Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Waddamada Somaliland ka taageera geedi socodka dimuquraadiyada ayaa guul wayn ku tilmaamay meel marinta xeerarka doorashooyinka Somaliland. Qoraal wadajir ah oo kasoo baxay waddamada Ingiriiska, Norwey, Denmark, Finland iyo Sweden, ayay waddamadu kusoo dhaweeyeen dhamaystirka xeerarka doorashooyinka Somaliland iyaga oo sheegay in ay tahay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dimuquraadiyada. “Meelmarinta xeerarka waxaanu u aragnaa in ay dib u xaqiininayso ka go’anaanshaha Somaliland ee qabashada doorashooyinka, waxa aanu kala shaqayn doonaa dhamaan daneeyayaasha sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda 13, November, 2024” ayaa lagu yidhi qoraalka. Waxa kale oo qoraalka lagu sheegay in…
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in ay dacwad dambiyo dagaal ah uu ka gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo saraakiil kale. Firdhiye ayaa sheegay in ay ka shaqeeyeen in Maxkamad lasoo taago Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, Taliye Mahad Cambaashe iyo 6 sarkaal oo kale. “Waxaanu ka hawlgalnay in dadkii danbiyada gaystay ay cadaalada arkaan, kuwii loo gaystayna ay arkaan danbiilayaashii oo cadaalada loo sii kaxaynayo, hawshan fulinteeda waxa ka hawlgalay garyaqaano reer SSC ah” Ayuu yidhi Firdhiye. Waxa uu sheegay inay…
Waxa la soo saaray xiddigaha ugu qiimaha ugu badan premier League iyada tartanka horyaalka meel xiiso leh marayo. Xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa ah xidiga ugu qiimaha badan premier League kadib markii uu sii waday wacdaraha uu dhigayay premier League. Haaland yaaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 180 milyan oo euro waxana ku xiga xiddiga Bukayo Saka kaas oo lagu qiimeeyo lacag dhan 120 milayn oo euro. Waxa ku xiga xiddiga Man City ee Phil Foden kaas oo lagu qiimeeyo lacag dhan 110 milyan oo euro waxana ay isku qiimo yihiin xiddiga Arsenal ee Declan Rice halka Rodri…
Ronaldo ayaa kooxda Man City ku taageeraya in ay taariikh cusub sameeyaan xilli ciyaareedkan isla markaas ku guulaystaan horyaalka premier League xilli cyaareedkii 4-aad oo xidhiidh ah. Intii uu hogaaminayay Pep Guardiola, City ayaa ku guuleysatay horyaalka shan jeer todoba xilli ciyaareed gudahood. Hadda, waxay higsanayaan guul naadir ah oo aysan kooxna gaarin tan iyo 1888-kii markaasoo horyaalka Ingiriiska uu billowday. Guardiola ayaa qibrad u leh rikoorada nuucaan oo kale ah maadaama uu horay darajadan ula gaaray Barcelona iyo Bayern Munich. Man City ayaa wali tartan adag ugu jirta horyaalka iyaga oo hal dhibic ka dambeeya kooxaha kaalinta 1-aad ku…
Arsenal ayaa isku diyaarinaysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka reer Sweden ee Viktor Gyokeres oo ah 25 jir u ciyaara Sporting Lisbon oo ay xagaaga u dhaqaaqi doonaan. Dhaliyahan oo hore ugu soo ciyaaray kooxda Coventry City, ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karayaa £85 milyan oo Gini. (Football Transfers) Liverpool ayaa u sheegtay Barcelona, in garabka weerarka xulka Colombia ee Luis Diaz uu qayb ka yahay qorshaha mustaqbalka fog ee kooxdooda oo aanu iib ahayn xagaagan. (Mirror) Arsenal iyo Liverpool ayaa ku tartamaya difaaca dhexe ee xulka Ecuador iyo kooxda Eintracht Frankfurt ee Willian Pacho oo 22 jir ah. (90 min) Garabka…
