Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta kow ah, maadaama laga sooman yahay waddamada Islaamka oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay hambalyada munaasabadda bisha Ramadaan. “Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday laba arrin oo muhiim ah, wuxuuna ka dalbaday inay caawiyaan dadka danta yar…
Deegaanada Puntland ayaa maanta laga Soomin, kadib markii maamulka uu ku dhowaaqay in xalay deegaanadooda aan laga arkin bilashasa bisha Barakeysan ee Ramadaan, go’aankaas oo ka duwan midka dowladda dhexe, maadaama xalay Muqdisho looga dhawaaqay in maanta ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan Wasiirka Cadaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo ay hareero taagan yihiin qaar kamid ah culimada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in aan Puntland laga arag bishii Ramadaan isla markaana ay maanta tahay maalinta 30 aad ee bisha Shacbaan. Wasaaradda cadaaladda iyo culimada ayaa isku raacay in maanta la dhameystiro bisha Shacbaan, berina la Soomo maalinta koowaad ee Ramadaan.…
Guddoomiyaha Xisbiga Daldhis Abdirahman Hussein Adow ayaa hambalyo ku aadan Bisha barakeysan ee Ramadaan u diray Muslimiinta Caalamka, gaar Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ee addunka ka joogaan. Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is-cafiyaan kana faa’ideystaan bisha barakaysan, asoo ku booriyay in derisku ka warqabo xaaladda deriskooda xaaladooda nalololeed, asoo si gooniya ugu baaqay in dadka tabarta yar laga war qabo bisha Ramadaan. Guddoomiyaha ayaa ugu dabeyn Allaah uga baryay Shacabka Soomaaliyeed in uu ka aqbalo camalka Ramadaanka, asoo si gooniya ugu duceeyay Shacabka Reer Falastiin in uu ka guuleeyo cadawgooda. ==== Dad Dalka U Siman ====
Madaxweynaha Dowlad Hir-shaballe Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo Muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeynayaa bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo Muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeynayaa bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaa Alle mahadiis ah in Bilashada barakaysan ee Ramadaan ay xor yihiin inta badan deegaanada iyo Degmooyinka Dowladda Hirshabeelle, waxaana Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay is cafiyaan oo ay is kaalmeeyaan, dadkeenna liita la gargaaro si Alle inoogu gargaaro. RAMADAAN KARIIM.
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay tiradii ugu badneyd oo isugu jira hoobiyaal iyo hub kale oo kooxda Al-shabaab ku qarsatay dhulka hoostiisa. Howlgalka lagu soo qabtay hoobiyaasha ayaa yimid kadib markii Xalay saqdii dhexe ilaa afar hoobiye lagu garaacay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Boondheere iyo Cabdicasiis. Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan Booliiska sameeyeen lagu soo qabtay ilaa 140 xabo oo ah madaxyada hoobiyaasha loo adeegsado iyo agab kale oo lagu dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed. “Ciidanka waxa uu gacanta kusoo dhigay hoobiyaashaan aad u…
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay qaddiyadda Somaliland, isaga oo sheegay in 30 sano kadib calanka Soomaaliya la geyn doono Hargeysa. Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay soo afjari doonto wux uu ugu yeeray ruwaayadda 30 sano jirsatay ee uu kala jeedo gooni isku taagga Somaliland. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in lasoo celiyo midnimada Soomaaliya, Somaliland-na ay qeyb ka noqoto dowladnimada dalka. Hadalkan ayaa wasiirku waxa uu ka sheegay bandhigga buuqa Hadhiwaa oo uu qoray Maxamed…
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn, taasi oo xilalkii kaga qaaday mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumadda, halka uu isku beddel ku sameeyay wasaaradaha qaarkood. Muuse Biixi ayaa ugu horayn xilkii ka qaaday wasiirkii wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Saleebaan Cawad Cali Bukhaari, waxayna xil ka qaadista wasiirka imaneysa iyada oo aan weli la horgayn golaha wakiilada, si loo ansixiyo kadib markii dhawaan la magacaabay. Sidoo kale waxa uu wasiirka cusub ee wasaaradda kalluumaysiga iyo horumarinta xeebaha u…
Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay shaacisay in 60% ay ciidamadooda gacanta ku hayaan dhulka Soomaaliya, xilli xiisad xooggan ay kala dhaxeyso Soomaaliya, taasi oo salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah baddeena. Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Birhanu Jula oo la hadlay warbaahinta EBC ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay gacanta ku hayaan 60% dhulka Soomaliya oo ay nabaddiisa ilaalinayaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay naftooda u hurayaan nabadeynta Soomaaliya, isaga oo ku dooday in ciidankooda ay sababeen in dowladda Soomaaliya ay fadhi ka dhigato…
Waxaa maanta xukun dil ah lagu fuliyay danbiile Xasan Cabdullaahi oo hooyadiis Xaliimo Maxamed Cumar ku dilay magaalada Kismaayo Juun 11, 2023 oo ku siman muddo 9 bil kahor. Maxkamadda Darajada 1-aad ee magaalada Kismaayo ayaa maanta xukunka dhaqan-galka ah ee ku fulisay Xasan Cabdullaahi. “Si waafaqsan aayadda Qur’aanka ah ee Suratu Baqrah 178-aad ee Ilaahay ku yidhi ‘Rabi wuxuu farad ka dhigay dadka dadka laaya in iyagana la qisaaso oo qisaas lagu fuliyo’ taas inaga oo cuskanayna waxaa halkaan u taaganahay in qisaasta laga oogo Xasan.” Ninkan ayaa maxkamadeyntiisa soo socotay billo, ayada oo la horgeeyey maxkamadda darajada koowaad…
Jaaliyadda Somaliland ee UK ku nool ayaa Sabtidii isugu soo baxday dibadbax ay ka hordhigeen aqalka baarlamaanka UK, kaasi oo ay ku kala qeybsanaayeen dadweynihii isugu yimid. Dibadbaxa oo ahaa mid lagu taageerayay heshiiska is afgaradka ee Somaliland la gaartay Itoobiya oo lagu siiyay dekad iyo saldhig ciidan ayaa waxaa dhinaca kale dibadbaxa taageerada barbar socday mid lagu diidanaa xad-gudubka Itoobiya oo ay dhigayeen jaaliyadda Somaliland oo laba u kala qeybsan. Dibad-baxayaasha Somaliland ee taageerayay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo sitay calamada Itoobiya iyo Somaliland ayaa dowladda UK ugu baaqayay inay aqoonsi siiyaan Somaliland oo 31 sano ka badan aqoonsi…