Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta booqasho naadir ah ku tegay dalka ay deriska yihiin ee Ciraaq, ayada oo biyaha, shidaalka iyo amniga gobolka ay yihiin ajendayaasha ugu weyn. Erdogan ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey 21 madaafiic salaan ah oo laga riday garoonka diyaaradaha caalamiga ee Baghdad, halkaasi oo uu ku qaabilay ra’iisul wasaare Mohamed Shia al-Sudani. Hoggaamiyaha Turkiga ayaa waxaa lagu wadaa inuu magaalada Baghdad kulamo kula yeesho Sudani iyo madaxweyne Abdel Latif Rashid, kahor inta aanu booqan saraakiisha Arbil, oo ah caasimadda gobolka is-maamulka woqooyi ee Kurdistan. “Ciraaq iyo Turkey waxay wadaagaan taariikh waxayna leeyihiin isu ekaansho,…

Read More

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa lasoo gaabiyay howl-galka shaqo ee ay u joogtay Soomaaliya. Sida uu shaaciyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Lainga ayaa gaba-gabeynaysa hawsheeda bisha May ee sanadkaan, taasi oo loo magacaabay bartamaha sanadkii tegay ee 2023-ka. Marwo Catriona Laing ayaa sidoo kale soo saartay farriin kooban oo sagootis ah, taasi oo ay ku sheegtay inay kalsooni buuxda ku qabto in Soomaaliya ay guuleysan doonto, islamarkaana ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya. “Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,…

Read More

Muranada dhulalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay noqdeen kuwo aan la kala reebi karin marwalba oo uu xafiiska joogo madaxweynaha labada jeer la doortay ee Soomaaliya. Dhulka xaafada dab-demiska oo ah dhul ay lahaan jirtay waaxdii dab-demiska ayaa noqday dhulkii ugu dambeeyay ee murankiisa uu banaanka yimaado, laakiin dhulkani ma ahan midkii koowaad ee dooddiisa iyo hadal-hayntiisu ay banaanka timaado tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib ugu soo laabtay xafiiska 15-kii May 2022. Waxaa intii lagu jiray muddo xileedka labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh lagu kala baxay dhulkii Bangaariyadda, midkii Bangala, midkii Howlaha Guud iyo qeyb kamid ah dhul…

Read More

Madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo caasimada u yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhac ku yimid. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku casuumay shirkaasi oo qorshuhu ahaa inuu dhaco 20-kii bishaan, balse uu arrimo farsamo u baaqday, sida ay sheegtay Villa Somalia. Shirkan ayaa waxaa qaadacay hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, halka uu ka maquurtay sida muuqata hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo waayahan lasoo warinayay inay kala furteen madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxda dowlad-goboleedyada saddexda ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa maanta kulamo gooni-gooni ah la qaatay wasiirka…

Read More

Beledweyne(Radiohalgan.com)- Madaxweynaha Hiiraan State Mudane Cabduqaadir Xuseen Coloow uu Waheliye Maamul qeybahiisa kala duwan  sida Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan State  ayaa Maanta lacag Faro badan ku warajiyay odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan. Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa ka Codsaday Lacaag diyo ah oo loo haystay hase ahaate Waxa ka bixiyay Madaxweyne Coloow. Sida Xogta ku heshay Radio halgan odayaasha ayaa taageero Buuxdo u muujiyaay Maamulka  Madaxweyne Coloow. Waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulan kula qaatay magaalada Muqdisho, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira ayaa uga warbixiyay horumarka baaxadda leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen, difaaca iyo dib u xoreynta dalka, iyaga oo garab ka helaya taageerayaasha caalamiga ah. Wasiirka oo ka mahadceliyay taageerada QM ee Soomaaliya ayaa sharaxay dadaallada socda ee lagu kobcinayo awoodda Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan maareynta saadka iyo tallaabooyinka howlgalada culus ee lagu cirbtirayo kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah xasilloonida dalka, tan Gobolka iyo guud ahaan caalamka. Wasiirka ayaa…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Xasan Ibraahim Cabdulle guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow iyo taliyaha qeybta booliska gobolka Kor. Isaaq Cali Cabdulle ayaa kormeeray goobaha laga cabsi qabo in uu fatahaad ka sameeyo wabiga shabeelle madama uu biloowday xilli roobeedkii Guga. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka iyo masuuliyiinta la socday ayaa booqday qoysaska ku jira Kaamamka ku yaalla Beledweyne si madaxda maamulka bulshada ula qeybsadaan sameynta ka dhalatay Roobab xalay ka da’ay Beledweyne. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa u ballan qaaday…

Read More

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 9 qof oo 6 ka mid ah ay carruur ahaayeen lagu dilay duqeyn ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen guri ku yaalla degmada Rafah ee Marinka Gaza. Duqeyntan oo qeyb ka ah weerarka ay Israil ku heyso magaalada go’doonsan ee Gaza muddo 7 bilood ah, ayay saraakiisha caafimaadka isbitaalka al-Najjar sheegeen, in dadka dhintay ay ku jireen Abdilfatah Subxi Ridwan iyo xaaskiisa Najla Axmed Cuweydah iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen iyo abtigood. Wararka kale ee naga soo gaaray dhulka la heysto Daanta Galbeed ayaa sheegaya, in Sabtidi shalay ay ciidamada Isra’il dileen…

Read More