Khabiir ku sugan magaalada Madrid ayaa shaaciyey qiimaha uu ku kacayo guriga uu xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ka degay magaalada Madrid, halkaas oo isaga iyo qoyskiisuba ay u guuri doonaan kaddib marka la dhamaystiro heshiiska uu la gelayo Real Madrid. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa soo-dhoweynta Kylian Mbappe oo la filayo inuu xagaaga kasoo dego Santiago Bernabeu, laakiin laacibkan ayaa isaguna dhinaciisa ku mashquulsan sidii uu u heli lahaa gurigii uu degi lahaa. Mbappe oo sidoo kale doonaya inuu ciyaaro tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 iyo ciyaaraha olombikada ee lagu qaban doono magaalada Paris…
Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Arsenal Bukayo Saka ma uusan dooneynin inuu sheego wax hadal ah oo degdeg ah markii Rio Ferdinand uu wax ka weydiiyay kooxda uu doorbidayo in ay Arsenal ku aado wareega 8 dhamaadka champion league. Arsenal ayaa markii ugu horaysay muddo 14 sano ah u soo baxday siddeed dhamaadka tartanka Yurub kadib markii ay rigooreyaal aad u xiiso badan ay uga badisay Porto. Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay rigooreyaal, David Raya ayaa badbaadiyay labo rikoodhe waxana ay Gunners wareega 8 dhamaadka champion league u raacday kooxaha Real Madrid, Manchester City, Bayern Munich, Barcelona iyo PSG. Mar Rio…
Tartanka loogu magac daray gooldhaliyaha ugu sarreeya Champions League 2023/24 ayaa mar kale noqon doona mid xiiso leh, iyadoo weeraryahannada ugu fiican Yurub ay ku Tartamayaan. Erling Haaland ayaa isha ku haya in Manchester City ay ku guulaysato koobka Yurub oo xidhiidh ah intii uu hogaaminayay Pep Guardiola ka dib markii kooxda difaacanaysa Premier League ay ku guulaysatay koobkii ugu horeeyay xilli ciyaareedkii hore. Waxa uu rajeynayaa inuu ku biiro xiddigaha ku guulaystay gooldhalinta ee Ruud van Nistelrooy, Eusebio, Ferenc Puskas iyo Jean-Pierre Papin si uu u noqdo seddex jeer ku guuleysta kabaha dahabka ee UCL. Kylian Mbappe, sida Haaland,…
Sida Facebook iyo TikTok khatar u gelin karaan soonkaaga, iyo waxyaabaha ay tahay in aad ka fogaatid
Tobankii sano ee u dambeeyay dunidu way isbedeshay, gaar ahaan dhinaca farsamada, waxaana wakhtigan horumarkani keenay in inta badan dadka dunida ku nool ay helaan moobil casri ah oo lagu adeegsado internet-ka. Waxay tani horseeday, dunida maanta uu isticmaalka baraha bulshada noqdo qayb ka mid ah nolol maalmeedka. Baraha bulshadu ku wada xiriirto ayaa noqday waxyaalaha aynu ku samayno hawlo badan oo nolosha ah iyo nooca adeegsigu nolosheena saameeya. Saamaynta ay goobahaasi ku leeyihiin nolosheenna awgeed, waxa loo baahan yahay in la go’aamiyo sida looga faa’iidaysan karo soonka Ramadaanta si looga fogaado caasinnimada Ilaahay iyo dembiyada waxyeeleyn kara soonkeenna. Sheekh…
Mid kamid ah shaqaalahii hore ee shirkadda diyaaradaha ee Boeng laguna yaqaanay sheegidda tayo-xumada diyaaradaha ay shirkadu sameeyaan iyo waxyaabaha ka khaldan ayaa meydkiisa laga helay Maraykanka. John Barnett ayaa u shaqaynaayay shirkadda Boeing muddo 32 sanno ah, illaa iyo howlgalbkiisii 2017 kii. Ka hor dhimashadiisii maalmo ka hor, waxuu cadeymo siinaayay kiis dacwad ah oo qarsoon laguna oogaayay shirkadda. Boeing ayaa sheegtay in ay ka xuntahay dhimashada John Barnett, maamulka deegaanka Charcleston ayaana xaqiijiyay dhimashadiisa isniinta. Waxaa la sheegay in 62-jirkaan dhintay dhaawac uu isugu isu geystay 9 kii bisha March, booliiska ayaana xuuraamaya waxa sababay dhimashadiisa. Barnett ayaa…