Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen in aanay lagu xadgudbin madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska baalmarsan madaxbannaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Itoobiya shaacisay 1dii Janaayo 2024 uu noqday mid dhaliyay falcelin dhinacyo badan. Waxa uu sheegay in aanay dunida aqbalayn tallaabooyin kahor imaanaya shuruucda caalamiga ah ee kala xadaynaya Dalalka isla markaana ku xusan axdiyada ay ku dhisan yihiin ururrada iyo Hay’adaha caalanka ah ee xubnaha laga wada yahay. “Waxaan uga mahadcelinayaa dowladda iyo shacabka Tanzania taageerada iyo garab istaagga ay u muujiyeen madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda…
Ururka Xamaas ayaa baahiyey muuqaal muujinaya caddayntii ugu horreysay ee nolosha labo ka mida maxaabiista ay gacanta ku hayaan ee lagu haysto Qasa. Muuqaallada waxaa ka soo muuqday labo ka mida la haystayaal lagu kala magaacabo Keith Siegel iyo Omri Miran. Labaduba waxay ka mid ahaayeen maxaabiistii Xamaas ay ku soo qafaalatay weerrarkii ay ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii October. Labadan ninba waxay ka hadlayeen xaaladooda iyagoo dareenkooda ku muujiyey farriin ay u direen qoysaskooda, waxayna codsanayaan in ala sii daayo. Miran, ayaa laga qafaashay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Nahal Oz isaga oo ay hor taagan yihiin xaaskiisa iyo…
Magaalada Beledweyne ayaa lagu Dilay Elmi Abdulle jimcaale Alla ha’unaxariisto lama ogo sababta Dilka keenay Hase ahaate waxoow Dilka ka dhacay mid ka mid ah isbaaroyinka magaalada Beledweyne yaal. Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Beledweyne waxa ku soo badanyay dilaalka dhac waxana Magaalada ka jiro maamulo badan oo isdiidan. Hase ahaate Magaalada Beledweyne oo ah alow Sahal Amuuraha. Waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com
Wafdi saraakiil ah oo ka socday dalka Masar uuna hoggaaminayay Sareeye Gaas Maxamed Axmed Maxamed (Abu Zahra) oo ah madaxa akadamiyadda booliiska dalka Masar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho . Ujeedka socdaalka wafdigaan saraakiisha ah ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, oo saraakiisha kala hadli doono xiriirka labada ciidan iyo ka gacan siinta horumarinta booliiska. Wafdigan oo ka koobnaa seddex Jenaaraal iyo saraakiil kale ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxa ayna saraakiishan kulamo la qaateen taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo saraakiil kale. Xubnaha kale ee wafdiga qeybta…
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si toos ah usoo faro-geliyay fadeexadda wayn ee hareysay taliska Danab, kadib markii la musuqmaasuqay raashinkii ciidankaasi, taa oo keentay in Mareykanku jaro taageeradiisa. Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay arrinta dhacday oo ay qiraal ka sameysay wasaaradda gaashaandhigga, oo iyadu shaacisay in saraakiil sare loo xiray falkaasi. Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in ay cadahay in la leexsaday raashinkii ciidanka, loona maamulay si ka baxsan nidaamka dowladnimda. Waxaa cadaatay in garaamkii loogu tala galay la musuqu-maasuqay, loona maamulay si baalmarsan nidaamka…
Muqdisho, 27-April-2024: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka SODMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kusoo dhaweeyay xarunta Hay’adda madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe). Ugu horreyn masuuliyiinta Hay’adda SODMA ayaa la wadaagay madaxweynaha warbixin guud oo ah sida ay u shaqeyso iyo howlaha ay horay uga fulisay deegaanada Dowladda Hirshabeelle iyo kuwa hadda u qorsheysan. Maxamuud Macallin Cabdulle, guddoomiyaha Hay’adda SODMA ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle inuu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee heer Dowlad-goballeed oo soo booqday xarunta Hay’adda. “Ugu horreyn waan ka mahadcelinayaa sida la iigu soo dhaweeyay xarunta SODMA, sida aad la socotaan Roobka Gu-ga ayaa…
Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladaha ka jira halkaasi, gaar ahaan isbaarooyinka iyo dagaallada beeleedyada. Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaadahy in haatan wixii ka dambeeyay aysan dowladdu aqbali doonin in isbaaro la dhigto deegaanada HirShabelle oo ah meelaha ugu daran. “Hadda Ilaahey yiraahdo qabiil ay meel isbaaro u ooleyso ma jiri doonto, warkeyga iska dheh maahinee waxaan jecelahay inay fulino” ayuu yiri taliyuhu. Intaas kadib taliyaha hay’adda NISA ayaa soo hadal arrimaha dagaal…
Mudaaharaadyo loogu baaayo jaamacadaha inay qaaddacaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka xiriirka la leh Israa’iil xilligan uu dagaalku socdo ayaa ka dhacay xarumaha jaamacado ku yaalla Maraykanka. Xiisadd ayaa cirka isku sii shareereysay tan iyo marki 7 Oktoobar uu ururka Xamaas weerarka qaaday, kaasoo keenay in gudaha Israa’iil ay ku dhintaan 1,200 oo qof, keenayna in Israa’iil ay weerar dhulka ah ku qaaddo Qasa, kaasoo ay ku dhinteen 34,000 oo Falastiiniyiin ah. Mudaaharaadyadi ugu horreeyey ayaa lagu arkay Jaamacadda Columbia ee New York, ka dibna waxay ku faafeen meelo kale o dalka ka tirsan. Magaalada Austin ee gobolka Texas, barasaabka ayaa askarta…
Bishii Abriil 1999, dhakhtarka Ameerikaanka ah ee Christopher Kerr ayaa goob joog u ahaa dhacdo beddeli doonta hankiisa xirfadeed. Mid ka mid ah bukaannadiisa, haweeney 70-jir ah oo lagu magacaabo Mary, ayaa geeri ku dhowaatay, iyadoo ay ku hareereysan yihiin afar carruur ah oo ay dhashay oo ku sugnaa qolka isbitaalka ee uu Kerr ka shaqeynayey. Mary ayaa mar qura soo fadhiisatay sariirta, waxayna bilowday in ay dhaqdhaqaajiso gacmaha sidii iyada oo aad u ruxayso ilmo ay iyadu kaliya arki karto, kaas oo ay u bixisay “Danny” una muuqatay in ay laabta galinayso isla markaana dhunkanaysa. Dareenkaas ayuu la yaabay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Daarusalaam kula kulmaya Madaxweynaha Dalka Tanzania oo ay kawada hadlayaan arrimo khuseeya labada Dal. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daauud Aways Jaamac oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay kala saxiixan doonaan heshiis muhiim u ah labada dhinac. Daauud Aways oo kamid ah wafdiga la socda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in si heer sare ah loosoo dhaweeyay wafdigooda isla markaana ay guda-galeen kulamo gaargaar ah. Soomaaliya iyo Tanzania waxaa ka dhaxeeya cilaaqaad ku salaysan dhinacyada Siyaasadda & dhaqaalaha waxaana ay labada Dal…
		