Author: radiohalgan.com

Ardayda Jaamacadda Columbia University ee Dalka Maraykanka ayaa kordhiyay dibadbaxyada ay ku taageerayaan shacabka Falastiin ee dhibaatooyinka xooggan kala kulmaya ciidanka Israaiil ee garabka ka helaya Dalalka Reer Galbeedka. Maamulka Jaamacadda oo dhowaan qaatay go’aan culus oo ah in Ardaydu ay tacliinta ku qaadan doonaan muuqaalka fogaan-aragga si looga hortagayo dibadbaxyada sii xooggaysanaya ayaan baajin ama hakin tallaabadaas. Ardaydu waxa ay ku doodeen in dhibaatooyin ka dhan ah Aadanaha ay ka dhacayaan Falastiin isla markaana aanay afka laga qabsan karin, waxa ay ku dodeen in ay doonayaan in xal loo helo si loo badbaadiyo dadkaas dhibaatada lagu hayo. Waxaa is…

Read More

Xuutiyiinta Dalka Yemen ee muddooyinkii dambe beegsanayay Maraakiibta u socota dhinaca Israaiil, kuwa ay leedahay iyo kuwa sida gaar ah ugu adeega waddamada reer galbeedka ee xulufada la ah Tel Aviv ayaa weerar ku qaadday Markab laga leeyahay Dalka Ingiriiska. Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen Yaxya Sariic ayaa fariin uusoo diray ku sheegay in Markabkaan uu kasoo baxay Primorsk ee Dalka Ruushka kuna sii jeeday Magaalada Vadinar ee Dalka Hindiya waxaana soo gaaray waxyeello. Markabkaan oo laga leeyahay Ingiriiska ayaa watay Calanka Panama balse Xuutiyiinta oo helay xogtiisa ayaa ku beegsaday Badda Cas kaddib markii gantaallo laga soo tuuray dhinaca gudaha Jamhuuriyadda…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan wadanka Turkiga ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Numan Kurtulmuş. Kulanka ay yeesheyn labada Guddoomiye ayaa daba socdaa shirka 5-aad ee madasha baarlamaanada Qudus oo ka dhacay Magaaladaasi, kaas oo ay Soomaaliya ku mataleeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo dhigiisa dalkaasi Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga baarlamaanada labada wadan, in si deg deg ah loo bilaabo wada shaqeynta guddiyada saaxiibtinimada labada baarlamaan Iyo sidoo kale xorriyada Falastiin iyo xal ka gaaristeeda.…

Read More

Wasaaradda Gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinta Dowladda Hirshabelle ayaa Agabka Guryaha ee (shilter) buuxa oo ka kooban Baco Bustayaal IWM waxa aay u qeybisay dhowr boqol oo kamid ah qoysaska ku kala nool deegaanada kala ah Leebow ,Bacaad, Hiiran- bile Sabad-caano iyo siigalow. Isku-duwaha Wasaaradda Gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinta gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Khaliif Sabriye oo qoysaskaasi u qeybiyay Agabkaasi guryaha loogu tala galay, ayaa u Mahadceliyay hay’adda SODMA oo gacan ka geysatay agabkaasi qoysaska maanta loo qeybiyay. Isku-duwaha Wasaaradda Gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinta gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Khaliif Sabriye ayaa xusay in muhiimad weyn ugu fadhiyo agabkaasi qoysaska la siiyay…

Read More

Osama Vinladen waa cayaaryahan 22 jir ah oo horyaalka heerka koowaad ee dalka Peru ka dheela. Wuxuuna qabsaday hadalheynta iyo caannimada kubadda cagta. Mana ahan inuu yahay laacib sida Ronaldo ama Messi ah. Sababtu waa magaca uu sito kaas oo macruuf ka ah dunida uu ku nool yahay. Osama Vinladen Jimenez Lopez wuxuu aad usoo shaac baxay sannadkii 2017 markaas oo loogu yeeray inuu ka qeyb noqdo tartanka kubadda cagta Koofur Ameerika ee 15-jirrada ka yar. Sannadkii xigay ee 2018-ka ayuuna safashadiisa ugu horreysay u sameeyey xulkiisa. Sannadkii tagay si kastaba, kooxdiisa ayaa mar kale usoo kacday heerka koowaad ee…

Read More

Lataliyaha Madaxweynaha Xiriirka Dowladgoboleedyada Dalka Mudane Mohamed Hassan Ibrahim (Qoono) Mudane Qoono ayaa  ayaa yiri Waxaan aad u bogaadinayaa shaqooyinka muhiimka ah ee uu agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ka wado goballada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe. Agaasime Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe waxaan ku bogaadinaa shaqooyinka muhiimka ah ee mudada kooban ee uu joogo qabtay waxaana ka rajeynaynaa in uu sii dardargaliyo howlaha culus ee ugu horaysa la dagaalanka Argagixisada iyo dib u soo celinta amniga iyo xasiloonida guud ahaan dalka iyo goballada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ee uu ku sugan yahay. Waxaan dhamaan ka codsanaa Odoyaasha…

Read More

Askari katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay xaafada Tookyo ee degmada Yaqshiid ku dilay nin shacab ah oo lagu magacaabayay Ismaan Muxudiin Jiinow  , halka uu dhaawac culusna gaarsiiyay wiil yar uu dhalay marxuumka la dilay. Sida aan wararka ku helnay ninkan askariga ah ayaa doonayay marxuumka in uu ka dhaco telfoon uu watay, waxaana la sheegay in marxuumka uu askariga siiyay telfoonka, balse ka biyo diiday in uu sheego number sireedka EVC-ga lacagta ugu jirtay. Askariga manaxa ah ayaana xabbad madaxa uga dhuftay marxuumka oo xilligaasi farmashiye u waday wiil yar uu dhalay, xabbada ka baxday marxuumka ayaana la…

Read More

Maxkamad kutaalla dalka Turkiga ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday haweeney u dhalatay dalka Syria, taas oo lagu helay in ay maleegtay qarax dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Axlaam Al-Bashiir oo 23-sanno jir ah ayaa lagu helay in ay ka dambeesay qarax bishii November ee sannadkii 2022-kii ka dhacay magaalada Istanbuul, waxaana qaraxan ku dhintay lix qof ,halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 99-qof. Maxkamadda ayaa gabadhan ku xukuntay xukun aan horey loo arag oo ah xabsi aan cafis lahayn oo gaarayo 1,794 sanno iyo ganaax lacageed oo gaareysa 22,000 oo lacagta Turkish Liras, una…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo saaray warsaxaafadeed laguna faafiyey Bogga Facebooka ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo bartiisa gaarka ah ayuu baaq ugu diray madaxda dowlad gobaleedyada dalka, isaga oo uga digay in aysan siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda dowlad gobaleedyada uga digay afar qodob in aysan siyaasadeyn kuwaas oo kala ah;  midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha labada jeer loo doortay xafiiska ugu sarreeya ee dalka ayaa warsaxaafadeedka uu soo saaray ku sheegay in uu ku guuleystay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika. Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumaddiisa dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda…

Read More