Author: radiohalgan.com

Wadnuhu waa mid ka mida xubnaha ugu muhiimsan jirka bini’aadanka ee qabta shaqo la’aanteed uusan qofku noolaan karin. Si la mida xubnaha kale ee jirka waxaa jira xanuuno ku dhaca wadnaha. Xanuunada ku dhaca waxay u qaybsamaan kuwa lagu dhasho iyo kuwa ku dhaca qofka isaga oo weyn hase yeeshee sida ay muujisay cilmi baaris ay sameeyeen dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka Erdogan sanadkii 2021-kii ayaa muujisay in bukaanada carurta ah ee booqday qaybta wadnaha ee Isbitaalka kuwaasoo qabay cabasho la xariirta wadnaha boqolkiiba lixdan qabeen xanuunada wadna furanka ama wadne daloolka. Markii ugu horeyeysay taariikhda Soomaaliya ayaa dhowaan yeelatay xarun…

Read More

Warbixin dhawaan la soo saaray, ayaa sheegeysa in iibinta alaabta Apple ee ay kamid yihiin taleefannada casriga ah ee Iphone-ka ay hoos u dhacday adduunka oo dhan. Iibka ayaa hoos u dhacay dhammaan waddamada marka laga reebo Yurub. Shirkadda ayaa sheegtay in dalabka taleefannadeeda casriga ah uu hoos u dhacay boqolkiiba 10 saddexdii bilood ee ugu dambeeyay sanadkan. Shirkadda Apple ayaa sidoo kale shaacisay in dakhliga guud ee shirkaddu uu hoos u dhacay boqolkiiba afar taas oo u dhiganta ilaa 90.8 bilyan oo doolar. Tani waa hoos u dhac weyn marka loo eego in ka badan hal sano. Laakiin natiijadu…

Read More

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa ku guulaysatay taageerada iyo doorashada xisbiga dimoqoraadiga ah ee DFL ee gobolka Minnesota kaas oo ah tartankeedii dib-u-doorashada ee degmada 5-aad ee Koongareeska Minnesota wareeggii koowaad ee codbixinta. Taageerada ayaa daah furaysa ujeedada xisbiga ee gobolka ka hor tartanka hordhaca ah ee bisha Agoosto. Xildhibaan Ilhaan ayaa ku guulaystey taageerada xubintii hore ee golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo ay kaga adkaatay Don Samuels oo ah ninka la tarmaya, kaasoo ay kaga guuleysatay boqolkiiba laba kaliya 2022-kii. Intii lagu guda jiray qayb su’aalo iyo jawaabo ah oo ka mid ah…

Read More

Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Taliyaha ayaa gudaha magaalada Baledweyne kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxgaradka gobolkaas iyo qeybaha kala duwan ee dadka reer Baledweyne. Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlay xaalada guud ee amniga gobolka Hiiraan iyo waliba sidii dib loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab, waxaana taliyaha uu adkeeyay muhiimada ay dowladda Fedaraalka u leedahay in dalka oo dhan laga ciribtiro Ururka…

Read More

Boqolkii maalmood ee lasoo dhaafay waxa ugu weyn ee ay ka hadleen dadka Soomaaliyeed waa boobka baahsan ee ku socda dhulalka danta guud ee ku yaallay Muqdisho. Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn loogu haysta inuu sifo sharci darro ah ku bixinayo dhulalkii dowladda. Meelaha ay qayladdii ugu dambeysay ka timid waxaa kamid ah; 1. Suuqa Argentina ee degmada Kaaraan 2. MCH-kii degmada Hodan iyo 3. Gudaha xerada Xalane Ka horna, wuxuu buuqooda taagna dhulalkii; 1. Dab-demiska 2. Oodweyne 3. Bangala 4. Ara’a, oo ku dhow Asluubta 5. Qabuuraha Iskuul Buluusiya iyo 6. Bangaariyo Boobka dhulalka dowladda ayaa si aan qiyaas…

Read More

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay baafin ay ku wargelinayso shirkad ajnabi ah, oo ay soo eedeeysay xeer ilaalinta qaranka. Shirkadan oo lagu magacaabo Automative Management Services (AMS) ayaa loo haysta “inay galeen dambi bixin la’aan canshuur ku waajibtay ganacsigooga, bixinta cadeymo been abuur ah iyo marin habaabin, iyo weliba ganacsi sharci darro ah oo aan ahayn kii ay shatiga u haysteen.” Sidoo kale waxay shirkad ajnabiga ah kusoo eedeysay xeer ilaalinta ku xad-gudubka shuruucda dalka iyo denbi lacag dhaqis, sida lagu shaaciyay warqadda baafinta ee kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir. Maxkamaddu waxay baafinaysaa kuna wargalinaysaa Shirkadda Automative Management Services…

Read More

Ruushka ayaa horumar ka sameynaya dagaalka Ukraine, iyadoo warbixinnadii u dambeeyay ay soo muujiyeen ciidanka Ruushka inay kaliya 20 km u jiraan magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv. Ciidanka Ruushka ayaa la wareegay inta badan magaalooyinka ku hareeraysan Kharkiv oo waqooyiga Ukraine ku taalla. Ruushka haddii uu gaaro Kharkiv, waxay xaaladda ku xumaanaysaa ciidanka Ukraine, sababo la xiriira furimaha dagaalka ee Ruushka uu ballaariyay, halkaasoo uu u adeegsan karo Ruushka,  saldhig weerar oo dhibaato u geysanaya ciidanka Ukraine ee dib u gurashada ku jira. Ukraine ayaa ka cabanayso inaysan wali soo gaarin taageerrada militari ee Mareykanka oo si…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu bogaadiyay inay wax ka bedeshay warqaddii ay ku dalbatay in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Soomaaliya ee magaciisa loo soo gaabiyo (UNSOM). Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu bogaadiyay inay wax ka bedeshay warqaddii ay ku dalbatay in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Soomaaliya ee magaciisa loo soo gaabiyo (UNSOM). Dowladda dhexe oo warqad u dirtay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haatan ay dooneyso in la magacaabo guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doono, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya, halkii markii hore…

Read More