Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Walaaca ku saabsan dambiyada rabshadaha wata ayey maskaxda ku heyn doonaan dadka reer Koonfur Afrika marka ay u dareerayaan doorashada dabayaaqada bishan, iyadoo siyaasiyiintu ay ballanqaadyo kala duwan u sameeyeen sidii wax looga qaban lahaa. Iyadoo heerarka dilku uu sarreeyo muddo 20 sano ah, BBC Africa Eye waxay jiidaha kula jirtay bulshooyinka dagaalka ku jira. “Ilaahoow, ilaahow,” qof ayaa ku qaylinaya iyada oo nin booliis ah oo la toogtay uu dhulka yaallo. Waa Diepsloot oo ah magaalo ku taalla duleedka Johannesburg ee xudunta ganacsiga Koonfur Afrika iyo habeen jimco ah. “Tani waa dhacdo joogto ah,” ayuu yiri Abel Rapelego. 41-jirkan…
Waxaan Hambalyo u Dirayaa Ugaas Yuusuf, Ugaas Xasan, Ugaas Khaliif, Ugaas Rooble, oo Noqday ugaskii 21-aad ee Beelweynta Xawaadle oo ka mid ah Beelaha Somaaliyeed oo maanta lagu caano shubay deegaanka Daharo ugaas Duleedka Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan. Dadka Soomaaliyeed waxa ay leeyhihiin dhaqan asal soo jireen ah, waxana dhaqanku yahay tiirka kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee isku haya bulshada Soomaaliyeed iyo Dowladnimada Waxaana Alle ugu Baryayaa in Ugaas Yuusuf uu ku ceeb Asturo Masuuliyada Dhaqan ee Maanta Loo duubay.
Waxaan u hambalyeynayaa Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, oo maanta lagu caano-shubay munaasabad ka dhacday deegaanka Daaro Ugaas ee Gobolka Hiiraan. Waxaan bogaadinayaa dhammaan waxgaradka, cuqaasha, ganacsatada, culimada, dhallinyarada iyo haweenka beesha Xawaadle kaalinta mugga leh ee naf iyo maalba loo huray ee ay ku bixiyeen dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaana u rajeynayaa in guulo hor leh ay kasoo hoyaan halganka dalka, dadka iyo diinta lagu difaacayo. Waxaan ugu duceynayaa Ugaas Yuusuf in Allaah ugu kaalmeeyo hoggaaminta beesha, kuna guuleeyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Beesha Xawaadle iyo daris wanaagga ku dhisan nabadda ee…
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo noqonaya Ugaaskii 21-aad ee beesha Xawaadle ayaa maanta lagu caano-shubay deegaanka Daharro Ugaas oo ka tirsan magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan. Ugaas Yuusuf ayaa badalaya aabbihii Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Muqdisho ku geeriyeeday bishii Febraayo 2021. Haddaba maxa ay tahay sheekada ay la gaarka tahay deegaanka Daharo Ugaas? XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL Deegaanka Daharro Ugaas, ayaa u dhexeeya magaalooyinka Beledweyne iyo Buule-berde. Deegaankan ayaa taariikh ahaan ku caan baxay in lagu aaso ugaasyadii beeshaasu ay lahayd marka ay dhintaan sababtaa darted ayayna taariikh gaara ugu leedahay. XAYEYSIIN Dhanka kale, deegaankan ayaa ku…
Samafalle Abdiaziz Muudey oo maanta ka hadlay duubka ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ugaas Rooble oo ka dhacay Magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan https://youtu.be/T4UMO3e2VjU?si=L80O4BZ0HwwdNU2o
Dhageyso:- Rugcada hore Cilmi Faarax Nuur Webi, oo xilal hore uga soo qabtay dawladihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Duubka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan https://youtu.be/_hALwiqNJyU?si=BuVOrBpcn6Qh79gT
Gudoomiyaha Degmada Halgan iyo shacabkii ka qeeyb galay Caana-shubka Ugaaska ayaa u Hambalyey Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan https://youtu.be/Pamm0_QBeKw?si=oxwD1qRIeyAAQtvW
Wafdi uu Hogaaminayo Ugaas Yuusuf oo Goordhow soo Gaaray Magaalada Baladweyne. https://youtu.be/9PBZcuYiDno?si=cNv4EPKU18nXcYMc
Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa laba jeer ku laabtay gobolka Hiiraan, tan iyo markii loo magacaabay hoggaanka cusub ee hay’adda NISA. Sababta ugu weyn ee safaradiisa ayaa lagu sheegay mid uu ku raadinayo inuu reerkiisa ku qanciyo inay dib u bilaaban gulufkii ka dhanka ahaa argagixisada. Reer Hiiraan, gaar ahaan beesha uu ka dhashay Taliye Sanbaloolshe ayaa haysta diiwan ammaan mudan marka laga hadlayo sida ay ula dirireen argagixisada, ugana saareen inta badan deegaanadooda. Tan iyo markii uu dagaalka dhaafay waxaa batay jabka iyo ciidamada kasoo baxaya furimaha. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh…
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Lafta-gareen iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dibu-heshiisiinta XFS Cali Cali Xoosh iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka iyo qeybaha kala duwan bulshada. Socdaalka Lafta-gareen ayaa wuxuu u daaran yahay ka qeyb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho ee…
 
		