Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Muqdisho, Abriil 29, 2024; Kulan aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlayey doorka warbaahinta hey’adaha dowladdu ay ka qaadan karaan hirgelinta Hannaanka casriyeynta Dowladdnimada iyo sidii farriimaha dowladda looga dhigi lahaa kuwo waxtar leh oo isku xira, bulshada iyo dowladda, ayaa ku qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in looga baahan yahay dadka ka shaqeeya warbaahinta hey’adaha dowladda in ay noqdaan dad aqoon leh oo xog-ogool u ah arrimaha ka jira dalka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dheeraaday doorka ay warbaahintu ku leedahay dowlad-dhiska iyo dagaalka…
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya iska hor imaad hubeysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaa ka dhashay khasaare u badan dhaawac. Is-rasaaseynta ayaa timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay weerar ku qaadeen guriga sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka isgoyska Boondheere, halkaas oo uu ka dhacay dagaal toos ah, markii ay isku dhaceen labada dhinac. Sarkaalka la weeraray ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Sayid-Cali, wuxuuna ka tirsan yahay ciidanka lagu soo tababaray Eritrea ee hadda ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab…
Warbixin dheer oo uu qoray Machadka daraasaadka siyaasadda Emirates Policy Center ayaa waxaa looga hadlay heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu hadda bilowday dhaqan-galkiisa. Maqaalkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ciwaan looga dhigay ‘Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya: Go’aan qaadasho laga baaraan dagay, mise tallaabo loo qaaday meel aan la aqoon’. Sidoo kale waxaa lagu soo koobay saddex faa’iido waa weyn oo Turkigu ka helayo heshiiska difaac ee uu haatan la galay dowladda federaalka, kaas oo kusoo aaday, kadib heshiiskii muranka badan dhaliyay ee Addis Ababa ku dhexmaray Somaliland iyo dowladda Itoobiya.…
Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ayaa jawaab ka bixisay hadal-heynta ka dhalatay jawaano ay dhawaan gaysay gobolka Gedo, kuwaas oo qaarkood la geeyay degmada Doolow, si looga hortago fatahaad mar kale ku dhufato halkaasi. Arrinta hadal-heynta dhalisay ayaa ah in jawaano kooban la geeya Doolow, gaar ahaan afaafka hore ee wabiga Jubba, taas oo dadku siyaabo kala duwan uga falceliyeen. Maxamuud Macallin oo ah guddoomiyaha ha’yadan ayaa jawaab ka bixiyay arrintaasi, wuxuuna sheegay inuu arkay sawirrada laga soo qaaday goobta ee hadal-heynta dhaliyay, wuxuuna sheegay in shaqadu billow ay ahayd, laakin ay dad leh…
Bulshada Beledweyne oo Soo Dhaweeyay Dabdamiska Beledweyne la keenay. https://youtu.be/bbGkzteKL2g?si=Fpb3Mx1BzvQbqSW_ Agaasimaha machadka Hiigsi Dr Ilyas Cali Cabdi ayaa ka hadlay Dabdamis-ka maanta la keenay Beledweyne iyo Dadaalka iyo Doodaha ay kal hore sameyeen ee ku aadanayd in Beledweyne yelato Dabdamis. https://youtu.be/m50vxuyz2pM?si=htLRGt9Z3981teu1
Wefdigii Ugu Horeyay oo Hordhac u ah Duubka Ugaaska ayaa Soo Gaaray Beledweyne. Hoose ka Daawo Muuqaalka https://youtu.be/FIkIcngOKEw?si=cSQLWjqiJO6RCfJj
Muqdisho(Radiohalgan.com)-Ugaas Yusuf Ugaas Hassan Ugaas Khaliif ayaa magaalada Muqdisho kulan qado iyo wada-tashi la qaatay Ugaasyada iyo Wabarada reer Hiiraan. Wuxuu ahaa kulankaas ayaa ku soo idlaaday isfahan iyo Guul. Dhanka kale Shacabka reer Hiiraan ayaa aad iyo aad ugu faraxay Sawiirka Ugaasyada Reer Hiiraan oo Meel Wada tagan. Hase ahaate waa muhiim Midowga Ugaasyada iyo Shacabka Reer Hiiraan si uu Gobolka Hiiraan u guuleeysto.
Guddoomiyaha gobolka ayaa Odayaasha dhaqanka kala hadlay muhiimadda aay lee dahay Dib-u-Heshiisiinta wada jirka iyo in laga shaqeeyo nabadda. Kulanka waxaa ku sugnaa Taliye ku xigeenkii hore ee qeybta Booliska gobolka gobolka Hiiraan Kor. Cali Cabdi Mahad-Alle. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa si habsi leh u wada howlaha maamulka ee gobolka waxuuna laba jibaaray wada shaqeynta Odayaasha dhaqanka.
Warar aan ka helayno deegaanka miyiga ah ee u dhaxeeya Hulkujir iyo Qalaanqale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu halkaas ka socdo dagaal qaraar oo u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed Khasaare dhimasho iyo dhaawac badan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalkan waxaana la isku adeegsanaya gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan. Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay Ku dhawaad 14 kale oo labada dhinac ka tirsana waa ku dhaawacmeen Dagaalkan . Khadka Talefanka iyo internetka oo aan si fiican u shaqaynayn degaanadaas ilaa shalay ayaa adag in la helo xog dhamaystiran Dhaawacyada labadaan maleeshiyo beeleed…
Raysal wasaaraha Ireland Simon Harris, ayaa ka codsaday wasiirka cadaaladda dalkaas inuu golaha wasiirada hor keeno sharci dadka magan galya doonka ah ee horay ugu yimi UK dib loogu celin karo dalkaas. Wasiirka cadaaladda Ireland Helen McEntee, ayaa sheegay in boqolkiiba siddeetan dadkii dhawaan dalkaasi galay ay ka yimaadeen UK iyagoo ka soo gudbay Xadka UK iyo Ireland. Ra’iisul wasaaare ku xigeenka Ireland, Micheál Martin, ayaa sheegay in siyaasadda UK ee Rwanda ay durba saameyn ku yeelatay Ireland. Sharciga ay UK, ku doonayso inay qaxootiga ku gayso dalka Rwanda ayaa sharci noqday khamiistii ka dib markii barlamaanka UK oggolaadeen xeerkii…
