Author: radiohalgan.com

Kulanka waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Ugu horreyn waxaa la dhaariyay xubnaha cusub ee ka mid noqonayo Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle, xubnaha la dhaariyay waxa ay kala yihiin:- https://youtu.be/oZKbsYOJN30?si=phxynel8MdEy90o3 1. Saciid Hagar Camalloow (Wasiirka Wasaarrada Waxbarrashada iyo Tacliinta sare). 2. ⁠Cabdifataax Xasan Faarax (Wasiirka Wasaarrada Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada). 3. ⁠Sakariye Khaalid Cabdi (Wasiirka Wasaarrada Ganacsiga iyo Warshaddaha). Wasaarradaha Amniga, Arrimaha Guddaha iyo Xannaanada iyo Xoollaha ayaa laga dhageystay warbixino ku aadan xaaladdihii amni ee ugu dambeyay Dowladda Hirshabeelle, Shirweynihii dhawaan ka dhacay magaalada Jowhar iyo sida ay u socoto shaqadda Wasaarrada…

Read More

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo maanta soo saaray wareegto ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan oo ahaa ninkii ugu muddada dheer xilka deegaanada HirShabelle, kaas oo waqti fog hayay xilkan. Axmed Meyre Makaraan ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe hayay tan iyo sanadkii 2016 oo xilligaas uu Cali Guudlaawe ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle. Wareegta haatan kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista guddoomiyaha, ayada oo mas’uul cusub loo magacaabay gobolka Shabeelaha Dhexe. “Waxaa Mudane Axmed Meyre Makaraan laga qaaday xilka “guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ahna duqa…

Read More

Dad badan oo Soomaali ah ayaa caafimaad ahaan u aada dalka Hindiya, halkaas oo ay u doontaan adeegyo caafimaad oo an laga helin dalka Soomaaliya. Inkasta oo an si rasmi ah loo hayn tiro sugan oo dadka Soomaalida ee caafimaadka u aada dalka Hindiya haddana waxaa la rumaysan yahay inay sanadkasta Soomaali ka badan kumanaan qof ayu caafimaad doontaan dalkaasi sida ay xogaha qaar sheegayaan. Dowlada Soomaaliya ayaa sheeegtay inay ku foogan tahay in dadka Soomaalida loo fududeeyo inay si sahlan ku helaan dal ku galka Hindiya ka dib Muqdisho ku dhexmaray masuuliyin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo saraakiil ka…

Read More

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ansixiyay miisaaniyadda sanadka socda ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida. Ansixinta miisaaniyadda ayaa dib uga dhacday xilliga caadiga ah oo ay ahayd dhammaadka bishii Diseembar, iyada oo sidoo kale sanadkan hoos ugu dhacday shan boqolkiiba, iyada oo ay gaareyso miisaaniyadda sanadkan 3,432,316,337,448 SLsh. Lacagtaas ayaa isugu jirta deeqo laga helayo dibeda oo ay bixinayaan hay’addo caalami ah, iyo dakhliga gudaha ee ay ururiso Somaliland. Miisaaniyadan ayaa ah dhaqaalaha ay ku howlgelidoonaan hay’adda dowladda, sida xafiisyada madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo guddoomiyeyaasha baarlamaanka, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee qaran. Halka ayay ka imaanaysaa lacagta ugu badan ee miisaaniyadda Lacagta miisaaniyadda…

Read More

Xuutiyiinta Yemen ayaa la rumaysan yahay inay jareen saddex xarig ah kuwa xambaara internetka iyo isgaarsiinta caalamiga kuwaas oo hoos mara badda cas ka dib weeraro ay ku qaadeen maraakiib maraysan marin biyoodkaas Marin biyoodka badda cas ayaa wajahaya mid ka mida xiisadihii ammaan darro ee ugu weynaa tan markii ay falaagada Xuutiyiintu bilaabeen inay bartilmaameedsadaan maraakiibta ganacsi ee maraysa badda cas. Ilaa hadda ma cada si rasmi cida goysay xariga balse waxa xoogan in Xuutiyiinta loo badinayo inay jareen xargahaas. Iyadoo maraakiibta caalamiga ah ay mar hore hakad gelisay badda cas, oo ah marin muhiim ah oo shixnadaha xamuulka…

