Author: radiohalgan.com

Dowladda Hindiya ayaa damacsan in ay Magaalada Muqdisho ka furato Safaarad ka shaqaysa xoojinta iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya oo muddooyinkii dambe kor uga soo qaadmayay halkii uu joogay sanadihii lasoo dhaafay. Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Hindiya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in wafdi ka socda New Delhi oo maalmihii lasoo dhaafay soo gaaray Magaalada Muqdisho ay qiimaynayeen dhinacyada amniga iyo qorshaha dib u furashada safaaraddooda Soomaaliya. Dalalka aanay dib u furan safaaradihii ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho ayaa ka shaqaynaya sidii ay dib ugu furan lahaayeen si loo xoojiyo cilaaqaadka kala dhaxeeya Soomaaliya waxaana ay soo dirsadeen mas’uuliyiin qiimayn ku…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wajahaya cadaadiskii ugu darnaa ee mustaqbalkiisa soo foodsaaray, ka dib markii uu lumiyey qayb muhiim ah oo ka tirsan dadka seeskiis siyaasadeed oo ay ku kala dhinteen mowqifka uu ka istaagey dagaalka Qasa. Madaxweyne Biden aya la soo baxay mayal adeyg iyo miiggaganaan aan looga baran madaxda Mareykanka, ka dib markii uu ku gacan saryaray talooyin iyo codsiyo uga imaaanayey taageereyaasha Xisbiga Dimuqraadiga oo doonayey in uu ka shaqeeyo sidii loo baajin lahaa masiibda bini’aadamnimo ee ka dhacday marinka Qasa. Mr. Biden oo si furcaddi ah ula saftay Israa’iil ayaa diidey in uu dheg jalaq…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xubanaha Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabka oo ka dooday dhacadadii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Duulista, Garoommada, Dekedaha, Tamarta iyo Hawlaha Guud ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdullaahi Geel-qaad xubnaha guddiga uga warbixiyay dhacdadii labadii maalin ee la soo dhaafay ay shacab badan ku xayirnaayeen garoonka saacado badan sababo aan sharciga waafaqsaneen. Xubanaha guddiga ayaa ugu horeyn wax…

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in mar kale xiisad dhinaca maamulka ay kasoo cusboonaatay gobolkaais, taas oo ka dhalatay isbeddal maamul oo uu sameeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Madaxweynaha oo wareegto soo saaray ayaa soo magacaayay guddoomiye ku xigeennada cusub ee gobolka iyo guddoomiyeyaaha degmooyinka Buurdhuubo iyo Belexaawo. Xiisad ka dhalatay isbeddelkan ayaa maanta ka taagan degmada Buurdhuubo, waxaana isku horfadhiyo ciidamo taabacsan maamulkii hore iyo kuwa Jubbaland. Nuur Shig Shigoow oo kamidah xubnaha diiday maamulka lasoo magacaabay ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in labada ciidan ay haatan is horfadhiyaan Xaaladda waa cakiran tahay annaga magaalada joogno,…

Read More

Somaliland ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku ridday afar nin oo ‘gaalo ah’ isla markaana maandooriyaha Khamriga ku sameynayay gudaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo lasoo taagay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex. Raggan ayay Maxkamaddu sheegtay in iyaga oo gaalo ah ay soo xirteen labiska Islaamka, sidoo kalena ay ka dawarsanaayeen magaalada dhexdeeda. Shaki laga qaaday kadib ciidamada Booliska ayaa soo qabtay afarta nin, waxaana kadib lasoo taagay maxkamad, iyada oo lagu helay inay Khamri ku sameeyaan gudaha Hargeysa. “Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa saaka xukun ku riday 4 -nin oo dhawaan Ciidamada Booliska JSL garahaan Saldhiga Dhexe gacanta kusoo…

Read More

Maxkamadda ciidamada qalabka sida, qaybteeda 60-aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday askari horay dil ugu gaystay askari kale. Xukunka ayaa markii dhacay, kadib horay tiirka laga geeyay Cabdiraxiin Cismaan oo ahaa askariga horay dilka u gaystay, kaas oo lagu qisaasay fagaare ku yaalla Baydhaba. Maxkamadda ayaa sheegtay in askariga maanta la toogtay uu horay u dilay Marxuum Ibraahim Aadan Salaad Wiirow oo isna ka tirsanaa Ciidanka daraawiishta Koofur Galbeed, dilkaas oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Fagaaraha lagu toogtay ninkan ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada iyo ehellada labada dhinac, kuwaas oo…

Read More

Macallin dhigayey Jaamacad laga barto caafimaadka oo ku taal dalka Bangladesh ayaa la xiray, maalmo ka dib markii uu xabad ku dhuftay arday imtixaan u fadhiyey. Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Sirajganj ee waqooyiga galbeed ee Bangladesh ayaa aad loola anfariirey markii la ogaadey in booliska ay ku qaadatay labo maalmood in ay xiraan ninka falka geystey. Raihan Sharif ayaa la xiray, dabeedna shaqada laga joojiyey markii ardaydii jaamacaddu ay ku dhaqaaqeen mudaharaad looga soo horjeedo weerarka lagu dhawacay saaxiibkood. Macluumaad dheeri ah lagama hayo sababta ka dambeysey dhacdan iyadoo ardayga dhaawacana uu isbitaal jiifo, macalinkana uu xabsi ku jiri…

Read More

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa shir-gudoomiyay shir looga arinsanayay u diyaar garawga bisha Barakeysan ee Ramadaan. Shirka waxaa ka soo qayb galay Taliye xigeenka Koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S.Guuto Cusmaan C/lahi Maxamed (Kaniif), Saraakiisha Hoggaamada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, fadhiyada Madaxa Banaan, saraakiisha qeybaha ee Boliiska Gobolka Banaadir Taraafiko iyo Taliyaasha saldhigaya Gobolka. Hal ku dhiga shirka ayaa ahaa Nabad ku afurka Bulshada Caasimadda inta lagu guda jiro bisha ramadaan iyo ka hortaga falalka  Al shabaab. Inta uu shirka socday taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu faray saraakiisha ciidamada in laga shaqeeyo sidii bulshada Soomaaliyeed…

Read More

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Magaalada Nairobi kulamo gaar gaar ah kula yeeshaday Masuuliyiinta Dalalka iyo Bangiyada Caalamiga ah ee taageera Dowladda Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi oo uu uga qeyb galayo shirka horumarinta Maaliyadda ee IMF iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta kulamo doceedyo mühim ah oo gaar gaar ah la kala qaatay madaxda Ururada iyo Bangiyada taageerada Dowladda Soomaaliya sida  Wakiilka Midowga Yurub, Wakiilka Bangiga Adduunka iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika. Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaliya Karin Johansson iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Hon. Biixi Imaan Cige ayaa ka wada…

Read More

Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay magaalada Odesa ee koonfurta dalka Ukraine, xilli uu madaxweynaha dalkaasi Volodymyr Zelensky uu kula kulmayay ra’iisul wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis. Ciidamada badda ee Ukraine ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen. lama soo sheegin cid ka tirsan labada wafdi oo wax ku noqday. Mitsotakis ayaa sheegay in labadooduba ay maqleen dhawaqa seeriga iyo qaraxyada. Ruushku waxa uu sheegay in uu bartilmaameedsaday goob lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dhinaca badda ah oo ku taalla meel ganacsi oo ku taal magaaladaas intii uu socday weerarkaas. Madaxweyne Zelensky ayaa ku eedeeyay Ruushka “in…

Read More