Author: radiohalgan.com

Ololaha madaxtinnimada Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa billowday, iyadoo Soomaaliya ay muddo dheer kadib si rasmi ah isugu dayeyso u qabashada jagadan. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan booskan usoo sharraxday xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo hore usoo noqotay raysal wasaare ku xigeen iyo wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya. Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay magaalada Muqdisho, ayay Fowsiya si rasmi ah ugu shaacisay musharraxnimadeeda guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028. Fowsiya, oo ah siyaasi muddo dheer kusoo dhex jirtay siyaasadda Soomaaliya, ayaa haddii ay ku guuleysato noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xilkan qabta. Musharraxa…

Read More

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka iyada oo hal dhibic ka hoosaysa kooxda Man City oo ku jirta kaalinta 2-aad waxana ay laba dhibcood ka hoosaysaa kooxda hogaanka haysa ee Liverpool. Arteta ayaa tilmaamay horyaalka premier League lagu kala bixi karo farqiga goolasha xilli ciyaareedkan. Markii la waydiiyay in goolashu muhiim u yihiin kooxdiisa xilli ciyaareedkan Arteta ayaa yidhi”Haa, Xaqiiqdii”. “Ugu horayn waxa aan doonaynaa in aan badino kulamada kadib aanu dhalin goolal badan”ayuu sii raaciyay. “Tartanka Horyaalka Premier…

Read More

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday sababtii ayna Arsenal ula saxiixan xiddiga Ruben Neves kadib markii uu xiddiga khadka dhexe sheegay in uu aad ugu dhawaa ku biirista Gunners xagaagii hore. Gunners ayaa xiiso u qabtay xiddigii hore ee Wolves sanadkii hore laakiin heshiiska ayaan dhicin iyada oo Neves uu ku biiray kooxda Al-Hilal ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga. Xiddiga oo la hadlaya wargayska Ojogo ayaa u sheegay in uu aad ugu dhawaa ku biirista Arsenal ka hor inta uuna ugu dambayn ku biirin horyaalka sucuudiga. “Waxa aan aad ugu dhawaa ku biirista 3 kooxo oo ay Arsenal ka…

Read More

Liverpool ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah ku jirta xilli ciyaareedkan iyada oo hogaanka u haysa horyaalka premier League. Reds ayaa xitaa caruurteeda kaga badinaysa kooxaha waaweyn kadib markii ay wiilasheeda ku garaacday Blues final-kii Carabao cup-ka. Si kasta ha ahaatee waxa jirta hal koox oo Liverpool ka ilaashatay shabaqeeda ilaa haatan xilli ciyaareedkan. Liverpool ayaa ugu yaraan gool ka dhalisay koox kasta oo ay la ciyaartay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan. Laakiin Man United ayaa ah kooxda kaliya ee Liverpool u diiday in ay soo taabato shabaqeeda xilli ciyaareedkan.

Read More

Waxa bartamihii todobaadka la ciyaaray kulamadii FA Cup-ka iyada oo ay kooxo badan heleen natiijoon fiican. Kooxaha Man United, chelsea, Liverpool iyo Man City ayaa dhamaantood badiyay kualamdii ay ciyaareen. Xiddigo badan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ay ciyaareen tartanka FA Cup-ka Salaasadii iyo Arbacadii. Kadib kulamadii la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka tartanka FA Cup-ka. Kooxaha Coventry, Man City iyo  ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 3 xiddig. Kooxda Newcastle iyo Leicester City ayaa shaxda ku leh 2 xiddig halka kooxda ay liverpool shaxda ku leedahay…

Read More

Erik ten Hag ayaa sheegay in kooxdiisu ayna ka cabsanayn Man City ka hor kulankooda adag ee premier League. City ayaa 3-0 ku badisay garoonka Old Trafford bishii November, waxaana ay badiyeen 14 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen  tan iyo bartamihii bishii December. Kooxda United ayaa heshay natiijooyinkeedii ugu fiicnaa laakiin wali waa koox dhaawacyo hareeyeen. Inkasta oo ay Man City ugu cad-cad ku guulaysiga kulanka hadana Ten Hag ayaa sheegay in kooxdiisu ayna ka cabsanayn Man City. “Waxay haystaan ​​koox fiican laakiin waxaa jira kooxo kale oo fiican,” ayuu ku jawaabay ninka reer…

Read More

Laacibka reer Nigeria John Obi Mikel ayaa qirtay inuu ka shaqeynayo sidii weeraryahanka Napoli Victor Osimhen uu ugu biiri lahaa Chelsea. Obi Mikel ayaa sheegay in kooxdiisii hore ee Chelsea ay u baahan tahay weeraryahan sida Osimhen. “Weli waxaan ahay ‘wakiilkiisii’, waxaan isku dayayaa inaan isaga geeyo Chelsea, sidaas darteed waxaan helayaa 20% heshiiskaa, aan rajayno in auu heshiisku dhoco”ayuu yidhi. “Waxaan u maleynayaa inay jirto xiiso dhab ah oo labadooda ah, wuu jecel yahay kooxda, wuxuuna doonayaa inuu yimaado kooxda, isagoo si cad u raacay wadadeyda iyo wadada xiddigaha reer Nigeria ee Victor Moses iyo Celestine Babayaro”. “Waxa uu…

Read More

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Declan Rice ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican abaalmarinta London Awards ee xilli ciyaareedkan. Declan Rice ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa Arsenal ku soo kordhiyay wax weyn tan ilaa markii uu yimid kooxda. Xiddiga reer England ayaa Arsenal ka caawiyay in ay ku tartanto koobabka premier League iyo champions League ilaa haatan xilli ciyaareedkan. Iyada oo la qiimaynayo qaab ciyaareedkiisa xiddiga Declan Rice ayaa loo doortay xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedka ee abaalmarinta London Awaards. Rice ayaa 105 milyan ugu soo biiray Arsena xagaagii laakiin waxa uu haatan qiimahaas…

Read More

Tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan kubbada cagta aduunka ayaa la magacaabay. Wargayska Football Transfers ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda ugu qiimaha badan kubbada cagta aduunka iyagoo soo bandhigay qiimohooda. Xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa liiskan ku jira isaga oo qiimihiisu yahay 140.1 milyan euro. Waxa uu xilli ciyaareedkan ka soo muuqday La Liga, isagoo dhaliyay 20 gool oo cajiib ah tartamada oo dhan. Afar ciyaaryahan oo kale oo England ah ayaa ku jira tobanka ciyaaryahan ee ugu sareysa. Harry Kane oo xagaagii hore ku biiray Bayern Munich, Bukayo Saka, Phil Foden iyo Declan Rice oo u ciyaara…

Read More

Kevin De Bruyne ayaa jabin kara rikoor cajiib ah oo uu Lionel Messi dhigay marka ay Manchester City wajihi doonto Manchester United axada. Kulankii 192-aad ee Manchester Derby ayaa saameyn weyn ku yeelan kara labada dhinac. City ayaa u baahan in ay guulaysato si ay uga fogaato in ay Liverpool iyo Arsenal ku guulaysato tartanka horyaalka premier League halka United ay doonayso in ay sii wado tartanka boosaska champions League. Kulanka ayaa sidoo kale muhiim u noqon kara xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Kevin De Bruyne. Xiddiga reer Belguim ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira tan iyo…

Read More