Read More

Maanta oo kale sanad ka hor Liverpool ayaa Man United ku soo dhawaysay Anfield waxayna noqotay dhacdo taariikhi ah. Reds ayaa 7-0 ku xasuuqday kooxda Man United iyadoo Cody Gakpo, Dawin Nunez iyo Mo Salah ay min laba gool dhaliyeen. Roberto Firmino uu oo Reds ku qaadanayay sanadkii ugu dambeeyay ayaa soo afjaray goolashii ay kooxdiisu ku xasuuqday Man United. Tani waxay ahayd guuldaradii ugu xumayd ee Man United soo gaadha taariikhda, waxayna barbaraysay saddex guuldaro oo 7-0 ah oo dhacay 1920-meeyadii iyo 1930-kii. Waxa kale oo ay ahayd guushii ugu waynayd ee ay Liverpool ka gaadho kooxda ay xifaaltamaan…

Read More

Kooxda Arsenal ayaa ka wal-walsan xaalada Bukayo Saka & Gabriel Martinelli kadib markii ay xasuuqeen kooxda Sheffield United. Arsenal ayaa 6-0 ku garaacday Bramall Lane habeenkii isniintii. Inkasta oo ay natiijo fiican heleen hadana kooxda ayaa ka walaasan xaalada labada xiddig ee garabka uga ciyaara ee Bukayo Saka & Gabriel Martinelli. Labada xiddig ayaa dhaawac uga baxay kulanka kadib markii ay qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigeen kulanka. Mikel Arteta ayaa cadeeyay arimaha ciyaarta kadib, waxay umuuqataa war wanaagsan labada ciyaaryahan. “Saka waxa uu dareemayay xoogaa jirro. Sidoo kale waxaan heysanaa Fabio Vieira oo aan u baahanahay in aan daqiiqado…

Read More

Erling Haaland ayaa amaanay saameynta Rasmus Hojlund ee Manchester United ka dib bilow adag oo nolosha Old Trafford. “Sidii uu ku bilowday noloshiisa premier League ay adkayd laakiin wuu soo fiicnaanayaa, markii aan ka hor tagnay wuu fiicnaa”ayuu Haaland yidhi markii la waydiiyay fikirkiisa ku aadan xiddiga man United. “Waa xiddig da’yar ah sidayda oo kale, anigu haatan ma ihi wiil yar laakiin isagu waa xiddig da’yar ah, waa in uu sii wado horumarka uu ka samaynayo Man United”. Xiddiga Hojlund ayaa ku dhibaatooday kooxda Man United 14-kii kulan ee ugu horeeyay Man United premier League xilli ciyaareedkan. Labada xiddig…

Read More

Chelsea ayaa u aqoonsatay Tababaraha Brighton ee Roberto De Zerbi iyo tababaraha Sporting CP Ruben Amorim inay yihiin badalka tababare Mauricio Pochettino hadii laga caydhiyo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan. Blues ayaa hadda fadhisa kaalinta 11-aad ee kala sarraynta horyaalka Premier League, waxaana dhawaan lagu bahdilay finalka Carabao Cup, kaddib markii ay guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Liverpool. The Guardian ayaa ku warameysa in iyadoo Chelsea ay dooneyso inay sugaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka si ay dib ugu eegaan booska Pochettino, kooxda ayaa raadineysa kuwa bedeli kara, iyadoo De Zerbi iyo Amorim ay ugu cad-cadyihiin in ay noqdaan badalka tababaraha…

Read More

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa falanqeeyay sababta kooxdiisii ​​hore ugu guulaysan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyo faa’iidada ay kooxdiisu dheertahay kooxaha kula tartamaya horyaalka ee Man City iyo Arsenal. Ka dib 27 kulan oo la ciyaaray xilli ciyaareedka 2023/24, waxaa u dhexeeya kaliya 2 dhibcood 3-da kooxood ee ugu horeeya horyaalka premier League. Kooxaha Liverpool, Man City iyo Arsenal ayaa dhamaantood badiyay kulamadoodii iyaga oo sii wada baacsiga ay ugu jiraan horyaalka. Carragher Ayaa aaminsan in saamaynta xiddigaha kaydka ka soo kaca ay Liverpool ka caawin karaan ku guulaysiga horyaalka premier League. “Arsenal waa daafaca ugu…

Read More