Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Weligaa cunto ma cuntay, xitaa adiga oo dheregsan, adiga oo iska cun ay kaa tahay? Haddii ay sidaa tahay, waxaa laga yaabaa inaad qabto xaaladda ay khubarradu ugu yeereen “wax u cunidda adiga oo qanaaco raadinaya.” Saynisyahannada ayaa sharraxaya in dabeecaddan wax cunid aysan baahi keenin, balse ay keento dareenka ah inaad wax u cunto adiga oo raaxo ka raadinaya. Dabeecaddan wax cunid waxay ka timid erayga Giriigga ee “hedone,” oo loola jeedo “raaxo”. Inkasta oo heer qanaaco ay ku lug leedahay wax cunidda. Dabeecadaha wax cunidda ayaa aalaaba lala xiriiriyaa bulshooyinka ku nool halka cunnada sida fudud looga helo.…
Wiil dhalinyaro ah oo 14 jir ah ayay biriq ku dishey beer ku taal duleedka magaalada Jowhar gelinkii dambe ee shalay. Wiilkan oo la oran jirey Maxamed Cabdinaasir ayaa ku sugnaa beer xilligii roobka uu da’ayay,waxaana uu Radio Jowhar u sheegay aabaha dhalay wiilkaas in la helay meydkiisa isagoo dharkiisa uu gubtay. Roob xoog leh oo xalay ka da’ay magaalada Jowhar ayaa sababay in qoysas badan ay biyo guryahooda soo galaan. Waxaana roobka uu saameyn weyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyadoo gaadiidka adeegsanayay wadooyinka aan laamiga ahayn ay saaka shaqeyneyn.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Nairobi kulan gaar ah kula qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ku sugan waxaana uu kala hadlay arrimo dhowr ah. Xamsa Cabdi Barre ayaa Ganacsatada ku dhiirrageliyay in ay kordhiyaan waxsoosaarta oo kaalin wayn ka qaadanaya sare u qaadista kobaca dhaqaalaha isla markaana ay diiradda saaraan maalgashiga Dalkooda Hooyo. Barre ayaa farta ku fiiqay sida loogu baahan yahay maalgashiga & barnaamij shaqo abuur u noqonaya Dhallinyarada Soomaaliyeed oo intooda badan u baahan helista fursado ay ku shaqaynsan karaan waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu dul istaagay fursadda…
Hantidhowraha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale ayaa heshiis soconaya 5 sano la galay haweeneyda Hantidhowrka ka ah Dalka Sweden, heshiiskaas ayaa ku qotoma Wada-shaqaynta labada Xafiis, taageero is dhaafsiga & waaya-aragnimada. Sidoo kale xafiiska Hantidhowrka qaranka ayaa intaas ku daray in xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayaynta baarista waxqabadka (Performance Audit) oo kamid ah baarista uu dhigayo sharciga Hantidhowrka ay Sweden ka gacansiin doonto. Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa arrintaan u cuksaday sharciga waxaana uu intaas ku daray in ujeedka ugu wayn uu yahay sare u qaadista khibradda xafiiskaan iyo xoojinta waaxda baarista waxqabadka sida…
Waxaa lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo in ka badan 200 oo ruux oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan kuwaas oo u qafaalnaa Kooxaha lacagaha badan ka sameeyay madax-furashada tahriibayaasha ee loo yaqaan Magafayaasha Liibiya ku sugan. Dadkaan ayaa u badan dhallinyaro kuwaas oo ku doodaya in sababta ay u marayaan halistaas wayn ay tahay in ay raadinayaan nolol uga wanaagsan tan dalalkooda ayaa lagu xirtay Dalka Liibiya si ehelkooda madax-furasho looga qaato. Mas’uuliyiin katirsan Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ayaa sheegay in xabsiyada Dalkaas laga sii daayay dad badan oo oo Soomaali & Itoobiya isugu jiray kuwaas oo haatan la qorshaynayo…
Israaiil ayaa baxsad u ah weerar ay ku qaaddo Magaalada Rafax kaddib markii Xukuumadda Netanyahu ay go’aan culus ku gaartay fulinta howlgal ay ku sheegtay in uu yahay mid cir iyo dhul ah oo ciidamada Yuhuuddu isu diyaariyeen. In Muddo ah ayay Israaiil waxa ay u baxsad u ahayd in ay weerar ku qaado Magaalada Rafax oo duqaymo meelo fog-fog ah ay ka fulisay taasi oo dhalisay khasaara dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray qaar kamid ah guryaha Dadka rayidka ah. Intaas waxaa Israaiil u dheer cabsi gelin ay isku dayday in ku samayso Dadka kasoo barakacay deegaannadii ay Yuhuudda…
Garsooraha u dhashay Dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo Daniele Orsato ee xalay dhexdhexaadinayay kulankii Kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ay ku hartay kuna soo baxday Naadiga reer Jarmal ee Borussia Dortmund (BVB) waxa uu u ahaa kulankiisii ugu dambeeyay ee garsooridda waayihiisa Horyaalka Qaaradda Yurub ee Uefa Champions Leuge. Orsato oo haatan jira 48 sano waxa uu raacayaa dhabbihii ay mareen garsooreyaal isaga baxay am aka fadhiistay kubadda cagta oo xitaa ay kamid yihiin kuwo ay dhalashada Dalka Talyaaniga ay wadaagaan kuwaas oo xiligaan xilal kala duwan ka haya Hay’adda Cayaaraha ee Uefa halka qaar kale ay falanqeeyeyaal isu baddeleen. Keliya…
Xafiiskii ugu horeeyay ee ay leeyihiin qareeno oo maanta laga daahfuray magaalada Jowhar https://youtu.be/x_tSKx0GKOM?si=gJZUagLpJhHnzDY2
Lataliyaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Hir-shaballe Dr Maxamed Daad ayaa yiri Ma saxbaa xilka-qaadista afarta (4)wasiir ee dowlada Hirshabeele? Tastuurka Dowlad goboleedyadda wuxuu qorayaa in xilalka waaweyn sidda wasiiradda iyo Taliyesha Ciidamadda uu sameyn karo isku shaandheyn iyo xil-qaadis uu sameyn karo Madaxweynaha Maamul goboleed kaliya. Madaxweyne x/Xigeenka dowlada Hirshabeele maanta wuxuu soo qoray Inuu xilkii kaqaaday Afar wasiir balse xikqaadistaas Ma ahan mid waafaqsan sharciga dowladnimadda, waana warqad baalmarsan Tastuurka Dowlad Hir-shaballe Sidda aan lasoco ama aan warqadan dusheeda sare kusoo qoray xilka wasiirada iyo taliyeyaasha Ciidamadda Maamulada dalka waxaa xil kaqaadi karo ama Magacaabi karo Madaxwene Cali…
Sida aad la socotaan mar kasta oo Roob yar ka da’o Beledweyne diyaaradaha waa istaagaan. Dowladda Federaalka iyo Maamulka midna kuma guuleysan in xal loo helo.xaaladda Ayraboorka. Waxan go’aansanay in aan DHABAHA DIYAARADDA (run way) aan dhisno si baahida shacabka loo daboolo. Qof kasta oo reer Hiiraan ah iyo shacabka Soomaaliyeed intaba waxa laga codsanayaa in aad ka qeyb qaadataan. Waxan mar dhaw soo bandhigi doonaa qarashka lagama maarmaanka ah insha Allaah. Qof kasto oo fikir wax nagu kordhin kara haya waan soo dhaweynayaa. ==== Dad Dalka U Siman ====
