Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdillahi Bidhaan Warsame, ayaa kulan la qaatay shirkadaha bixiya adeegga biyaha ee magaalada Muqdisho. Kulanka Wasiirka iyo Shirkadaha ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii ay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran u heli lahaayeen biyo nadiif ah, cafimaad qaba, qiimahoodu danyartu awoodi karaan, la’iskuna haleyn karo. Wasiir Bidhaan ayaa sidoo kale xoojiyey ahmiyadda ay leedahay in shirkaduhu midoobaan, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in Wasaaraddu ka taageeri doonto shirkadaha dhinaca xirfadaha iyo tababbarada si looga miradhaliyo in dadweynaha Soomaaliyeed helaan biyo ku filan oo nadiif ah. Sida lagu yiri qoraal ka soo…
Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa lagu soo warramay in uu markale dareemayo xannuun dhinaca wadnaha ah oo horay qalliin loogu sameeyay lagu guulaystay in lagu rakibo qalabka batariga ku shaqeeya ee macmalka ah. Netanyahu waxa ay dhaqaatiirtiisu kula taliyeen in uu nasasho badan sameeyo isla markaana ka fogaado wax weliba oo kordhin kara cadaadiska wadnihiisa maadaama uusan si dabiici ah u shaqayneen oo uu qalliin galay. Dhaqaatiirta gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Israaiil ee Benjamin Netanyahu ayaa 1dii Abriil sanadkaan 2024 kula taliyay in uu sameeyo nasiino badan si uu jirkiisa u helo soo kabasho…
Xamaas ayaa goor dhow sheegtay inaysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray wadahadallada ka socda Qaahira, iyagoo intaa ku daray inaysan aqbali doonin heshiis aan soo afjarayn dagaalka, sida ay sheegtay Al-jazeera. Sarkaal Falastiini ah ayaa dhankiisa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in wafdiga Xamaas ee yimid Qaahira inay go’aan ku gaareen in heshiis la gaaro, laakiin ma aha inay qaadan doonaan heshiis walba, isagoo sii hadlaya wuxuu yiri ; “Heshiiska waa inuu soo afjaraa dagaalka oo ciidamada Israa’iil laga saaro Qasa, Israa’iilna weli ma aysan go’aansan in ay diyaar u tahay inay sidaas sameyso,” Sida ay wakaaladdu…
Maalintii sedexaad ayaa waxaa magaalada Nairobi ka socoda shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya Joint Commission for Cooperation (JCC) inta u dhexeysa 3-da illaa 6-da May, 2024-ka. Shirkaan heerka farsamo waxaa wafdiga Soomaaliya ku hogaaminaya Mohamed Fatiir Agaasimaha Afrika Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa sidoo kale goobjoog ka ah Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Shirka ayaa noqon doona labo kalfadhi Kulamada qeybta gudiga wadajirka ah ee farsamo ee 3-da ilaa 5-ta May iyo kan Wasiirada Isniinta 6-da May kaas oo uu guddoomin doono Wasiirka arrimaha Dibada…
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan Taliyayaasha qeybta Booliska gobolka iyo Saldhigga Beledweyne ayaa kormeeray shaqada laga haayo goobta loo asteeyay in lagu duubo Ugaaska Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa warbixin ka dhageestay guddiga howshaasi shaqo wado waxuuna faray saraakiisha amniga in aay sugaan amniga madasha Ugaaska lagu wado in lagu duubo.
Buuloburte: Beesha Gaaljecel Ayaa Labo Halaad Oo Geel Ah Geysay Gogosha Martiqaadka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. https://youtu.be/LvtvKPIoyog?si=m_wdj0LtU2OOGXFG
https://youtu.be/mnLDfGaz0VM?si=kdc1HMNfWPYGJpAL Duqa Magaalada Beledweyne oo booqday deegaanka faraax caafi ee Waqooyi Bari Beledweyne ayaa soo arkay hagardaamada iyo dulmiga haayadahu ku hayaan dadka soomaaliyeed waxuuna sheegay inaan loo dulqaadan doonin waxaa aay ku dhaqmayaan hayadahu https://youtu.be/7ZZMH6nNKQk?si=2mnyA80d-Lr5nBAn
Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay kiiska dacwadda loo heysto Sayid cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu Muqdisho ku gubay xaaskiisii. Eedeysanahaan ayaa horay waxaa dil toogasho ah ugu xukuntay Maxkamadda gobolka Banaadir oo sheegtay in lagu helay dilka uu u geystay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Sheekh Cabdicasiis. Fadhiga maanta waxaa Maxkamadda la hor keenay marqaatiyaal cusub oo ay ka mid yihiin shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee guriga tagay markii ay arkeen dabka iyo dhaqaatiirtii ugu horeysay ee loo geeyay Luul Sheekh Cabdicasiis ayadoo dhaawac ah, kuwaas oo sharaxay waxyaabahii ay arkeen. Maqaatiyaasha cusub ee…
Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka wada hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dib u habaynta lagu sameeyay dastuurka dalka. Madaxweynaha Puntland iyo safiirka UK ayaa yeeshay wada hadal ku saabsanaa muhiimadda ay leedahay in laga wada xaajoodo dib u habeynta dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. “Iyagoo xoogga saaraya muhiimadda wadahadalka, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah sida dib u habeynta dastuurka,” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyay bogga X ee safaaradda UK ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Dowladda UK…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay kulan looga hadlayey horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa furitaanka kulanka ka sheegay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay oo xasilloon, xilli daba-yaqaada sanadkii tegay laga cafiyay Soomaaliya dhamaan deymihii lagu lahaa. Kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo ay goobjoog ka yihiin wasaaradaha wax-soosaarka dalka ayaa inta uu socdo waxa ay khubaro caalami ah oo ku xeel-dheer dhaqaalaha oo uu kamid yahay Proff Stefan Dercon, oo ah khabiir dhaqaale iyo bare wax ka dhiga Jaamacadda OXFORD ee dalka Ingiriiska kusoo bandhigayaa jihada…
