Author: radiohalgan.com

Ugu yaraan 140 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Qaza, ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen, xilli ay dadkaasi doonayeen inay cunto ka qaataan gaadiidka samafalka ee cuntada geeya marinka go’doonsan ee Qaza. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay hubinayaan “wararka is-khilaafsan” ee ka soo baxaya, sida weerarku u dhacay. Afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magcaabo Olivia Dalton ayaa dhimashadan ku tilmaantay inay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco. “Waa dhacdadii ugu dambaysay ee u baahan in la baaro” ayay u sheegtay weriyayaasha, xilli ay…

Read More

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay haweenay maanta seygeeda ku gubtay gudaha magaalada Muqdisho Bayaan kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay gar-gaar u fidiyeen dhibanaha oo hadda xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayo mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho. Haweenayda ku eedeysan kiiskan ayaa lagu magacaaba Naley Maxamuud Saney, waxaana da’deeda lagu sheegay 26 jir. “Maantay oo taariikhdu tahay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen Edeysane Naley Maxamuud Saney 26 jir ah oo gubtay Saygeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska. Naley ayaa la horgeyn doona maxkamadda…

Read More

Booliska Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dhacdooyinkii toddobaadlaha ah ee dalka ka dhacay oo ay ku jiraan dembiyo culus oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay. Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in garoonka Aadan Cadde lagu qabtay dad badan oo loo tahriibinayey dalka Sacuudiga, kuwaas oo cabsiga loo taxaabay. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in la qabtay labo nin oo dadkaas u tahriibinayey dalka Sacuudiga, howlgalkaan waxaa iska kaashaday booliska iyo hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda. “30 qof oo loo tahriibinayey dalka Sacuudiga iyo 2 qof oo waday ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, saakay…

Read More

Ugu yaraan 104 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Gaza, kadib markii ay ciidamada Israel ay rasaas ku fureen. Weerarkan ayaa dhacay xilli ay dadkaasi doonayeen inay cunto ka qaataan gaadiidka samafalka ee cuntada geeya marinka go’doonsan ee Gaza. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanka ay hubinayaan “wararka is-khilaafsan” ee ka soo baxaya, sida weerarka uu u dhacay. Afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magcaabo Olivia Dalton ayaa dhimashadan ku tilmaantay inay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco Waa dhacdadii ugu dambaysay ee u baahan in la badho” ayay u sheegtay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaasi oo uga qeyb-gali doono shir muhiim ah. Madaxweyne Xasan ayaa ka qeyb-galaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya, wuxuuna mudada uu joogo halkaasi uu kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa horay uga qeyb-galay meertada 6-aad ee shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada Nirobi ee dalka Kenya, kaasi oo diirada lagu saaray isbaddalka cimilada adduunka ee xilligaan. Socdaalka madaxweyne…

Read More

Muuse Biixi, hoggaamiyaha waqtiga ka dhamaaday ee Somaliland waxaa qodobka khaa’inu waddan ugu xukuman qof walba oo xil ka qabtay ama haddaba ka haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dadka reer Waqooyiga ah ee dowladda dhexe ee Soomaaliya u shaqeeya looma ogola inay qoysaskooda booqdaan, ama xitaa haddii ay geeri dhacdo inay ka qeyb-galaan tacsida. Qofkii Muqdisho xil ka haya oo Hargeysa tega waa xadhig oo waxa uu nidaamka Somaliland u yaqaana qof ku kacay khiyaano qaran, tani waxay isa seejisay waalid iyo caruur badan, waxayna dad badan ku qasabtay ku noolaanshaha goobo ka fog ehelkooda ama in aanay xasillooni…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Farmaajo ayaa laba sano kadib saaka kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayada oo tan iyo markii uu xilka ka degay aan lagu arag gudaha Soomaaliya, isaga oo ku noola magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxaa ka taagna xaalado siyaasadeed oo ay ku kala duwanayeen mucaaradka iyo muxaafidka, ayada oo arrinta wax ka beddelka…

Read More

Saraakiisha ammaanka ee Maraykanka ayaa ku dhiiranaya inay si cad uga hadlaan farsamada casriga ah ee sida xawliga ah ku socota, gaar ahaan aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ama Artificial Intelligence iyo halista ka iman karta marka ay adeegsadaan dalalka cadawga ku ah Maraykanka, gaar ahaan xilliyada lagu jiro doorashada madaxtinimada ee soo socota. Agaasimaha hay’adda dembibaadhista Maraykanka ee FBI Christopher Wray ayaa soo saaray digniin ku aaddan, inay jiraan isku dayo la doonayo in lagu farogeliyo codaynta muwaadiniinta Maraykanka, gaar ahaan cidda ay tahay inay u codeeyaan doorashada dhacaysa bisha November ee soo socota. Agaasimaha…

Read More

Shirkadda Korontada ee ay dowladdu maamusho ee Ghana (ECG) ayaa Khamiistii korontada ka jartay baarlamaanka dalkaas, kaddib markii ay ku yeelatay deyn gaaraysaa illaa 23 milyan oo lacagta Ghana ah oo u dhiganta ($1.8m). Maqnaanshaha korontada ee xilligii la jaray ayaa qasbay in ay hakad gasho doodii ku saabsanayd khudbaddii sannadeedkii Madaxweynaha. Video ay warbaahinta gudaha lagu baahiyey ayaa muujinayey xildhibaannada oo ka falcelinaya markii korontadu ka tagtay. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in koronto-dhaliye la shiday uu dib u soo celiyay korantada qolka doodda dhowr daqiiqo ka dib, arrintaas ataa fadeexad iyo ceeb ku noqotay Ghana

Read More

Habeen arbaco ah, 22 kii bisha Febarury ayaa koox hubaysani waxay wadada ku joojiyeen Abubakar Axmed oo ah nin dallinyaro ah oo maalmo ka hor maydkiisa laga helay duleedka Muqdisho. Qiyaastii 11 kii fiidnimo ee xiliga Soomaaliya, ayaa waxaa wada ku taalla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir waxaa istaajiyay ciidamo ku la bisan dharka booliska Soomaaliya, sida uu qoyska la wadaagay nin dhallinyaro ah oo la socday Abubakar. “Rag hubaysan oo dharka booliska wata oo jidka taagan ayaa waxa ay u istaajiyaan sida qolo amniga sugaysa oo kale,..labada dhinac ayaa laga kala istaagay, labadaba waa la dajiyay waxaan dareemeynaa bartilmaameedku…

Read More