Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu hambalyo ugu diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta lagu caano shubay deegaanka Dahara Ugaas ee hoos-taga Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Ugaaska in uu u fududeeyo masuuliyadda-dhaqan ee loo duubay, waxa uuna tilmaamay mudnaanta ay siinayso dowladdu arrimaha dhaqanka, dib u heshiisiinta iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kula dardaarmayaa Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan in uu sii ambaqaado kaalinta soo jireenka ah ee dhaqan ee loo duubay Ugaaska,…

Read More

As salaamu caleykum wrwb. Waxaan tahniyad & bogaadin u dirayaayaa bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hiiraan & beesha Xawaadle munaasabadda duubista & caleemo saarka Ugaas Yusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maanta ka dhacday deegaanka Daharo Ugaas ee gobolka Hiiraan. https://twitter.com/AbdulnuurSheikh/status/1789905611821342946?t=W3WoukBA1il6iDDFZmFsYw&s=19

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa dhambaal hambalyo iyo duco ah u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo noqday Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle. Dahara Ugaas oo hoostagta degmada Halgan ayaa maanta lagu caano-shubbay Ugaas Yuusuf iyadoo xariirta loogu xiray deegaanka Ceeldheere. Duubka Ugaas Yuusuf waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Hirshabeelle. “Maanta dhacdo dhaqan oo weyn ayaa ka dhacday degmada Halgan. Ugu horreyn hambalyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, Alle waxaa ka rajeynayaa inuu kula garab-galo hoggaanka dhaqan ee maanta laguu idmaday.” Ugu dambeyn Madadweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen…

Read More

Guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow ayaa maanta dalka Japan uga qeyb galay Tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan Horumarinta Maamulka Dowladaha Hoose ee Dib-u-dhiska dalka. Tababarkaasi oo socon doono muddo labo isbuuc ah waxaa loo qabtay qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Maamul Goboledyada iyo Gobolka Banaadir guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa shirkaasi dhanka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiraan ku matalaya. Mudada uu socdo aqoon kororsigu waxaan lagu baran doonaa cahiro ku saabsan Horumarinta Dowladaha Hoose, Dhismaha bulshada oo ku salaysan wada shaqaynta dawladda iyo bulshada, sidoo kale guddoomiyaha degmada Beledweyne Cumar Calasoow iyo madaxda la socota ayaa booqan…

Read More

Millateriga Somaliland ayaa ku goodiyay in uu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay gobolka Sool, isla markaana uu dhaafi doono Laascaanood. Taliyaha Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, oo warbaahinta xukuumada la hadlay, ayaa sheegay in ciidankiisu uu wali awood badanyahay, isla markaana uu soo ceshan doono dhulkii uu ku lumiyay dagaalkii Laascaanood. “Dadwaynaha reer Somaliland waxan u sheegaya in aanu si dhakhso ah xadka u gaadhayno wakhtigeeda, ciidanku waa kii naftooda waxay u huryaan dalka, awoodoodii iyo xoogoodiina way leeyihiin” ayuu yidhi Taliye Taani. Millateriga Somaliland ayaa lumiyay gacan ku haynta baddiba gobolka Sool, iyo magaalo madaxda Laascaanood, kadib…

Read More

Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali Firdhiye, ayaa isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiiradda, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Taliyihii hore  ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Cabdi Xasan Xajaar ayaa kamid noqday liiska cusub ee golaha wasiirrada ee maamulka SSC- Khaatumo. Isbeddelkan cusub ayaa kusoo beegmay, xilli qaar kamid ah wasiirradii maamulkaasi ay iska casileen xilalkooda, iyagoo qaarkood sheegay in fara galin lagu hayay shaqooyinka xafiiskooda. Madaxweyne Firdhiye oo muddo xileedkiisu yahay labo sano, ayaa hadda xafiiska jooga ku dhawaad sanad, welina maamulkiisu wuxuu ku jiraa dib udhis. Halkaan ka aqriso liiska wasiirrada. 1. Cabdiqani…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo Bambaanooyin ah oo Xalay lagu weeraray guryo ku yaala xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.. Qaraxyada oo ahaa laba bambo oo nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray midka koowaad guri uu ka degan yahay magaalada Baydhabo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Kuuroow Amxaar oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed. Qaraxaas bambo kadib ayaa ilaalada guriga waxay fureen rasaas xoogan oo argagax kusii beertay dadka deganaa xaafadaas, hayeeshee lama soo warin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxa bambo iyo rasaastaba. Qaraxa labaad ayaa sidoo kale Xalay lagu weeraray…

Read More

Ciidamada badda Yurub ayaa lix qof oo burcad-badeednimo looga shakisan yahay xiray shalay kadib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal siday oo kasoo shiraacday Gacanka Cadmeed, sida ay saraakiishu sheegeen, tan oo laga yaabo inay qeyb ka tahay weerarrada burcad-badeednimo ee sii kordheysa ee ka imaanaya Soomaaliya. Weerarkan oo lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo uu ka babbanayay calanka Jasiiradaha Marshall ayaa kusoo aadaya iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale weerarayeen maraakiibta maraya Badda Cas iyo Marinka Bab el-Mandeb. Weerarrada ayaa hoos u dhigay isu gudubka ganacsiyada ee marin-biyoodkan muhiimka ah ilaa Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka. Burcad-badeedda…

Read More

Dowladda Sacuudiga ayaa amartay in ciidamadu dili karaan dadka ka dhaga adayga inay ka guuraan goob loogu talagaay in la dhiso magaalada mustaqalka taas oo ay maalgalinta dhismaheeda fulinayaan shirkado reer galbeedka sida uu BBC u sheegay sarkaal hore oo wardoonka dalkaasi ka tirsanaa. Kornayl Rabix Alenesi, ayaa sheegay in lagu armay dadka deeganas inay ka baxaan xariiqaa inta loo qorsheeyey mashruuca Neom. Mid ka mida dadkii degganaa ayaa la toogtay k adib markii uu ka soo horjeensaday in gurigiisa laga saaro. Dowladda Sacuudiga iyo maamulka mashruuca Neom ayaa diiday inay ka hadlaan arrintan. Mashruuca Neom, oo ah mida y…

Read More