Author: radiohalgan.com

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Maxaed Cigaal, kadib markii ay fadeexad ka dhalatay lacag sagaal dollar si sifo sharci darro ah loogu rogay shacabka. Qoraal kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wargeliyay dhammaan xildhibaanad kulankan oo berri dhacaya, isla markaana su’aallo looga wayediin doono dhacdadaasi Wasiir Fardowso Maxamed Cigaal. “U yeerid iyo hor imaasho Golaha guud ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda JFS iyo jawaabidda su’aallo ordaaheedyo sida uu qabo qodobka 69/2 ee dastuurka KMG iyo qodobada Xeer hoosaadka 53/1, 63.” ayaa lagu yiri qoraalka. Arrintaan ayaa saameyn…

Read More

Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil diyaaradeed oo goordhoweyd ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle Wararka ayaa sheegaya in garoonka ay ku dhacday diyaarad nuuca xamuulka qaada, una rarnayd ciidanka ATMIS ee ka howlgalka magaaladaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shilka diyaaradda uu yimid kadib markii ay ka baxday dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadkii saarnaa diyaaradda la badbaadiyay, isla markaana uusan jirin khasaare soo gaaray, marka laga tego burburka diyaaradda. Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in dyaaradda uu dab…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haweenka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Haweenka Adduunka ee 8da Maarso oo ku beegan maanta. Xassan Shiikh ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ee haweenku ay kaga jiraan bulshada, dhaqaalaha dalka iyo samatabixinta qoyska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay doorkooda taariikhiga ah ee halgankii gobonnimo doonka iyo kaalinta maanta ay ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo al shabaab. HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA https://youtu.be/cogJgy1Ek0w?si=P4a47PcZXFCCuI_J

Read More

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa ka qaybgalay Isusoobax Bulsho oo Shacabka Magaalada Laascaanood ay ku taageerayeen Ciidamada Difaaca SSC-khaatumo, adkaynta Amniga Caasimadda, kobcinta Dhakhliga iyo kor u qaadista canshuur-bixinta. Ugu horeyn Hoggaamiyaha ayaa ku ammaanay shacab weynaha SSC-Khaatumo sida ay markasta u garab taagan yihiin Maamulkooda, sidoo kale Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo oo ah geesiyaasha shacabka reer SSC-Khaatumo ay dartood u haystaan Nabadda iyo Amniga. Hoggaamiyaha ayaa shacabka la wadaagay in Maamulka Somaliland iyo Muuse Biixi ay qorsheynayaan colaad iyo weerar ay ku soo qaadaan deegannada SSC-Khaatumo mar kale, isagoona ugu baaqay shacabku inay is garabtaagaan ciidanka Difaaca…

Read More

Ciidamada Israel ayaa rasaas ku furay shacab ku sugnaa magaalada Gaza waxaana ka dhashay khasaare xoogan, iyadoo dadka dhaawacmay uu ku jiro weriye ka tirsan Telefishinka CNN ee dalka Mareykanka. Saxafiga Khader Al Za’anoun ayaa u sheegay CNN Khamiistii in uu indhihiisa ku arkay taangiyada Israa’iil oo rasaas ku furaya dad rayid ah oo isugu soo baxay hareeraha Isbitaalka Kuwaiti ee xaafadda Zaytuun ee magaalada Gaza. Al Za’anoun ayaa sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray wajiga, gacanta midig iyo dhegta midig. Al-Za’anoun, oo si joogto ah ula shaqeeya CNN, ayaa sheegay in koox rayid ah ay isu soo baxeen…

