Author: radiohalgan.com

Xiddigaha Kooxda Man City ee Haaland iyo Foden Ayaa Gaasta Ku Kiciyay Kooxda Man United. Labada xiddig ayaa Man City ku Hogaamiyay guul soo laabasho Leh Oo Ay Ka Gaadheen Man United. Foden ayaa United ka dhaliyay 2 gool oo xidhiidh ah ka hor inta uuna Haaland hurdada ka kicin oo uuna dhalin gool wakhti dambe ah. Kadib labadaas gool Labada xiddig ee Haaland iyo Foden ayaa Xaas ka dhigtay Man United marka laga hadlayo goolasha. Haaland iyo Foden ayaa goolasha ugu badan ka dhaliyay Man United tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkii hore. Labada xiddig ayaa min 6 gool ka…

Read More

Tababaraha Kooxda Man United Erik Ten Hag ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Man City. Man United ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay Man City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League. Red Devils ayaa ku hor martay gool uu dhaliyay Rashford laakiin Haaland iyo Foden ayaa kooxda Man City u dhaliyay laba gool. Kadib ciyaarta tababaraha Man United ayaa ka fal celiyay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Man City kulan ka tirsanaa premier League. Waxa noo ciyaarayay laba ciyaaryahan oo aan 100% taam ahayn oo kala ah Jonny Evans iyo Marcus Rashfored laakiin waxa ay kooxda siiyeen wax…

Read More

Waxaa labo bil jirsaday xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee sal-ku-heysa is-afgaradka la xiriira in Addis Ababa ay marin baddeed oo toos ah iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho Somaliland, iyada oo ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland uu sheegay inay Itoobiya noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi caalami ah siiya. Is-afgaradka oo la shaaciyay maalinkii ugu horreeyay ee sanadkan ayay Hargeysa ku hanweyn tahay in la dhaqangeliyo kadibna marka ay soo dhammaadaan wada-xaajoodyada u socda labada dhinac. Laakiin Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay is-afgaradku in uu yahay ‘duulaan qaawan’ oo lagu soo qaaday xornimada…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo kulan la qaatay golaha deegaanka cusub ee degmada Jowhar. Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda arrimaha guddaha iyo dowladdaha hoose, guddoomiyaha gobalka Shabeellaha dhexe, guddoomiyaha degmada Jowhar iyo dhammaan xubnaha golaha deegaanka. Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixinta golaha deegaanka cusub ee degmada Jowhar oo isugu jirtay wixii u qabsoomay iyo caqabadaha ku hor-gudban. “Degmada Jowhar inay yeelato gole deegaan muhiimad gaar ah ayay ii laheyd waxaan rajeynayaa inaad wax badan beddeshaan. Dhammaan qoddobadii aan ka wada haddalnay waa ay dhaqan-galayaan.” Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray golaha deegaanka ee…

Read More

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri ayaa jabiyay rikoor u yaalay 16 sano ka dib markii kooxdiisa ay 3-1 kaga badisay Manchester United. Marcus Rashford ayaa hogaanka u dhiibay United qeybtii hore ee ciyaarta isagoo kubad la yaab leh ka dhaliyay meel ka baxsan dilinta ganaaxa. Si kastaba ha ahaatee, Phil Foden ayaa dhaliyay labo gool qeybtii dambe ka hor inta uuna Haaland dhamaystirin 3-da gool ee kooxdiisa. Natiijada hadda waxay la macno tahay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee City Rodri aan laga badin kulan  tan iyo guuldaradii City 1-0 ka soo gaartay Tottenham bishii February 2023. Tan iyo…

Read More

Xiddiga Garabka Arsenal Bukayo Saka ayaa Dennis Bergkamp iyo Harry Kane kula biiri kara rikoodh gool dhalineed gaar ah oo Premier League ah kulanka isniinta ee Sheffield United ee Bramall Lane. 22-sano jirkaan ayaa sii wata inuu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah iyo inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican dalka isagoo dhaliyay 16 gool 13 caawin 34 kulan oo uu u saftay kooxda Mikel Arteta intii lagu jiray xilli ciyaareedkanhadda socda. 13 ka mid ah goolashaas iyo waliba 8 caawin ayaa yimid 25 kulan Oo premier league ah xilli uu sii wado wax qabadkiisa cajiibka ah…

Read More

Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo jugtiisa ay si xoogan u maqleen dadka deegaanka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Shaaciye ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen goobjoogaal Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, gaar ahaan kuwa Xasilinta ee loo yaqaano Boolis Milataari. Ugu yaraan illaa 4 qof oo uu mid kamid ah askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, halka saddex kale ay yihiin dad shacab ah oo…

Read More

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranke Soomaaliya ee (NISA), iyo agaasimihii madaxtooyada, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta qaaday tallaabo kale wax ka yar laba bilood, isaga  sameystay ciwaan cusub oo baraha bulshada ah, gaar ahaan aaladda Facebook. Fahad Yaasiin oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku sheegay inuu ciwaan gaar ah uu ku yeeshay barta Facebook-ga kaasi oo uu ku furtay magaciisa oo u dhigan @Fahad Yasin. Qoraalka uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ciwaankan cusub uu noqon doono kiisa labaad ee rasmiga ah oo uu ku yeesho baraha bulshada, maadaama muddo hadda laga joogo 40…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xalay Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare xoogan. Weerarka oo ka dhacay degmada Dayniile ayaa waxaa lagu qaaday guri uu waaxda Buurdheere  ka daganaa nabadoon lagu magacaanitay Cabdi Xasan, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka. Wararka ayaa intaasi ku daray in xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay fuliyeen weerarka, kuwaas oo gudaha u galay guriga marxuumka, kadibna si arxan daran u dilay. Marxuum Nabadoon Cabdi Xasan ayaa lala dhacay rasaas tiro badan, taas oo ka muuqatay jirkiisa, kadib weerarka, waxaana lala dilay askar waardiye u ahaa…

Read More

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Qeybta Gobolka Nugaal ayaa Koontaroolka Galbeed ee caasimadda Garoowe ku qabtay qalab loo waday Kooxaha argagixisada iyo dadkii wadday. Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay qalabka iyo dadkii la socday kuwa oo tiradoodo 5 qof, 4 rag iyo hal haween ah kuwaa oo Hay’adaha amniga la socdeen. Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah, Cabdi Axmed Cusmaan. Haaddi Cumar Cilmi Cabdi Maxamuud Cali Saalax Cabdulqaadit Mahad Qalabka ay leeyihiin  Argagixisada Al-shabaab ayaa kala ah; Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP. Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) – Laboratory Biisooyin Kaashwito Kabo…

Read More