Author: radiohalgan.com

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta qaran ee gurmadka degdega ah ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka SoDMA. Waxaa Wasiir Cali Xoosh soo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka SoDMA oo warbixin ka siiyay digniinta dhowaan Hay’addu kasoo saartay daadadka roobka guga iyo fatahaadda webiyada Dalka mara ee lasii saadaalinayo. Wasiir Cali ayaa ku dheeraaday howlaha muhiimka ah ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA ay u hayso Bulshada si looga hortago halis weliba oo Dalka ku wajahan isla markaana loo yareeyo waxyeellada ka dhalan karta. Waa booqashadii ugu horreysay uu…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee maanta kaga qeyb galay Xarunta Midoowga Yurub ee magaalada Muqdisho xuska Maalinta Midoowga Yurub oo ku beegan berri. 9-May sannad walba dunida waxaa looga dabaal-degaa maalinta Midoowga Yurub taas oo ka tarjumeyso Nabad iyo Midnimo. Ka hor kulanka Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-doceed la yeeshay Safiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Karin Johansson waxana uu la wadaagay farriintan: “Waxaan halkan u imid inaan farxada maalintooda kala qeyb galo shacabka iyo Dowladdaha ku mideysan Midoowga Yurub oo maalintan u tahay maalin weyn.”…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda gobolka Xasan Carabeey Isku-duwaha Wasaaradda Tamart Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda gobolka Xasan Carabeey Isku-duwaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Hirshabelle Mudane Cawil Maxamed Jabriil iyo xubno kale oo maamulka kamid ah ayaa kormeeray qoysaskii ka barakacay fatahaad horu-dhac ah oo Wabiga Shabeelle uu kasameeyay qeybo kamid ah magaalada Beledweyne, dadkaasi oo deegaansaday qeybo kamid ah daafaha Beledweyne. Guddoomiyaha gobolka ayaa qoysaskii u ballanqaaday in aay heli doonaan gurmad kala duwan.

Read More

Haweeyney Ingiriis ah ayaa qiratay dambi ah in ay qayb ka ahayd koox caalami ah oo ku lug leh jirdil iyo xadgudubyo kale oo lagula kacay Daanyeerro yicis ah. Holly LeGresley oo ah 37 jir ka timid degmada Kidderminster ayaa qayb ka ah koox gaara oo internet-ka isticmaasha, kuwaas oo lacag ku siiya shakhsiyaad ku sugan dalka Indonesia dilka iyo xadgudubyada loo geysto Daanyeerrada yaryar. Eedeymahan ayaa imaanaya kaddib baaris ay muddo sanad ah sameynayeen koox ka tirsan BBC-da. Digniin-sheekadan waxa ku jira dhacdooyin murugo leh. Qoraalka sawirka,Holly LeGresley oo ka sii baxaysa maxkamadda Salaasadii LeGresley ayaa maxkamadda horteeda ka…

Read More

Aabe Soomaaliyeed oo gabadhiisa magafe ku haysta Libya ayaa BBC-da la wadaagay sida gabadhiisa loogu khiyaamay tahriibka. “Gabadheyda dad magafayaal ah oo Nairobi joogo ayaa tashkiiliyay waxaana lagu yiri cidna hala wadaagin waxaa lagu geynayaa Spain. Waxay u sheegeen in baasaboorka Soomaaliga uu hirgalay oo shaqeynayo sidaa darteed waxaa lagu marinayaa Morooko ka dibna Spain.” Aabahaan ayaa sidoo kale sheegay in gabadhiisa ay mukhalasiinta ku yirahdeen afar kun oo doolar baa laguu geynayaa Spain markaas ka dib uun waalidkaa lacaga rabaa inta ka horreysana anaga ku kharash gareyneyna. Hase yeeshee nasiib darro qorshihii ma uusan noqon sidii ay mukhalasiinta ku…

Read More

Dalka Jarmalka waxa uu kamid yahay dalalka Yurub ee ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan isla markaana magan gelyo doonka ah. Soomaali badan ayaa dalkaasi iska dhiibtay sanadihii ugu dambeeyay, kuwaas oo qaarkood helay qaabilaad lagu siiyay sharciga dalkaas. Sidaas si lamid ah waxaa jira Soomaali kale oo ku jira xeryaha qaxootiga ee loo yaqaanno kaamamka kuwaas oo aan weli helin qaabilaadda sharciga dalka iyo degenaasho toos ah. Iyadoo ay taasi jirto ayaa warbaahinta dalkaasi waxa ay hadal heysaa nin Soomaali ah ku kacay fal uu dhowr mar xabsi ku muteystay ilaa kiiskiisa loo qorsheeyo in guud ahaanba dalka laga…

Read More