Author: radiohalgan.com

Kooxda Dawlada Hoose ee Burco ayaa garaacday Kooxda Asluubta ee Hargiesa kulan dhacay garoonka Cabdala Staduim ee magaalada Bar-bera. Kulanka ayaa ahaa final-ka ama kulanka kama dambaysta ah ee Somaliland Champions League oo ay isugu yimaadaan kooxaha gobolda Somaliland ka ciyaara. Kooxda Dawlada hoose ee Burco ayaa ku dur-durisay kooxda Asluubta ee Hargiesa kulan dhinac kaliya ahaa guud ahaan ciyaarta. Kooxda Dawlada Hoose ee Burco ayaa dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Cabdifataax Nani kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa. Ka hor dhamaadkii qaybta hore ayuu xiddiga Cabdilaahi Jiiro hogaanka u dheereeyay kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0. Qaybtii…

Read More

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh. Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan. Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga. Manchester United iyo Paris St-Germain ayaa u muuqda kuwa ugu cadcad saxiixa weeraryahanka Napoli iyo Nigeria Victor Osimhen, oo 25 jir ah xagaaga (Independent). Liverpool ayaa laga yaabaa inay Bayer Leverkusen lacag rikoodh ah si ay u hesho saxiixa tababare Xabi si ay ugu badasho Klopp (Mirror).…

Read More

Arsenal ayaa dar-dar galisay qaab ciyaareedkooda kulamadii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkan. Gunners waa mid ka mid ah kooxaha ugu guulaha badan Premier League, inkastoo aysan ku guuleysan wax horyaal ah tan iyo 2004. Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa ku faanaysa qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda horyaalka. Magacaabista Mikel Arteta iyo kalsoonida ay u dhiibeen madaxda kooxda ayaa keentay in kooxda ka dhisan waqooyiga London ay dib ugu soo laabato heerka sare ee horyaalka England oo ay mar kale u tartanto koobab. Ciyaartoyda sida Gabriel Martinelli, Gabriel Jesus iyo wiilka dahabiga ah ee England Bukayo Saka ayaa…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta u magacaabay Kamaaludiin Daahir Xasan Guutaale inuu noqdo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Mudane Xamza ayaa sidoo kale wuxuu u magacaabay Cabdirisaaq Cali Ibraahim inuu noqdo Ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha. Mahad Maxamed Cumar ayuu sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Magacaabistan ayaa imaneysa maalmo kadib markii uu xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Abuukar Zubeyr uu banneeyay jagadaasi oo uu iska casilay, isaga oo…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal-yahaano aad u badan kooxda Al-Shabaab looga dilay howl-gal qorsheysan oo afartii maalmood ee u dambeeyay ka socday gobolka Jubbada Hoose. Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa shaaciyay in howl-galkaan oo ay iska kaashanayaan xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland lagu khaarajiyay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigay 20 kale oo dhagar-qabeyaal ah, kuwaasi oo dhibaato ku hayay dadka deegaannadaas ku dhaqan, sida uu sheegay Wasiir Al-Cadaala. “Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Jubbaland waxa ay maalintii afaraad oo xiriir ah hawdka ku baacsanayaan Al-Shabaab, 50…

Read More

Kulan looga soo horjeedo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalka uu ka bilaabay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo kulankaan isugu yimid ayaa ku goodiyey in Farmaajo aysan ka ogolaa karin in mar dambe uu siyaasad ku dulmiyo dadkooda. Odayaasha ayaa ugu horeyn farriin u diray Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed oo saaxiib la ah Farmaajo, waxayna si cad ugu sheegeen inay Farmaajo u yaqaanaan dambiile. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa soo abaabulay kulanka ay maanta odayaasha Hawiye uga mudaharaadeen dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Farmaajo uu dib uga bilaabay Muqdisho.…

Read More

Waxaa isa soo taraya digniinaha laga bixinayo cawaaqibka uu deegaanka ku yeelan karo markabkii Ingiriiska laga lahaa ee habeenkii Jimcaha ku quusay Badda Cas, kadib weerarkii Xuuthiyiinta Yemen. Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa xoojiyay digniinta Dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay, oo Sabtidii ka digtay masiibo deegaan amaba waxyeelo xagga deegaanka ah. Markabka Rubymar ayaa la sheegay inuu siday shixnad gaareysa 41,000 oo tan oo isugu jirta bacrimin iyo saliid, taasoo la sheegayo in dhibaato weyn ku yeelan karto deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in markabka uu sahayda saliidda ee saaran ku sii deynayo koonfurta Badda Cas, isla-markaana ay…

Read More

Saciid Cabdullaahi Deni hoggaamiyaha dib loo doortay ee maamulka Puntland oo dhinaca kalena aan qarsan damaciisa mustaqbalka ee Villa Soomaaliya ayaa dhawaan qaabili doona madaxweynayaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed. Labada nin ee Farmaajo iyo Shariif ayaa garba siyaasadeed u raadinaya inay ka hortagaan qorshooyinka madaxweyne Xasan Sheekh, gaar ahaan arrimaha dastuurka. Saciid DENI waxay u arkaan mid kamid ah isbaarooyinka lagu hor jari karo Xasan Sheekh. Inkasta oo uusan madaxweyne Xasan Sheekh waxba lumin hal sano iyo lix bilood oo ay Saciid Deni is-khilaafsan yihiin, haddana qorshaha Farmaajo iyo Sheekh Shariif ee ah in…

Read More

Kadib markii shalay Soomaaliya ay xaqiijisay inay si buuxda ugu biirtay daladda dhaqaalaha ee bulshada bariga Afrika, waxaa soo bilowday fursadaha ay heleyso Soomaaliya. Dalalka ku bahoobay bulshada Bariga Afrika waxay dirsadeen baarlamaan ku metela daladda, waxaana Soomaaliya hadda laga doonayaa inay xubnaheeda ku biiriso baarlamaankaas. Sagaal (9) xildhibaan ayey daladda dhaqaalaha ee bulshada Bariga Afrika u ogoshahay Soomaaliya inay ku metelaan baarlamaanka daladda, sidoo kale hal wasiir ayaa Soomaaliya ku meteli doona shirarka daladda. Muddo xileedka xildhibaanada Soomaaliya ku meteli doona daladaas waa shan sano, waxaana hadda Soomaaliya laga doonayaa inay gudbiso liiska xildhibaanadaas. Soomaaliya, awood-qeybsigu waa xasaasi, wax…

Read More

Waxaa labo bil jirsaday xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee sal-ku-heysa is-afgaradka la xiriira in Addis Ababa ay marin baddeed oo toos ah iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho Somaliland, iyada oo madaxweynaha Somaliland uu sheegay inay Itoobiya noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi caalami ah siiya. Is-afgaradka oo la shaaciyay maalinkii ugu horreeyay ee sanadkan ayay Hargeysa ku hanweyn tahay in la dhaqangeliyo kadibna marka ay soo dhammaadaan wada-xaajoodyada u socda labada dhinac. Laakiin Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay is-afgaradku in uu yahay ‘duulaan qaawan’ oo lagu soo qaaday xornimada iyo wadajirkeedka dhuleyd ayaa diiday inay wada…

Read More