Read More

Urur Goboleedka IGAD ayaa ka hadlay musiibo laga cabsi qabo in ay ka dhacdo badda cas iyo gacanka cadmeed, kaddib markii markab siday kiimiko uu ku quusay badda kuna daadatay kimikkadaasi gunta hoose ee badda. Qoraal kasoo baxay urur goboleedka IGAD ayaana walaac xooggan looga muujiyay saameynta ka dhalan karta kiimikadan badda ku daadatay, waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay in si deg deg loo qaado tallaabooyin kahor tag ah. Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaana laga cabsi qabaa in musiibadan ku habsato ,kaddib markii uu xeebaha Yeman ku degey markab la yiraa Rubymar oo sidey in ka badan…

Read More

Sanduuqa la isku taakuleeyo ee GoFundMe wuxuu ilaa hadda lacag dhan $102,000 u ururiyay Hamza oo ah maxbuus Maraykan ah oo dhammaanba lacagihii uu ka dhex shaqeystay gudaha xabsiga ugu deeqay walaalihiisa reer Falastiin. 40 sanno ayuu maxbuus ahaa waxaana la filayaa inuu goordhow kasoo baxo noloshaas uu galay isaga oo soo qaangaaraya. Wuxuu toddobaadkan ugu deeqay Muslimiinta Falastiin lacag dhan  $17.74 oo ah 136 saacadood oo shaqo nadaafadeed ah oo uu ka dhex qabtay xabsiga. Halkii saac waxaa loogu dhufan jiray saddex centi, sida lagu qoray Sanduuqa mareegta GoFundMe. Isaga oo maxbuus ah oo qalbigiisu aad uga fog tahay masaafo…

Read More

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa laga mamnuucay iibka xoolaha nuucyadooda kala duwan, kaddib markii magaaladaasi ku faafay cudur halis ah oo ku dhacaya xoolaha. Qoraal kasoo baxay maamulka xoolaha ee magaalada Kampala ayaa lagu mamnuucay in hilibka xoolaha lagu iibiyo caasimadda ,waxaana tallaabadan lagu xakameenayaa faafitaanka xoolaha ka saameeya afka iyo cagaha. “ Hilibka lo’da, ariga, idaha, Doofaarka iyo wax-soo-saarkooda  waa mamnuuc ilaa amar dambe, inta laga xakameenayo cudurka la arkay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay  Wasaaradda Beeraha, Warshada Xoolaha iyo Kalluumeysiga. Dadka ku dhaqan magaalada Kampala oo aad u isticmaali jiray hilibka xoolaha nuucyadiisa kala duwan…

Read More

Koox masuuliyiin ah oo la rumeysan yahay inay lahaayeen curinta mashruucii $9-ka dollar ayaa wada in eedda falkii foosha xumaa ee ka dhacay garoonka Aadan Cade dusha laga saaro masuul sare oo ka tirsan dowladda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxdan isku duuban ayaa qorshaheeda wada sidii fadeexaddii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde dusha loogu saari lahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah Axmed Macalin. Kooxdan oo ay ku jiran hoggaanka wasaaradda gaadiidka, xildhibaano, xubno ka mid ah xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo mid kamid ah taliyaasha ciidanka ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku mashquulsana sidii ra’iisul wasaare Xamza loogu qancin…

Read More

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirka qorshaha isbeddelka qaran. Kulankan oo ka dhacay Hanger-ka Xalane ayaa waxaa kasoo qeyb-galey qaar kamid wasiiradda xukuumadda, xoghayaha xafiiska ra’iisulwasaaraha, ku-xigeenka, agaasimayaal, iyo xubno kale oo ka tirsan xafiisyada dowladda. Kulanka oo ahaa mid lagu xoojinayo iskaashiga xukuumadda iyo ganacsiyada ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay madaxda shirkadaha wax dhoofinta, korontada, bangiyada, shidaalka, beeraha iyo shirkadaha ganacsiga guud ee dalka. Intii uu socday kulankan ayaa waxaa ururada ganacsatada laga dhageystay aragtiyadooda ku beegan caqabadaha ganacsiga, fursadaha jira ee aan wali laga faa’iideysan iyo sidii xal waara loogu heli lahaa…

Read More