Author: radiohalgan.com

Muxyadin Maxamed oo loo garan og yahay Muxyadin Show kana mid ah Wariyayaasha sida madaxa banaan uga howlgala Dowlad degaanka Soomaalida ayay Maxkamadda Gobolka Faafan ee Jigjiga ku xukuntay 2 sano oo xarig, kaddib markii lagu eedeeyay gudbinta hadallo naceyb oo bulshada iska horkeenaya iyo been abuur. Haddaba Ururka Saxafiyiinta ee Dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadlay xukunka ku dhacay Wariye Muxyadin Show ayaa sheegay in xukunkaasi uusan ahayn mid sax ah oo cadaaladda waafaqsan, iyagoo sheegay in xukunkaasi aysan ku qanacsanayn oo hadda ay dib u eegis ama Racfaan ay ka qaateen xukunkaas, sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha…

Read More

Ugu yaraan 107 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa laga soo daayay magaalo ku taal koonfurta bari ee Liibiya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Liibiya. Walid Alorafi, oo ah afhayeenka waaxda dambi barista ee (CID) ee Benghazi, ayaa sheegay in muhaajiriinta, lagu hayay ilaa todobo bilood ay doonayeen inay aadaan Yurub. Muhaajiriinta ayaa ka kala yimid dalal kala duwan oo ka hooseeya saxaraha Afrika, balse inta badan waxay ka yimaadeen Soomaaliya sida uu sheegay Alorafi. “Waxaan xalay weerar ku qaadnay goob ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla bartamaha magaalada Kufra, waxaanan helnay…

Read More

Hay’adda Maareynta iyo Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa soo saartay digniino hor leh ku aadan in maalmaha soo socda qaar ka mid ah gobolada dalka ka da’i doonaan roobab ay ka dhalan karaan daadad iyo fatahaado. War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda SODMA ayaa lagu sheegay in tobanka cisho ee soo socota roobabka filayo iney da’aan gobolada kala Hiiraan, Gedo, Jubbooyinka iyo Shabeelaha Dhaxe iney saameyn xoogan oo dhanka nolosha ah ku yeelan karaan dadka iyo duunyada kunool goboladaasi. “Tobanka casho ee soo socota ee 07-da illaa 16-ka bisha May 2024-ka waxaa aad u sareeya suurta-galnimada in ay…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay ku jiraan dhowaad 30 dal oo Afrikaan ah ay taageerayaan musharraxa Soomaaliya u taagan xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee 2025-2028. Wasiirka arrimaha dibbada ayaa sheegay in guul weyn ay u tahay Soomaaliya, maadaama ururka OIC ay xubno ka yihiin ku dhawaad 30 dal oo Afrikaan ah. “Soomaaliya waxay aad uga mahad celineysaa taageerada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ay ku jiraan ku dhawaad 30 xubnood oo ka socda Afrika, sida ay u garteen oo ay u taageereen magacaabista Soomaaliya ee Fowsiya…

Read More

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galinkii dambe ee Shalay ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is afgarad oo ku saabsan dhinacyada, arrimaha Dibada, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada. Heshiiskaan oo ahaa is afgarad dhexmaray laba dowladood ayaa waxaa u kala saxiixay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya Axmed Macallin Fiqi iyo Musalia Mudavadi, waxaana heshiisyadaan ay yihiin kuwa kor loogu qaadayo xiriirka iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Heshiiska dhanka Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi baarista ayaa sidoo kale Soomaaliya iyo Kenya waxaa sidoo kale u…

Read More

Warbixin baariseed cusub oo ay sameysay hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay labo weerar oo xagga cirka ah oo lagu dilay 23 qof oo rayida, intii uu socday hawgal miltari oo ay taageerayeen diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Turkida, ay tahay in loo baaro dambi dagaal ahaan. Dadka rayidka ah ayaa lagu dilay weerar xagga cirka ah 18-kii Maarso 2024, waxana ku jiray 14 caruurra, shan haween ah iyo afar nin. 17 kale oo rayida ayaa lagu dhaawacay duqeynta: 11 caruurra, labo haween ah iyo afar nin. Dhammaan dadkaas ayaa ku abtirsada mid kamid ah beellaha degan…

Read More

Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegtay inuu dhintay shimbir Galaydh ah oo dhawaan uu dhaawac jabniin ah garabka ka soo gaaray kadib markii uu ku dhacay xargaha korontada ama layrka. Shimbirka ayaa ku dhintay magaalada Lowya Caddo oo ka tirsan gobolka Awdal ee Somaliland iyadoo loo sii waday dalka Jabuuti halkaas oo la doonayey in lagu soo dabiibo. Shimbirka ayaa la sheegay innuu ka mid yahay noocyada ka sii dabar go’aya deeganada Somaliland, iyadoo sababta loogu dadaalayay ay xukuumaddu ku sheegtay in lagu yareeyo dabar go’a shirka Gallaydhka. Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimilada ee Somaliland Shukri…

Read More

Ruushka ayaa bilaabay isu diyaarinta dhoolatuska gantaallada ee meel u dhow Ukraine. Dhoolatuskaas ayaa lagu sameynayaa sida iyadoo hub nukliyeer ah la adeegsanayo. Tallaabadan ayaa lagu sheegay in looga jawaabayo “hanjabaadaha” saraakiisha reer galbeedka. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in hadaladii u dambeeyay ee madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain David Cameron ay ka dhigan yihiin “gebi ahaanba isbadel cusub oo xiisad colaadeed muujinaya”. Todobaadki hore, Mr Macron waxa uu diiday in uu meesha ka saaro suurtagalnimada in Ukraine la geeyo ciidamo Faransiis ah, haddii Kyiv ay codsato, halka David Cameron uu sheegay in Ukraine…

Read More

Shir laba geesoodka ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkan oo daba socda heshiisyo xasaasi ah oo labada dhinac ay shalay ku saxiixeen Kenya ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda sare ee labada dal. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shirka laba-geesoodka ah ayaa xoogga ku saaray xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexeysa labada dal, iskaashiga gobolka ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka iyo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato isku xirnaanta Bariga Afrika. Kulanka oo ay ka qeyb-galeen xubno ka socday…

Read More

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle mudane Abdirahman Dahir Guure Karoore ayaa xilkii ka qaaday ; Maxamud Axmad lidow Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Jalalaqsi. Islamarkaana waxa uu u magacaabay: Xuseen Cumar Axmad Bashir Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Jalalaqsi. DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE HIRSHABELLE

Read More