin, waxa uuna baaqashada shirkan imaanayaa xilli madaxda maamulada dalka qaarkood Muqdisho joogaan, halka kuwa kalana dalka ka maqan yihiin. Madaxweynaha maamulka Puntland oo kamid ah…
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta la kulmay odayaashii ka hor yimid amarka dowladda ee diiday inay ka guuraan dhulka dabdemiska ee ku yaalla degmada Hodan. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in berri aan la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS. “Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri Qoor Qoor. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkaan aysan xaq u laheyn in la dhaho…
Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Turkiga ku geeriyooday fannaan Cabdulkhaadir Maxamed Aadan (Aargute), oo kamid ahaa fannaaninta da’da yar ee sanadihii dambe ka howl galayay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Fannaan Aargute waxa uu dhaawac daran kasoo gaaray qaraxii lagu weeraray hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho 14-kii bishii aynu soo dhaafnay ee Maarso, iyadoo ay weerarka geysteen ururka Al-shabaab. Aargute ayaa dhaawiciisa loo qaaday dalka Turkiga si loogusoo dabiibo halkaas oo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyooday. Bahda fanka, saxaafadda mas’uuliyiinta dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka tacsiiyeyay geerida Cabduqaadir Maxamed Aargute. Maxaan ka ognahay taariikh…
Geerida Taliyihii Ciidamada Kenya Jeneral Francis Ogolla ayaa noqotay mid ay Kenyanku ka argagaxeen kadib markii Madaxweyne William Ruto uu Khamiistii ku dhawaaqay warka murugada leh. Ogolla ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Kaben oo ah bariga Marakwet Khamiistii. Ogolla ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidamada Difaaca kadib isku shaandheyn lagu sameeyay Ciidanka Abriil 2023-kii. Waxa uu xilka kala wareegay General Robert Kibochi oo ka tagay markii uu 62 jirsaday. Ka hor inta aan la magacaabin, General Ogolla waxa uu ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Difaaca. Xirfaddiisa ciidan 28-kii Abriil 2023-kii, madaxweyne William…
Sida ay baahisey wakaaladda wararka Fars ee dalka Iraan, qarax ayaa laga maqlay waqooyi-galbeed ee magaalada Isfahan subaxnimadii hore ee Jimcaha. Qaraxa ayaa laga maqlay garoonka diyaaradaha ee bartamaha magaalada Isfahan, balse ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysay. Gantaal ay Israa’iil leedahay ayaa ku dhacay Iran, sida ay laba sarkaal oo Maraykan ah u sheegeen TV-ga CBS. Warbaahinta dowladda Iran ayaa ku warramaysa in la hakiyay duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray magaalooyin dhowr ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Iran ayaa heegan sare gashay ka dib markii Israa’iil ay sheegtay in ay ka jawaabi doonto weerarkii Iran…
Weerarradii gantaalaha ee Iiraan ay ku qaadday Israa’iil kaasoo billowday habeenkii Sabtida 13 April ayaa mar kale dhaliyay cabsi laga qabo in xaaladda Bariga Dhexe ay kasii darto. Inkastoo uusan khasaare muuqda gaarin Israa’iil, haddana 300 oo gantaallo ah waxay muujinayaan awoodda ay Iiraan u leedahay inay masaafo fog wax kasoo weerarto. Kani waa sii xoogeysiga waxa muddo dheer ahaa dagaalka gacan saddexaad, taasoo ahayd weerarrada ay Israa’iil u geysanayaan kooxo xulafo la ah Iiraan, iyo duqeymaha bartilmaameedyo Iiraan lala xiriirinayo oo si weyn loogu nisbeyn jiray Israa’iil. Israa’iil ayaa haatanba ku jirta dagaalka Gaza waxayna sidoo kale wajaheysaa dagaal…
