Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mudeysay dhageysiga dacwad Musuq-maasuq ah oo loo haysto masuuliyiin ka tirsanaa hay’adaha dowladda, kuwaas oo lagu soo oogay eedeymo culus oo la xiriira xatooyo xoolo dadweyne. Warqad saddex bog ah oo ka soo baxday maxkamadda ayaa lagu sheegay in maalinta Talaadada ah ee 14-ka bishaan loo fariisanayo dhageysoga dacwadda. 12 masuul oo agaasimayaal hore u badan ayaa magacyadooda lagu cadeeyey warqadda, kuwaas oo kiis culus oo eedeymo musuq ah uu ka yaallo maxkamadda. Agaasimayaashii hore ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Koofi iyo Cabdul ayaa ku jira masuuliyiinta magacyadooda lagu soo xusay warqadda maxkamadda. Sidoo kale, Agaasimihii…
Maaddada la dhaho “Political Communication” waxaa lagu bartaa muhiimadda ay xiriirka iyo la-hadalka dadku u leeyihiin fulinta ajandayaasha iyo siyaasadaha dawladda. Marka la isku xiraayo Siyaasadda iyo Xiriirka, waxaa la yiraa “Siyaasaddu waa hawl iyo hadal isla socda”. Haddii labadaas mid la waayo, kan kale waxba ma tarayo. Siyaasad hadal keliya ah waxaa fashilinaya hawl-la’aan. Mid hawl keliya ahna waxaa fashilinaya hadal-la’aan! Waxaan isku dayay inaan baaro xogta ku saabsan Qubuuraha la faagayo. Waxaan maqlay in dhulka loogu talogalay saldhig ay Turkigu u dhisayaan si loogu tababbaro ciidamo badda ah oo Soomaaliya loo diyaarinayo. Waa qeyb ka mid ah heshiiskii…
Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay, tuulooyinka Madiina, Subaan Salaamo, Fuumo, Jiroole, Dabarka iyo Ngumi oo 78 km ujira magaalada Kismaayo. Howlgalkan oo ahaa mid si wayn la isugu dubariday ayaa lagu soo qabqabtay rag lagu eedeeyay burcad badeednimo kuwaas oo amniga xeebahaasi liddi ku ahaa. Howlgalkan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ilaa saaka waaberigiina soo gaaray ayaa waxaa hogaaminayey Taliyaha Qeybta Booliska Jubbada Hoose, Gaashaanle Sare Sadik Mohamud Dhogor iyadoo uu qayb ka ahaa Gudoomiyaha Degmada Kismaayo, ahna Duqa magaalada, Mudane Cumar Cabdullahi Maxamed (Faraweyne) Eedeysanayaashan ayay xeer ilaalintu maxkamadda horgeyn doontaa iyadoo lagu soo oogi…
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada maamul gobaleedka Puntland ayaa soo bandhigtay Kartooman ay ku jiraan Baco oo ay Wasaaraddu ku sheegtay in ay halis ku yihiin deegaanka iyo bulshada ku dhaqan deegaannada maamulkaas. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Booliska maamulka Puntland ay, “qabteen baco tiro badan oo lagu soo raray baabuur candha-meydle ah, bacaha oo halis ku ah Deegaanka iyo bulshadaba,” Sida lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda. Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay deegaanka Laacdhere ku qabteen gaari siday Baco, iyada oo soo bandhigeen xilli uu goobjoog ka ahaa Wasiirka…
Qaban-qaabada Soo dhaweeynta Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa Manta Laga Dareemayaa Magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, Masuuliyiinta Maamulka degmada iyo Odoyaal dhaqameed, dhalinyaro iyo Haween ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha Degmadaasi. Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa Hogaaminayo Wafdi iskugu jiro Xildhibaano iyo Madax dhaqameed kuwaas oo hada ku sugan Garoonka diyaaradaha Ugaas Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Ugaaska ayaa lagu wadaa in halkaasi uu kulamo kula qaato Waxgaradka Degmada Buulo Burde, kuwaas oo kala hadli doono xaaladaha Gobolka ka jiro iyo Sidii Odoyaasha ay door weyn uga qaadan lahaayeen Xalkooda. Intaasi kadib Ugaaska iyo Wafdiga…
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa mar kale diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii is-faham ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland. Wasiirradu waxay isugu yimaadeen shir loogu diyaar-garoobayo kal-fadhiga shan iyo tobnaad ee Shir-madaxeedka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay caasimadda Gambia ee Banjul, intii u dhaxaysay May 2 – 3, iyadoo hal-ku-dhigga shirkaas uu ahaa “Xoojinta Midnimada iyo Wadajirka iyada oo loo marayo wada-xaajood waara. Horumarin. Sida lagu sheegay war-murtiyeedkii ka soo baxay kulanka, wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in laga caawiyo agab iyo farsamo labadaba si loo…
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga Ibraahim Kalin oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Kulankan ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxayna labada taliye iyo madaxweynaha yeesheen wada-hadallo gaar ah. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah ee labada dal, oo ay ku jiraan amniga, sirdoonka, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga Al-Shabaab iyo horumarinta xasilloonida gobolka. Ibrahim Kalin ayaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaluya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta Daahfuray Geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiin Qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira doorashada soo socota ee dalka. https://youtu.be/FmrfnfPzmvA?si=erMRn9cO_CQAPPv5 Xamza ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynuhu ay ku soo doortaan hoggaankooda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan aqbali doonin in markale dib loogu laabto Teendhada Afisyoone oo lagu qabtay doorashooyinkii horay uga dhacay dalka. “Annaga ma qarineyno beenna…
Nin seef ku hubeysnaa ayaa maanta weerar khasaaro geestay ka fuliyay meel ku dhow saldhiga laga raaco tareenada dhulka hoostooda mara ee deegaanka Hainault ee kuyaalla waqooyi bari ee magaaladda London. War kasoo baxay booliiska magaalada London ayaa lagu sheegay in ninka seefta watay uu dhaawacyo kala duwan gaarsiiyay shan qof oo labo kamid ah ahaayeen askar, halka saddexda qof kalana ay shacab ahaayeen. Ciidamada booliiska ayaana ku guuleestay in ay si deg deg ah gacanta ugu dhigaan ninkii weerarka geestay oo 36-sanno jir ahaa, booliiska ayaana weerarkan ku tilmaamay in uusan aheyn mid argagaxiso. Duqa magaalada London Sadiq Khan…
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shir ay qabatay Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya kaas oo Muqdisho ka socda saddex maalin ku tilmaamay in uu yahay mid burburinaya hawsha Qaranka. Shirkaan oo Muqdisho ka furmay todobaadkaan gudihiis gaar ahaan maalinta Axadda ayaa ciwaankiisa ahaa hannaanka Federaaleynta Asluubta Soomaaliyeed, iyada oo u jeedka shirka Wasaaradda ku sheegtay faham qaadashada Farsamada qaab dhismeedka nidaamka hannaanka federaleynta Asluubta Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa heshiis ku saabsan hagaajinta iyo hirgalinta lagama maarmaanka u ah hannaanka federaaleynta Soomaaliyeed. Qabashada shirkaan ayaa waxaa qaadacay Taliyaha Ciidanka…
